01-03-2026 {HMC} Wararka Ugu waa Weyn Soomaaliya Caalamka 01-03-2026
{DAAWO MUUQAALKA} Magacyada Saraakiisha IIRAAN ee Weerarka lagu Dilay oo la shaaciyey.
01-03-2026 {HMC} Magacyada Saraakiisha IIRAAN ee Weerarka lagu Dilay oo la shaaciyey.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.
{DAAWO MUUQAALKA} Shacab Farabadan oo iskugu soo Baxay Masjidka Imaam Khomeini Si ay ugu Duceeyan Hogaamiyahoodii.
01-03-2026 {HMC} Shacab Farabadan oo iskugu soo Baxay Masjidka Imaam Khomeini Si ay ugu Duceeyan Hogaamiyahoodii.
{DAAWO MUUQAALKA} IIRAAN oo weeraro Culus ku qaaday Saldhigyadii Mareeykanka uu ku lahaa wadamada Carabta
01-03-2026 {HMC} IIRAAN oo weeraro Culus ku qaaday Saldhigyadii Mareeykanka uu ku lahaa wadamada Carabta
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.
{DAAWO MUUQAALKA} Dilka Hogaamiyihii iiraan oo la Xaqiijiyey iyo Weeraro Culus oo ka socda Bariga Dhexe.
01-03-2026 {HMC} Dilka Hogaamiyihii iiraan oo la Xaqiijiyey iyo Weeraro Culus oo ka socda Bariga Dhexe.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.
Ciidamada Amniga oo qabtay nin miino ku aasi rabay Marka.
Axad 1 March 2026 {HMC} Ciidamada ammaanka ee Degmada Marka ayaa gacanta ku dhigay miino la doonayay in lagu waxyeeleeyo amniga iyo xasilloonida magaalada, kadib howlgal ay si feejigan u fuliyeen.
Wararka laga helayo saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in miinada lagu qabtay nin lagu magacaabo Yuusuf Jeeri, kaas oo la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada ammaanka ee ka howlgala magaalada Marka.
Howlgalkan ayaa yimid kadib xog sirdoon oo tilmaamaysay in la qorsheynayay fal amni darro oo lagu qalqal gelinayo magaalada. Ciidamada ayaa si degdeg ah uga hortagay khatartaas, iyagoo miinadii ka saaray goobta si looga badbaadiyo shacabka waxyeello.
Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in baaritaan dheeraad ah lagu hayo eedeysanaha si loo ogaado cidda ka dambeysay qorshaha iyo haddii ay jiraan dad kale oo ku lug lahaa.
Degmada Marka ayaa kamid ah meelaha ay mararka qaar ka dhacaan falal amni darro, waxaana ciidamada ammaanka ay wadaan dadaallo lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo badbaadada shacabka.
MW Xasan Sheekh Maxay kawada hadleen & qaar kamid ah Madaxda ururrada Siyaasaded ee dlka
Axad 1 March 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan afur ah la qaatay qaar kamid ah Hoggaamiyaasha Ururrada Siyaasadda Dalka oo ay kawada hadleen Xaaladda guud ee Dalka iyo xoojinta hannaanka dimuqraadiyadda waddanka.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS, Cali Yuusuf Xoosh, Wasiirka Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka XFS, Xasan Macallin iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Cabdikariin Maxamed Yuusuf.
Madaxda Ururrada Siyaasadda ayaa dhankooda adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay ka gudubto doorashada dadban una guurto mid dadweyne si shacabka awooddiisa dib loogu soo celiyo maadaama wakiillo kooban ay u dooran jireen dadka ku metalaya Siyaasadda.
Kulankaan waxa uu kusoo aadayaa iyada oo dhowaan lagu kala tagay shirkii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka oo la isku mari waayay qodobo kala duwan, Xukuumadda Dan-Qaran ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay qabsoomidda Doorasho Dadweyne halka xubnaha Mucaaradka qaarkood ay u xusul duubayaan Doorasho Dadban in dib loogu noqdo.
Kumuu ahaa Ayatollah Cali Khamenei.?
Axad 1 March 2026 {HMC} Ayatollah Ali Khamenei, oo ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan tan iyo 1989, ayaa noqday shaqsiga ugu awoodda badan dalka, isagoo gacanta ku hayay ciidanka, siyaasadda, iyo go’aannada waaweyn ee gudaha iyo dibadda.
Kahor inta uusan noqon hoggaamiye sare, Khamenei wuxuu ahaa madaxweyne intii lagu jiray dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq, wuxuuna xoojiyay awoodda Ciidanka Ilaalada Kacaanka (IRGC) iyo shabakadda xulafada Iiraan ee gobolka.
Siyaasaddiisu waxay ku dhisnayd iska-caabin ka dhan ah Maraykanka iyo Israa’iil, xoojinta awoodda militari iyo gantaallada, ka hortagga saameynta reer Galbeedka, iyo dhaqaale ku tiirsan isku-filnaansho, oo loo yaqaan “resistance economy.”
Muddo dheer ayuu wajahayaay cunaqabateyn dhaqaale iyo dibadbaxyo gudaha ah, laakiin weli wuxuu ahaa shaqsiga ugu awoodda badan Iiraan muddo ka badan 35 sano.
Khamenei wuxuu ka mid ahaa dadka sameeyay nidaamka “axis of resistance,” kaasoo ku lug lahaa taageeridda xulafada Iiraan ee dibadda sida Hezbollah ee Lubnaan, Hamas ee Falastiin, iyo xulafada kale ee gobolka, taasoo u suurtagalisay in Iiraan ay saameyn ballaaran ku yeelato siyaasadda gobolka.
Inkastoo ay jireen dibadbaxyo gudaha ah oo ka dhashay rabitaanka dhalinyarada iyo dhaqaale xumo, Khamenei wuxuu marwalba xoogga saaray ilaalinta awoodda dalka iyo madax-bannaanida Iiraan.
Si kastaba ha ahaatee, hoggaamintiisu waxay la kulantay dhaleecayn ka timid dadweynaha, gaar ahaan dhalinyarada, kuwaasoo mararka qaar ku eedeeyay inuu diiday isbeddello siyaasadeed iyo dhaqaale oo muhiim ah.
Wuxuu sidoo kale marar badan la falgaliyay siyaasadda dibadda ee Maraykanka, mararka qaar iska celinayay, mararka qaarna gorgortan la galay si loo ilaaliyo danaha Iiraan.
Khamenei wuxuu noqday astaan siyaasadeed iyo mid diimeed oo Iiraan u gaar ah, isagoo qaabeeyay qaabka ay Iiraan u wajahdo khataraha gudaha iyo dibadda. Saameyntiisa ayaa sii socotay muddo ka badan soddon sano, isaga oo dalka ka dhigay mid difaac leh oo ka madax-bannaan saameynta reer Galbeedka, inkastoo ay jiraan caqabado dhaqaale iyo dibadbaxyo gudaha ah oo mararka qaar aad u culus.
Qaraxyo Waaweyn ayaa laga Maqlayaa Caasimada Iiraan.
Axad 1 March 2026 {HMC} Qoraxda ayaa u soo baxday Magaalada Tehran hadda, iyadoo ay sii socdaan qaraxyada laga maqlayo saacadihii ugu dembeeyey.
Caasimada Iran ayaa si ba’an duqaymo ula kulantay kuwaas oo ay ku qaadeen Maraykanka iyo Isreal sabtidii . Trumo ayaa ugu digay in duqaymuhu sii socon doonaan iyadoo uu geeriyooday hoggaamiyihii sare ee Iran Khamenei.
Qiyaastii saacad ka hor, Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa muuqaal uu soo dhigay bartiisa X, oo muujinaya gantaalada Mareykanka oo ku dhacaya bartilmaameedyadooda, isagoo leh: “CENTCOM hadda waxay qaadaysaa tallaabo degdeg ah oo go’aan qaadasho leh sida loogu talagalay”.
Ciidamada Difaaca Israa’iil waxay iyana wax yar ka hor sheegeen inay bilaabeen mowjad kale oo weerar ah oo ka imanaya daraasiin diyaarado dagaal ah, oo loogu talagalay sahayda gantaalada Iiraan iyo nidaamyada difaaca.
“Ciidamada Cirka ee Israa’iil waxay garaaceen in ka badan 30 bartilmaameed oo ay leeyihiin Dowladda Iiraan guud ahaan Iiraan, oo ay ku jiraan nidaamyada difaaca cirka, gantaalada, bartilmaameedyada nidaamka, iyo xarumaha taliska militariga,” ayay IDF ku tiri bayaankeedii ugu dambeysay.
Xigasho BBC
WAR DEG DEG AH” Iran oo ku dhawaaqday Hogaamiye cusub oo Badalaayo Aayatulaahi Cali khumeyni.
Axad 1 March 2026 {HMC} Dowladda Iran oo ku dhawaaqday Hogaamiye cusub oo Badalaayo Aayatulaahi Cali khumeyni
Waxaa si toos ah talada dalka iran iyo hogaaminta guud oo ah booskii Aayatullah Cali khumeyni la wareegay wiilka khumeyni oo lagu magacaaba mojtaba khumeyni,
Aayatullah Cali khumeyni ayaa horay udiyaariyay cidii xukunka ka dhaxli lahayd.
Aayatullah Cali khumeyni ayaa ku geeriyooday da’da 86 sanno jir kaas oo 37 sanno soo hogaaminayay dalka iran.



