Home Blog Page 656

Firdhiye oo farriin culus u diray maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa ee Soomaalialnd

Isniin, 04 August 2025 {HMC} Hoggaamiyaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya Cabduqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay magaalada Laascaanood, kadib dhismaha dhameystirka maamulkaan ayaa si cajiib ah ugu caqli celiyay Somaliland oo ay horay ugu dagaalameen qaybo kamid ah gobolka Sool.

Firdhiye ayaa farriin culus u diray maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa, wuxuuna ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadda, isaga oo sheegay in dagaalka oo sii socdo aanu keeni karin natiijo la mahadiyo.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay arrinta midnimada dalka, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay tahay lama taabtaan, ayna marnaba ogolaan doonin inay kala go’do Soomaaliya.

“Waa masuuliyad Eebbe inaga saaray, laynagu eegayo; meesha aynu joogno haddii looga ololaynayo in Soomaaliya la kala gooyo, cidina isku hayn karimayso. Sidoo kale, haddii aan laga doonayn kala goynta, cid kala goyn kartaa ma jirto,” ayuu yiri hoggaamiye Firdhiye.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in maamulka cusub ee laga yagleeyay Sool, Sanaag iyo Togdheer uu ku yimid rabitaanka shcabka, isla markaana uu u taagan midnimada dalka.

Cabdulqaadir Firdhiye ayaa sidoo kale Somaliland uga digay inay kusii socoto dhabaha dagaalka, isaga oo sheegay in aysan mahdin doono, haddii aanay ka waan-toobin.

“Walaalaha soo bu’aya waxaan leeyahay: waar nabadda ayaa naas la nuugo leh. Colaadda, dagaalka iyo dirirtana hore ayaynu u soo aragnay. Waxa aad u hanqaltaagaysaan ee aad isleedihiin xaqiijiya ma jiri karaan,” ayuu raaciyay hoggaamiyaha maamulka Waqooyi Bari.

Si kastaba, Abuuritaanka maamulkan cusub waa natiijo toos ah oo ka dhalatay colaad dhiig badani ku daatay oo ka qaraxday magaalada Laascaanood, oo ah xarunta gobolka Sool, dabayaaqadii 2022.

Dibadbaxyo looga soo horjeeday dilal is-daba-joog ah oo loo geystay shakhsiyaad deegaanka caan ka ahaa ayaa isku beddelay halgan hubeysan oo ballaaran bishii Febraayo 2023, kaas oo dhex maray ciidamada ammaanka ee Somaliland iyo ciidamadii cusbaa ee SSC-Khaatumo.

Xiisad xooggan oo taagan xaafadda Siinaay ee Magaalada Muqdisho

Isniin, 04 August 2025 {HMC} Waxaa saaka xaalad kacsanaan ah iyo dhaq-dhaqaaq ciidan laga dareemayaa suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay maalmahaan ka taagneyd xiisad la xiriirta dhulka oo ay isku hayaan dowladda iyo dadka deegaanka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saaka suuqa uu tegay Xildhibaan Yaasiin Fareey oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo wata ciidamo badan iyo gaadiid dagaal, waxaana uu gudaha u galay suuqa, halkaas oo ay haatan ka taagan tahay xiisad culus.

Yaasiin Fareey ayaa doonaya inuu difaaco dhulkaas oo ay dagan yihiin dad shacab ah, isla markaana maalmahaan ka cabanayay dhul boob ay sheegeen in lagu hayo suuqa.

Xaaladda ayaa ah mid cakiran, waxaana sidoo kale bannaanka suuqa iyana ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo halkaas ka wada abaabul xooggan.

Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinayo in dagaal uu ka qarxo goobta, waxaana haawana suuqa, iyada oo ay joogaan ciidamo iska soo horjeedo.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo Yaasiin Fareey iyo ciidamo uu wato oo dhex socda gudaha Suuqa iyo gaadiid dagaal oo goobta yaalla, taas oo keentay in saaka xaalad ay dareemaan dadka deegaanka ee ku sugan aagga Siinaay ee Muqdisho.

Shalay sidoo kale waxaa suuqa tegay xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo meel fagaare ah kula hadlay dadka deegaanka, iyaga oo ka horyimid dhul boobka lagu hayo shacabka, waxayna ugu baaqeen inay sii wadaan dibadbaxooda, ayna garab istaaga yihiin.

Horay waxaa usoo baxa warar ku aadan in la’iibinayo suuqa, iyada oo si toos ah loo beec geeyay dhulka uu ku yaallo suuqa, waxaana booskiiba qiimihiisa lagu sheegay $ 45,000 illaa 80,000 oo Dollarka Mareykanka ah.

Arrintan ayaa sii kordhisa walaaca ay qabaan ganacsatada suuqa iyo dadka deegaanka, maadaama dhulkan ay haatan la wareegayaan ganacsato kale oo waawayn, waxayna taasi keentay kacdoonka dadka deegaanka iyo xildhibaannda ku metala baarlamaanka dalka.

Maamulka Puntland oo Hanjabaad Halis ah u jeedisay Doowladda Dhaxe

Isniin, 04 August 2025 {HMC}Wasiiru-Dowlaha Qorshaynta Puntland, Faarax Aw Cismaan, ayaa u hanjabay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay in uu si toos ah uga shaqeynayo burburinta Puntland iyo hurinta colaado ka dhex qarxa maamul goboleedyada dalka.

Wasiirka ayaa hadalkan jeediyay xuska 1-da Agoosto oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadda Puntland ee ku nool dalka Maraykanka. Waxa uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka leexday ballanqaadkii uu shacabka u sameeyay ee ahaa “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah,” isaga oo ku eedeeyay in madaxweynaha uu si toos ah mas’uul uga yahay dhiig ka daatay gudaha Jubbaland iyo Puntland.

“Madaxweyne Xasan Sheekh waa lagaala xisaabtamayaa dhiigga ku daatay Raas-Kambooni iyo Dhahar. Dhibic kasta oo daadatay adiga ayaa mas’uul ka ah,” ayuu ku hanjabay Wasiir Faarax.

Wasiirku waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay dagaalladii dhowaan ka dhacay magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac kadib markii ciidamo taabacsan maamulka cusub Waqooyi-bari ay isku dhaceen kuwa Puntland. Puntland ayaa horey ugu eedeysay dowladda Federaalka in ay taageereyso maamulkaasi, isla markaana ay hurineyso colaad ka dhan ah midnimada Puntland.

“Waan ka xumahay in dadkii aan u dirsanay Xamar si ay u difaacaan danta Puntland ay maanta noqdeen kuwa ka shaqeynaya kala qaybinta Puntland. Qori dab leh ayay la dhex wareegayaan Soomaalida,” ayuu raaciyay.

Wasiirka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in siyaasiyiin iyo xildhibaano ka soo jeeda Puntland ay si dadban uga qayb qaateen burburinta hay’adihii maamul goboleedka, isagoo ku eedeeyay in ay ka tageen masuuliyaddii ka saarnayd difaaca xuquuqda Puntland ee dowladda Federaalka.

Khudbadda Wasiir Faarax ayaa kusoo beegmeysa iyadoo xiisado siyaasadeed iyo amni ay ka jiraan gobolka Sanaag, gaar ahaan degmada Dhahar, halkaas oo Puntland ay sheegtay in la isku dayayo in lagu xiro maamulka Waqooyi-bari ee ay Dowladda Federaalka aqoonsatay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii Oktoobar 2023 si rasmi ah u aqoonsatay maamulka ku-meelgaarka ah SSC-Khaatumo, kaddib heshiis ay Muqdisho kula saxiixatay odayaasha dhaqanka ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn. Puntland waxay talaabadaasi ku tilmaantay mid sharci darro ah oo ka dhan ah qodobada Dastuurka KMG ah.

Xiisadda ayaa sii kululaatay bishii Luulyo 2025, kadib markii dagaal culus uu ka dhacay magaalada Dhahar, taasoo keentay in maamulka Puntland si toos ah u eedeeyo Villa Somalia. Puntland waxay ku tilmaantay faragelinta dowladda mid baalmarsan dastuurka iyo nidaamka federaalka.

Dhinaca kale, khilaafkan wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Puntland ay bishii Maarso 2024 si rasmi ah u shaacisay in aysan ka tirsanayn hay’adaha dowladda Federaalka, kaddib markii Villa Somalia ay meelmarisay wax ka beddelka dastuurka KMG ah oo aan lagu darin talo iyo oggolaansho gobollada qaarkood, sida ay ku dooday Garoowe.

Falanqeeyeyaasha siyaasadeed ayaa ka digay in khilaafka sii daba dheeraada uu wiiqi karo dadaallada dib-u-heshiisiinta qaranka, islamarkaana uu sababi karo kala fogaansho maamul oo horseeda burbur siyaasadeed iyo amni.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 04/08/2025

0

Isniin  04 August 2025 {HMC}  Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 04/08/2025

HOOS KA DAAWO MUUQAKA 

 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn 4- 8-2025

Isniin  4 August 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :Cabdiqani Cosoble  /Shukri  Baryare 

Farsamadii ::Ismail Abdiqadir

AS ayaa sheegtay inay dishay 20 askari oo ka tirsan ciidanka Uganda

Isniin, 04 August 2025 {HMC}Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (US Africa Command) ayaa ku dhawaaqay in ciidamadoodu ay duqeymo cirka ah la beegsadeen kooxda AS, intii lagu jiray dagaallo ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya maalintii Jimcaha.

AFRICOM ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan duqeymaha, marka laga reebo in lagu taageerayay dowladda Soomaaliya ee ay Mareykanku taageeraan, duqeymahana lagu qaaday agagaarka deegaanka Bariire, oo ku yaalla qiyaastii 30 mayl galbeed ka xigta Muqdisho.

AS ayaa sheegtay inay dishay 20 askari oo ka tirsan ciidanka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika, isla markaana ay burburisay gaadiid dagaal.

Mareykanka ayaa wali sii xoojinaya taageerada uu siiyo dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho, isagoo sii wadaya duqeymaha cirka ah. Mareykanku wuxuu sidoo kale duqeymo ka geystay buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari, halkaas oo uu taageero ka siiyo ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira kooxaha xagjirka ah ee ISIS.

Lama cadda tirada saxda ah ee duqeymaha Mareykanku ka geystay Koonfurta Soomaaliy, balse tirada guud ee duqeymaha Mareykanku ka fuliyay Soomaaliya sanadkan waxay gaareysaa 55.

Maamulka Trump ayaa qaaday weerarro cirka ah oo heer taariikhi ah ah, iyadoo u dhow inay jabiso rikoodhkii sanadlaha ahaa ee 63 duqeyn ee uu dhigay Madaxweyne Trump intii lagu jiray sannadkiisii ugu horreeyay ee 2019.

 

Muxuu yahay wafdiga ka socda Turkiga oo garay Puntland ?

Isniin, 04 August 2025 {HMC} Wafdi ka socda Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada Boosaaso si Madaxda Dowlad-Goboleedka Puntland ugala hadlaan Markabka Hubka iyo Gaadiidka Ciidanka wada ee lagu hayo Dekedda Magaaladaas.

Xubnaha Wafdiga ayaa isugu jira Saraakiil ciidan, Diblumaasiyiin Safaaradda ka shaqeeya iyo xubno kale, waxa ay kulamo toos ah la yeelanayaan Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni si Markabka Sea World loo sii daayo.

Ilo ku dhow safarka wafdiga ka socda Turkiga ayaa sheegay in Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta oo tababartay isla markaana taageerta ciidanka Badda Puntland ee PMPF ay sameysay dedaal xooggan oo la xiriira sidii wadahadal loo abuuri lahaa.

Markabka SEA World waxa ay Ciidamada PMPF ee Dowlad-Goboleedka Puntland ku qabteen Xeebta Bareeda ee Raas casayr 18kii July 2025, tan iyo xiligaas waxaa socday dedaallo kala duwan oo lagu sii daynayo markabkaan.

DG Puntland ayaa SEA World ku eedeysay in uu jebiyay nidaamka loogu talagalay in ay maraan marka Maraakiibta iyo Doomaha ay tagayaan xeebaha Dowlad-Goboleedkaas, sidaas darteed ayay sheegtay in ay usoo qabatay una geysay Dekedda Magaalada Boosaaso.

{DAAWO MUUQAALKA} Tahriibayaal badan oo ku geeriyooday doon la degtay.

0

Isniin  04 August 2025 {HMC} Tahriibayaal badan oo ku geeriyooday doon la degtay.

HOOS KA DAAWO MUUlQAKA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wadahadalo lagu sii deynayo Markabkii hubka oo ka furmay Magaalada Boosaaso.

0

Isniin  04 August 2025 {HMC}  Wadahadalo lagu sii deynayo Markabkii hubka oo ka furmay Magaalada Boosaaso.

HOOS KA DAAWO MUUlQAKA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Siddee lagu xaliyay xiisadii ka taagneed Suuqa Siinay ee Muqdisho.

0

Isniin  04 August 2025 {HMC} Siddee lagu xaliyay xiisadii ka taagneed Suuqa Siinay ee Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUUlQAKA