Home Blog Page 705

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya iyo caalamka 15/07/2025

0
Talado  , 15July 2025 {HMC} Halkan ka daawo Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya iyo caalamka 15 /07/2025

 

Hoos ka Daawo Muuqaalka 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn 15 07 2025

Axad 15 July 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo : Roodo xusen  &Mustaf ALi Cadow 

Farsamadii ::Ismail abdiqadir

{DAAWO MUUQAALKA} Trump oo ku hanjabay inuu Cunaqabateen saarayo Ruushka.

0

TALAADO  , 15 July 2025 {HMC} Trump oo ku hanjabay inuu Cunaqabateen saarayo Ruushka.

 

HOOS KA DAAWO MUUQALKA 

{DAAWO MUUQAALKA} Howlgalo culus oo ka socda Sh/Hoose.

0

TALAADO  , 15 July 2025 {HMC} Howlgalo culus oo ka socda Sh/Hoose.

 

 

HOOS KA DAAWO MUUQALKA 

{DAAWO MUUQAALKA} Macawisleey Sheegtay in AS ka saarayaan Deegaanka Tardo.

0

 

TALAADO  , 15 July 2025 {HMC}  Macawisleey Sheegtay in AS ka saarayaan Deegaanka Tardo.  

 

HOOS KA DAAWO MUUQALKA 

{DAAWO MUUQAALKA} Baarlamanka Puntland oo Xasnaada ka Xauubiyey Cabdirashiid Abwaan.

0

TALAADO  , 15 July 2025 {HMC} Baarlamanka Puntland oo Xasnaada ka Xauubiyey Cabdirashiid Abwaan.

 

HOOS KA DAAWO MUUQALKA 

lacagaha ay Diraan Xawaaladaha ay Kamid Yihiin kuwa Soomaalida oo la Saaray Cashuur Xad-dhaaf ah

Talaado 15 July 2025 {HMC}  Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u dhaqan gelisay sharci cusub oo lagu soo rogay canshuur dhan 3.5% lacagaha ay dibadda u diraan dadka aan Mareykanka u dhalan. Tallaabadan ayaa laga cabsi qabaa in ay si weyn u saameyso malaayiin qoys oo dunida ku tiirsan xawaaladaha si ay u daboolaan baahiyaha aasaasiga ah sida cuntada, biyaha, waxbarashada iyo caafimaadka.

Sharci lagu magacaabo “One, Big, Beautiful Bill”, oo uu bishan saxixay Donald Trump, ayaa qayb ka ah qorshe dhaqaale oo la sheegay in uu sare u qaadayo dakhliga gudaha, balse si weyn uga dhan ah jaaliyadaha muhaajiriinta ah ee Mareykanka ku nool.

Machadka Horumarka Caalamiga ah (CGD) ayaa sheegay in canshuurta cusub ay sabab u noqon karto in lacagaha loo diro waddamada danyarta ah ay hoos u dhacaan 5.6%, taasoo macnaheedu yahay in waddamo sida Soomaaliya, Mexico, Hindiya, iyo Tonga ay lumin karaan balaayiin doolar sanadkii.

Sanadkii 2023, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dibadda ku sugan ayaa dalka usoo xawishay $1.73 bilyan – taasoo ka badan dhammaan deeqaha horumarineed iyo bani’aadamnimo ee Soomaaliya hesho. Sidoo kale, 40% deeqdii horay uga imaan jirtay Mareykanka ayaa laga jaray kadib markii USAID la dhimisay in ka badan $60 bilyan guud ahaan dunida.

Hay’adaha samafalka sida Oxfam ayaa hore u sheegay in xawaaladuhu ay badbaadiyeen nolosha kumannaan Soomaali ah xilligii abaarihii 2011. Hadda, canshuurta cusub waxay si toos ah u saameyn doontaa boqolaal kun oo qoys oo noloshoodu ku tiirsan tahay lacagahaas.

Waddamada sida Hindiya, oo helay $119 bilyan oo xawaalado ah sanadkii hore, ayaa sidoo kale lumin doona malaayiin doolar haddii canshuurta la dhaqangeliyo. Su’aasha hadda taagan ayaa ah: Dalalka sida Australia ma dabooli karaan farqiga dhaqaale ee ka dhashay canshuurta Mareykanka?

Qaramada Midoobay ayaa ujeedadeedu tahay in la yareeyo kharashaadka xawaalad dirista in ka yar 3% marka la gaaro 2030. Haddana tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee Mareykanka ayaa u muuqda kuwo kasoo horjeeda yoolkaas, iyagoo dhibaato weyn u horseedaya qoysas danyar ah.

Yaanyada aay Mexico Udhoofiso Mareekanka oo lagu Dalacay Cashuur Gaareeyso 30%.

Talaado 15 July 2025 {HMC}  Dowladda Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqday canshuur dhan 17% oo la saaray yaanyada ka timaadda dalka Mexico, taas oo meesha ka saareysa heshiis saddex iyo labaatan sano ka dhaxeeyay labada dal.

Go’aankan ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay, iyadoo dowladda Mareykanka ay cadaadis saareyso Mexico si ay uga gaarto heshiis guud oo ganacsi oo labada dal dhexmara kahor 1-da Agoosto.

Haddii taas la waayo, badeecadaha Mexico oo dhan ayaa la filayaa in lagu soo rogo canshuur guud oo gaaraysa 30%.

“Mexico weli waa mid ka mid ah xulafadeenna ugu weyn, balse muddo dheer ayay beeraleyda Mareykanka cadaadis ku saarnaayeen dhaqammo ganacsi oo aan caddaalad ahayn, kuwaas oo hoos u dhigay qiimaha dalagyada sida yaanyada,” ayuu yiri Xoghayaha Ganacsiga Mareykanka, Howard Lutnick, oo warsaxaafadeed soo saaray.

Wuxuu intaa ku daray in isbeddelkan uu la jaanqaadayo siyaasadaha ganacsi ee Madaxweyne Trump iyo aragtidiisa ku aaddan xiriirka ganacsi ee Mexico.

Wasaaradda Ganacsiga Mareykanka ayaa horey bishii Abriil u sheegtay inay muddo 90 maalmood ah gudaheed uga bixi doonto heshiiska, iyadoo sabab uga dhigtay inuusan si buuxda u difaacin beeraleyda Mareykanka ee yaanyada ka ganacsada.

Mexico ayaa la sheegay in ay hadda bixiso ku dhawaad 70% yaanyada suuqa Mareykanka, halka sanadkii 1994 ay ahayd qiyaastii 20%, sida lagu sheegay warbixin ay bixiyeen ururka Florida Tomato Exchange.

Muxuu Yahay Shirkaan Muhiimka ah ee aay Soomaaliya Marti Galisay?

Talaado 15 July 2025 {HMC}  Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada 34‑aad ee xubnaha siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee Bariga Afrika (EASF), iyada oo ay tahay markii ugu horreysay ee Soomaaliya martigeliso kulankan muhiimka ah .

Kulankaan ayaa soconaya 15 Luulyo illaa 19 Luulyo 2025, waxaa sanadkan kulanka guddoominaysa madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya, taas oo qabanaysa xilka guddoomiyaha ee EASF .

Kulanka waxaa diiradda lagu saarayaa arrimo istiraatiiji ah oo ku saabsan siyaasadda, amniga iyo iskaashiga dhanka ciidamada, booliiska iyo qaybaha rayidka, iyada oo loo eegayo dhacdooyinka amni ee ka jira gobolka Bariga Afrika.

Puntland oo Xil-ka Xayuubin Ku Sameeysay Xildhibaan Ku Biiray SSC Khatumo

Talaado 15 July 2025 {HMC}  Golaha Wakiillada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta si rasmi ah uga xayuubiyay xubinnimada Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil, kaasi oo haatan ku sugan magaalada Laascaanood, halkaasi oo uu ka socdo shir siyaasadeed muhiim ah.

Fadhiga 16-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha, oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayna garab taagnaayeen guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa lagu meel mariyay go’aanka luminta xubinnimada.

Xildhibaanada golaha ayaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay go’aanka, waxaana oggol ugu codeeyay 38 Mudane, waxaana diiday hal qof, iyadoona hal qof kalana uu ka aamusay.

Go’aankan ayaa la rumeysan yahay inuu xiriir la leeyahay ka qaybgalka Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil ee shirka socda ee Laascaanood, taasoo horay uga dhalatay khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya maamulka Puntland iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda SSC-Khaatumo.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo uu xildhibaanku kasoo saaray xil-ka-qaadistiisa, inkastoo ay xusid mudan tahay in isaga uu iska casilay xilkaasi.