Isniin , 07 Jully 2025 {HMC}Â Xildhibaan Maalik oo si kulul uga hadlay Xaalada Degmada Moqokori.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Isniin , 07 Jully 2025 {HMC}Â Xildhibaan Maalik oo si kulul uga hadlay Xaalada Degmada Moqokori.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Isniin , 07 Jully 2025 {HMC}Â xildhibaan sanyare oo ku baaqay in oo Gurmado Dadka Reer Hiiraan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Isniin , 07 Jully 2025 {HMC} Banaabaxyada kenyo iyo Qaar ka mid ah waddooyiinka Kenya oo xiran
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Axad, 06 July 2025 {HMC} Waxa Faahfaahin laga helayaa dagaal culus uu ka dhacay duleedka degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan kooxda AS ay weerar qaraxyo ku bilaabay ku qaadeen Goob ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano (macawiisleyda) ee ku sugnaayeen.
Goobjoogayaal iyo ilo-wareedyo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in weerarka uu ka bilowday afaafka degmada iyadoo ay ka dhacday qarax xoog leh oo lala eegtay ciidamada dowladda. Qaraxaas kadib waxaa xigay dagaal fool ka fool ah oo muddo saacado ah socday.
Qasaaraha ka dhashay dagaalka wali lama xaqiijin tiro rasmi ah oo ku saabsan, hase yeeshee warar hordhac ah ayaa sheegaya in dhinacyada uu soo kala gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. dhamaan Dadkii degmada ayaa ka barakacay magaalada cabsi awgeed.
Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa ugu dambeyn sababay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay isaga baxaan degmada Moqokori, halkaas oo ay gudaha u galeen dagaalyahanada Al-shabaab iyada dadka ay Muujinayaan Cabsi.
Dhinaca kale, warar kale oo la helay ayaa tilmaamaya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay hadda wadaan abaabul cusub iyo qorshe ay ku doonayaan inay dib ugu soo ceshadaan degmada Moqokori, iyagoo ku sugan meel aan ka fogeyn degmada si ay isu diyaariyaan guluf cusub.
Maamulka Hirshabeele ayaan wili ka hadlin dagaalkaan maanta sababay in ciidamada ka baxaan degmadda Moqokori ee Gobolka Hiiraan.
Isniin , 07 Jully 2025 {HMC}Â TOOS:- Maxaa ka soo kordhay Xaaladda Moqokori.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Isniin , 07 Jully 2025 {HMC}Â Wararkii ugu dambeeyay Yaa gacanta ku haayo Moqokori
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
?
Hoos ka daawo MuuqaalkaÂ
Axad, 06 July 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Shugri Gabre & Roodo Xuseen Cali
Farsamadii ::Ismail abdiqadir
Isniin 07 Jully 2025 {HMC}Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, ayaa maanta lagu wadaa inuu la kulmo dhigiisa dalka Masar Cabdul Fatax Al-sisi.
Inta uu joogo dalka Masar, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-Sisi si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo arrimaha gobolka.
Sidoo kale labada dhinacyada ayaa waxaa ay ka wadahadli doonaan xaalada Gobolka, gaar ahaan xiisada ku aadan webiga Nile, ee u dhexeeya dalalka Masar iyo Soomaaliya.
Labada masuul ayaa sidoo kale ka hadli doono ciidamada Masar.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku bogaadiyey Dowladda Masar soo dhaweynta diirran iyo martigalinta qaran ee ay u sameeyeen wafdiga Jamhuuriyadda, taas oo muujinaysa xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada shacab.
Isniin 07 Jully 2025 {HMC}Puntland ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay faragelin qaawan ku hayso xasilloonida iyo midnimada Puntland, iyadoo sheegtay in masuuliyadda wixii khasaare ah ee ka dhasha qalalaasaha ka taagan gobolka Sanaag ay dusha ka saaran tahay Dowladda Federaalka.
Sarkaal sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa u sheegay HOL in Puntland si dhow ula socoto dhaq-dhaqaaqyada Wasiirka Ganacsiga ee Dowladda Federaalka, Maxamuud Axmed Aadan (Geesood), kaasoo shalay tegay magaalada Laascaanood. Puntland ayaa ku eedeysay in loo adeegsanayo wasiirka sidii qalalaase siyaasadeed iyo mid amni looga abuuri lahaa gobolka Sanaag.
Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Puntland ay si buuxda u xaqiijiyeen amniga deegaanka Ceelbuh, isla markaana siyaasiyiin uu ku eedeeyay inay halkaas ka wadeen abaabul ka dhan ah Puntland ay halkaas isaga baxeen.
Xalay saqdii dhexe, guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay weheliyaan ciidamo uu hoggaaminayo, ayaa ka baxay deegaanka Ceelbuh. Waxaana la sheegay in halkaasi uu ka socday dhaqdhaqaaq la doonayay in lagu qabto shir lagu taageerayo ku biirista gobolka Sanaag ee maamulka SSC-Khaatumo.
Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Maxamuud Geesood, oo kasoo jeeda gobolka Sanaag, ayaa la sheegay inuu baajiyay safarkiisii Ceelbuh kaddib markii xalay halkaasi ay si buuxda ula wareegeen ciidamada Puntland.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaallo ku saabsan sidii gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ay u dhisan lahaayeen maamul mideysan oo hoos yimaada Dowladda Federaalka.
Arrintan waxaa si adag uga soo horjeeda Puntland oo aaminsan in gobolladaasi ay yihiin qeyb ka mid ah dhulka Puntland.