Home Blog Page 71

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 24-02 2026.

0

Talaado 24 Feb 2026 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka Ee Warbaahinta HMC Soomali Tv.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

MW Xasan sheekh oo Qaabilay Wafdi sare oo ka socda Boqortooyada Ingiriiska.

0

Talaado 24 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Marwo Sophie (Duchess of Edinburgh) oo ah xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska.

Intii kulanku socday, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Marwo Sophie ayaa ka wada halday xoojinta xiriirka soo jireenka laba-geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada waxbarashada iyo horumarinta bulshada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Marwo Sophie ku bogaadiyay dadaalkeeda ku aaddan u qareemidda arrimaha haweenka iyo carruurta, isaga oo adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gooni ah siinayso xoojinta iskaashiga labada dal ee arrimahaas ku qotoma.

Dhankeeda, Marwo Sophie ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga mahad celisay qaabilaadda uu u fidiyay iyada iyo wafdigeeda, iyada oo adkaysay sida Boqortooyada Ingiriiska ay uga go’antahay xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.

 

Axmed Macalin Fiqi oo eedeyey Golaha Mustaqbalka.

0

Talaado 24 Feb 2026 {HMC} Wasiirka Difaaca Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay wada hadalladii fashilmay ee maalmihii la soo dhaafay ay yeesheen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka.

Qoraal uu baraha bulshada ku faafiyay Fiqi ayaa sheegay in Dowladda si xilkasnimo leh u aqbashay dalabka Mucaaradka ay ka soo saareen shirkii Kismaayo.

Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in markasta ay Mucaaradka ka shaqeynayeen sidii uu fashilmi lahaa Shirka, isla markaasna ay dowladda muujisay tanaasul si ay u yimaadaan Villa Somalia.

“Hoteelada Xalane hanala kugu yimaado ayay la soo shir tageen waa loogu tagay. Villa Somalia in ay yimaadaan ayay ka caga-jiideen waa laga qanciyay dadaal dheer ka dib. Laba wareeg oo wadahadal ah oo saacado dheer qaatay ka dib, waxay ku Kala hormareen sheegista in shirkii fashilmay!” ayuu yiri Wasiirka Difaaca XFS.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri “Waa kooxo isku raran, Kala ujeeddo ah, qaarkood hal meel laga soo jiscimay, Dawladda Soomaaliya ayaa Dalka mas’uuliyaddiisa loo dhaariyay, sida afduubka Khawaarijta shacabka looga xoreeyey ayaa looga xoraynayaa siyaasiyiinta raba in ay afduubka ku sii haystaan siyaasadda dalka iyo doorashooyinka”

Hadalka Wasiir Fiqi ayaa ku soo aadaya xilli shalay ay Mucaaradka Dowladda Federaalka ku eedeeyeen fashilinta shirka, iyadoo ku adkeysatay qoddobadii ay ka tabanaayeen.

DFS oo War-saxaafadeedka kasoosartay waxyaabihii fashiyey wada hadalladii Mucaaradka.

0

Talaado 24 Feb 2026 {HMC}Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed rasmi ah oo ay kaga hadlayso halka ay marayaan dadaallada wada-tashiga qaranka iyo caqabadaha soo wajahay wada-hadalladii u dambeeyey ee ka socday Villa Somalia.

Dowladda Federaalka ayaa xustay in tan iyo bishii Maarso 2025 ay wadday dadaallo ballaaran oo lagula tashanayo madaxdii hore, bulshada rayidka ah, iyo siyaasiyiinta, si loo gaaro is-afgarad ku saabsan dhismaha dawladnimo casri ah iyo hirgelinta dimuqraadiyadda dalka.

Iyadoo laga jawaabayay baaqii ka soo baxay “Golaha Mustaqbalka ee shirkii Kismaayo (Diseembar 2025), waxay Dawladdu gogol wada-hadal u dhigtay xubnahaas 18-kii Febraayo 2026. Inkastoo markii hore lagu heshiiyey saddex qodob oo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen dhismaha guddiga doorashada iyo qabashada doorashooyinka heer dawlad-goboleed iyo heer federaal, haddana dowladda ayaa sheegtay in nasiib-darro ay in ay miiska soo saarin qoddob aan Dastuuri aheyn oo la xiriira Doorashada Maamulada”

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hoosta ka xariiqday in albaabbada wada-hadalku ay mar walba u furan yihiin cid kasta oo diyaar u ah wada-hadal dhab ah oo ku dhisan sharciga iyo dastuurka dalka.

Ugu dambeyntii, Dawladdu waxay ballan-qaaday inay ka go’an tahay hirgelinta doorasho waafaqsan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la dhowrayo midnimada qaranka iyo dhismaha mustaqbal nabad ah oo dimuqraadi ah.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

{DAAWO MUUQAALKA} Turkiga oo Hub Culus ka Dajiyey Muqdisho.

0

Talaado 24 Feb 2026 {HMC}  Turkiga oo Hub Culus ka Dajiyey Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Puntland oo diiday in doorashada Federaalka lagu qabto Sool.

0

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si adag uga soo horjeesatay jadwalka doorashada ee uu shaaciyay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, kaas oo lagu sheegay in doorashooyin laga qabanayo magaalooyinka Laascaanood, Xudun, Taleex, Buuhoodle iyo degmooyin kale oo ay Puntland ku tilmaantay in ay ka tirsan yihiin dhulkeeda

Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in aysan jirin cid awood u leh inay doorasho ka qabato deegaanadaas, maadaama ay weli si sharci ah uga mid yihiin Puntland. Puntland waxay ku doodday in tallaabadan ay tahay faragelin ka baxsan awoodda dowladda federaalka, isla markaana aysan waafaqsanayn nidaamka federaalka ee dalka

Sidoo kale, Puntland waxay arrintan ku tilmaantay kala qaybin bulsho iyo tallaabo khatar ku ah midnimada dadka deegaanka, iyadoo xustay in ay sii hurin karto khilaafaad hore u jiray. Waxa kale oo ay sheegtay in jadwalkan doorasho uu si cad uga hor imanayo Dastuurka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan qodobada qeexaya awood-qaybsiga iyo xuduudaha dowlad-goboleedyada

Ugu dambeyn, Puntland waxay ugu baaqday dowladda federaalka iyo guddiga doorashooyinka in ay dib u eegaan go’aankan, isla markaana ay ka fogaadaan tallaabooyin hal dhinac ah oo dhaawici kara wada-jirkii siyaasadeed iyo xasilloonida dalka

Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay Dagmada maxaas ee Gobolka hiraan

0

Diyaarado dagaal ayaa saaka duqaymo xoogan ka fuliyay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Duqaymaha ayaa lala eegtay xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ku dhuumaalaysanayay aagagga degmada Maxaas

Goobjoogayaal ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday godad ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Waxaa jiro khasaare xooggan oo gaaray maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo wararku ay sheegayaan in weerarku uu ahaa mid xoogan oo si toos ah u beegsanayay dagaalameyaasha ka tirsan Al-shabaab ee ku sugan degmada.

Gobolka Hiiraan ayaa ka socda Guluf dagaal oo ka dhan ah kooxaha argagixisada, kaasi oo la doonayo in looga saara deegaanada ay ku sugan yihiin

Trump oo caqabad kala kulmayo f weerarka ka dhanka ah Iiraan

0

Talaado  24 Feb 2026 {HMC}Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa la sheegay in uu dib uga laabanayo qorshihiisa la xiriira fulinta weerar culus oo ka dhan ah Dowladda Iiraan kaddib markii saraakiishii uu howlgalkaas u xushay ay siiyeen talooyin cabsi horleh gelisay.

Sidoo kale, waxaa caqabad ku noqotay Donald Trump lataliyeyaashiisa oo qudhooda ka digay natiijada ay kala kulmi karaan haddii weerarkaas uu dhaco maadaama colaaddaas ay ku faafi karto bariga dhexe oo dhan sida ay hadalka u dhigeen.

Xogtaan oo ay baahisay Warbaahinta CBS News ayaa lagu sheegay in Donald Trump uu haatan ka niyad jabay fulinta weerarkaas mar haddii wax laga tusay meelo kala duwan oo uusan horay uga fikirin sida hadalka loo dhigay.

Iiraan ayaa dhowaan ku goodisay in haddii Maraykanka iyo xulafadiisa Israa’iil ay weeraraan in ay dagaalka gaarsiin doonto meel weliba oo Saldhig uu ku leedahay Xukuumadda Washington sidoo kale ay baabi’in doonto danihiisa Gobolka.

{DAAWO MUUQAALKA} Duqeeymo Culus oo ka dhacay Duleedka Maxaas iyo Ciidamada Dowladda oo Howlgalo wado.

0

Talaado 24 Feb 2026 {HMC} Duqeeymo Culus oo ka dhacay Duleedka Maxaas iyo Ciidamada Dowladda oo Howlgalo wado.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Egypt’s President Sisi arrives in Saudi Arabia on ‘brotherly visit’

0

Monday 23 Feb 2026 {HMC} Egyptian President Abdel Fattah al Sisi arrived in Saudi Arabia on a “brotherly visit,” according to an Egyptian presidency statement on Monday evening.

Upon his arrival at King Abdulaziz International Airport in Jeddah, Sisi was received by Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman.

Earlier, the Egyptian presidency said the visit comes as part of the two countries’ “keenness to strengthen the historic fraternal relations that bind them, and to continue consultation and coordination on various regional and international issues of mutual concern.”

The presidency did not announce the duration of the visit, which coincides with Saudi media reports about the imminent official launch of the Egypt-Saudi electricity interconnection project.

SOURCE:AA