Home Blog Page 6

Xiisad cusub oo u dhaxeeyso saraakiisha taageersan Laftagareen ayaa hada ka taagan gudaha Baydhabo.

0

Monday 30 March 2026 {HMC} Sida ay HMC Somali TV u sheegeen saraaiil ku sugan baydhabo xiisada ayaa timid kadib markii ay Kala shaki yeen labo Sargaal oo taageersanaa Laftagareen kuwaas oo kala ah Taliyaha CID-da Mohamed Gaalneb iyo Taliye Dugudow oo ahaa Taliyihii dhawaan ay xilka ka qaaday Dowladda Soomaaliya.

Sargaalka lagu magacaabo Mohamed Gaalneb oo ah ninka haayo Hubka ugu badan ee Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe isla markaana ay yihiin qaraabo hoose yihiin, ayaa laga shakiyay in uu ku biiri rabo ciidamada ku sugan duleedka Baydhabo.

Wararka waxay ay sheegayaan in lagu hareereysan yahay Guriga taliyaha CID, waxaana laga cabsi qabaa iska hor imaad dhaxmaro ciidamada taabacsan lafta gareen iyo ilaalida taliyaha CID da.

Xigasho Nation TV

RSF shelling kills 14 civilians in Sudan’s South Kordofan.

0

Monday 30 March 2026 {HMC}  At least 14 civilians have been killed in artillery shelling by the paramilitary Rapid Support Forces (RSF) in Sudan’s South Kordofan state, a local medical group has said.

The Sudan Doctors Network said in a statement on Sunday that two women and five children were among the victims in the attack that targeted the city of Dilling on Saturday night, while 23 other people, including seven children, were injured.

It said the attack targeted residential areas in the city, causing a high number of casualties “amid extremely difficult humanitarian and health conditions and a shortage of medical personnel.”

According to the group, the city was subjected to heavy shelling for the second day by the RSF and the Sudan People’s Liberation Movement-North (SPLM-N).

Dilling has already been under siege by the paramilitary group for over two years now.

The network called on the international community and humanitarian organisations to take immediate action to stop the RSF violations and provide protection for civilians in Sudan.

There was no comment from RSF on the report.

Since April 2023, the Sudanese army and RSF have been engaged in a conflict over plans to integrate the paramilitary force into the military.

The fighting has triggered one of the world’s worst humanitarian crises, with tens of thousands killed and nearly 13 million people displaced.

SOURCE:AA

{DAAWO MUQAALKA} FALANQEYNTA Wararkii ugu Dambeeyay dagaalkii maanta ka dhacay Duleedka baydhabo.

0

Axad 29 March 2026 {HMC} FALANQEYNTA Wararkii ugu Dambeeyay dagaalkii maanta ka dhacay Duleedka baydhabo.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA. 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyey Xiisada Dagaal ee Caawa ka taagan Duleedka Baydhabo

0

Axad 29 March 2026 {HMC} Wararkii Ugu Dambeeyey Xiisada Dagaal ee Caawa ka taagan Duleedka Baydhabo

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA. 

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa looga hadlay Kulanka Adaan madoobe iyo siyaasinta KGS Ka soo jeeda ?

0

Axad 29 March 2026 {HMC} Maxaa looga hadlay Kulanka Adaan madoobe iyo siyaasinta KGS Ka soo jeeda ?

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA. 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeyey. 29/03/2026

0

Axad 29 March 2026 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka Ee Warbaahinta HMC Soomali Tv.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

Ciidanka Dowladda oo la wareegay Deegaanka Daaynuunaay ee Duleedka Baydhabo.

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay Al-shabaab ku jabisay dagaal maanta ka dhacay agagaarka Daynuunaay ee gobolka Bay, sida lagu xusay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga.Somalia political commentary.

Dowladda Soomaaliya waxay tilmaantay in dagaalkaas lagu dilay 21 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana lagu dhaawacay in ka badan 10 xubnood.

Sidoo kale dowladda Federaalka waxay sheegtay in ay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta deegaanka Daynuunaay, oo ah marin muhiim ah oo isku xira waddada Baydhabo iyo Muqdisho.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo ciidamo ka amar qaata siyaasiyiinta muraacadka ee la magacbaxay Badbaadada Koonfur Galbeed oo is-garabsanaya ayaa qarka u saaran in ay la wareegaan Baydhabo, oo ah magaalada keliya ee gacanta ugu jirta maamulka Laftagareen.

Maxay tahy eedeynta ay Koonfur Galbeed u jeedisay Dowladda Turkiga?

0

Axad 29 March 2026 {HMC} War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay walaac xooggan oo ku saabsan adeegsiga ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qalab militari oo ay bixisay Dowladda Turkiga, kuwaas oo sida lagu sheegay War-saxaafadeedka loo isticmaalay weeraro ka dhan ah shacabka reer Koonfur Galbeed.

Qoraalka ayaa xusay in ciidamada Soomaaliyeed ee ay tababareen Turkiga, iyo gaadiidka gaashaaman ee loogu talagalay la dagaallanka argagixisada, loo weeciyey howlgallo ka dhan ah bulshada deegaanka.

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay warbixinta in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drone) ee Turkiga ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada ciidamada Dowladda Federaalka ee ku wajahan magaalada Baydhabo.

Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa tilmaantay in tallaabooyinkan ay khatar ku yihiin amniga, xasilloonida iyo wadajirka bulshada, isla markaana ay muujinayaan suurtagalnimada in qalabkii loogu talagalay la dagaallanka argagixisada loo adeegsaday xaalado kale oo gudaha ah.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale xusay in Dowladda Turkiga ay muddo dheer saaxiib dhow la ahayd shacabka Soomaaliyeed, balse xaaladda hadda jirta ay dhalisay walaac ku aaddan doorkeeda ku aaddan khilaafaadka gudaha.

“Waxaa sidoo kale la soo wariyey in diyaaradaha Drone ka ee Turkiga ay ilaalinayaan Ciidamada Dowladda ee ku wajahan Baydhabo ee la rabo in lagu gumaado Shacabka reer Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dowladda Turkiga waxay saaxiib la ahayd Shacabka Soomaaliyeed, balse hadda waxay u muuqataa inay ka qayb qaadanayso dagaal sokeeye ee gudaha Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn, Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqday Dowladda Turkiga inay dib u eegto kaalinteeda, islamarkaana ay ka hortagto in qalabkeeda iyo taageeradeeda loo adeegsado waxyeello ka dhan ah shacabka rayidka ah, iyadoo ku baaqday in la ilaaliyo nabadda iyo wada noolaanshaha.

Ciidanka xooga dalka oo howlgal kadhan AS ka fuliyey deegaan hoos yimaada Baydhabo.

0

Axad 29 March 2026 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeya Ciidanka Dowladda oo kashanaya kuwa deegaanka iyo AS oo ka ka dhacay tuulada Deynuunay oo 18 KM u jira magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Afhayeenka Howlgelinta Badbaadada Koofur Galbeed, Maxamed Xuseen John ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan Deynuunay, isla markaasna ay hadda u sii socdaan magaalada Baydhabo.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dagaalka ay u adeegsadeen duqeymo ay fulinayaan saaxiibada caalamka, isla markaasna ay ka adkaadeen xubnihii AS ee wadadada u galay.

Hadalka Afhayeenka ayaa ku soo aadaya xilli dhankooda Maamulka Koofur Galbeed sheegay in ay kor taagan yihiin 200 Diyaaradaha Turkiga ee Beyrakdar oo ay adeegsaneyso Dowladda Federaalka.

Dhinaca kale Waxaa gabi ahaanba istaagey isku socodka dadaweynaha ee deegaannada Koofur Galbeed gaar ahaan gaadiidkii gali jiray magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee KGS.

Xaaladda ayaa ah mid aan weli daganeyn, iyadoo ay sii fideyso xiisadda u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koofur Galbeed.

Midowga Afrika ayaa kahadlay dhaqdhaqaaqyada ka socda Koofur Galbeed .

0

Axad 29 March 2026 {HMC} War-saxaafadeed uu saarey Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf ayuu uga hadlay dhaqdhaqaaqyada ka socda deegaannada Koofur Galbeed ee u dhaxeeya Maamulkaasi iyo Dowladda Federaalka.

Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay in Midowga Afrika markasta ka shaqeynayo Nabadda Soomaaliya, isla markaasna uu taageerayo wada hadal, si xal rasmi ah loo gaaro.

“Guddoomiyuhu wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada in ay is xakameeyaan, isla markaasna laga fogaado wax kasta oo keeni kara dagaal ama gacan ka hadal” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf.

Sidoo kale, wuxuu soo jeediyay in ay kulan qabsadaan Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada oo wehliyo gobolka Banaadir.

Hadalka Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa ku soo aadaya xilli magaalada Baydhabo ay ku sugan yihiin Ciidanka Itoobiya oo qaarkood hoos yimaada Howlgalka AUSSOM.

Ciidamadaan Itoobiyaanka ah ayaa maamula xarruumaha muhiimka ah ee Dowlad goboleedka Koofur Galbeed sida Garoonka diyaaradaha iyo goobo kale, waxaana ay saameyn ku leeyihiin Siyaasadda Maamulkaasi.