Home Blog Page 73

Madaxweyne Axmed Madoobe oo goordhaw ka safrey magaalada Muqdisho.

0

isniin 23 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo muddo laba toddobaad ah ku sugnaa Hoteel ku yaalla Xeyndaabka Xerada Xalane ayaa goordhaw u safray magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa qeyb ka ahaa Xubnihii Golaha Mustaqbalka ee wada hadalladii burburay la galay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulamadaasi ayaa la sheegay in ay u fashilmeen ka dib markii labada dhinac ay muujin waayeen tanaasul.

Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysatay in la dhammeystiro Doorasho goleyaasha deegaanka ah ee gaar ahaan maamulada harsan sida Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Halka Xubnaha Mucaaradka ay soo jeediyaan in marka hore la qabto doorashada Maamuladaasi Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle, ka dibna laga wada hadlo mid heer Federaalka.

Tagida Axmed Madoobe ayaa muujineysa in dhinaca Mucaaradka ay ka baxeen wada hadallada, iyadoo Xubnaha Beesha Caalamka ay saacadihii la soo dhaafay waan waan ka dhex wadeen Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka.

{DAAWO MUUQAALKA} WAR DEG DEG AH:- Axmed madoobe oo ka ambabaxay Muqdisho kadib shirkii Kismaayo

0

Isniin 23 Feb 2026 {HMC} WAR DEG DEG AH:- Axmed madoobe oo ka ambabaxay Muqdisho kadib shirkii Kismaayo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka Ugu waa weeyn Soomaaliya caalamka 23-02-2026

0

Isniin 23 Feb 2026 {HMC} Wararka Ugu waa weeyn Soomaaliya caalamka 23-02-2026

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

MINISTER OF PUBLIC WORKS LEADS DELEGATION TO DHUUSAMAREEB

0

Mondey 23 Feb 2026 {HMC}A high-level delegation led by the Minister of Public Works, Reconstruction and Housing of the Federal Government of Somalia, Hon. MP Ayub Ismail Yusuf, has officially arrived in Dhuusamareeb, the administrative capital of the Galmudug State.

The ministerial delegation, comprising senior officials from the Ministry, project managers, technical experts, and advisors, was warmly received by top officials of the Galmudug administration, including the Ministers of Public Works, Security, National Planning, the State Minister for Internal Affairs, and other senior officials.

During his visit, Minister Ayub Ismail Yusuf is scheduled to lay the foundation stone for the construction of the strategic road linking Dhuusamareeb and Cadaado. The project is being implemented under the RIPS Program, overseen by the Ministry of Public Works, Reconstruction and Housing, and is jointly funded by the African Development Bank and the European Union.

The Ministry of Public Works, which is mandated to formulate and implement national policies on construction and infrastructure development, emphasized that the project will play a key role in accelerating national development, strengthening economic infrastructure, and improving access to essential social services across the country.

Dhuusamareeb serves as the capital of the Galmudug State in central Somalia, and the road project is expected to significantly enhance connectivity and economic integration within the region.

Source Sonna

Commissioner of SoDMA Meets New WFP Somalia Director to Strengthen Humanitarian Cooperation

0

Mondey 23 Feb 2026 {HMC} The Commissioner of the Somali National Disaster Management Agency (SoDMA), Mr. Maxamuud Macalin Cabdulle, today received the newly appointed Country Director of the World Food Programme (World Food Programme) in Somalia, Mr. Hameed Nuru, at the agency’s headquarters.

The meeting focused on strengthening cooperation between the two institutions, with particular emphasis on disaster preparedness and rapid response, building community resilience, and enhancing early warning systems. The two sides also discussed the country’s humanitarian situation and reviewed findings related to the Integrated Food Security Phase Classification (IPC).

In addition, WFP presented its Somalia Country Strategic Plan for 2026–2028, which aligns with the development priorities and strategic frameworks of the Federal Government of Somalia.

Both parties reaffirmed their commitment to deepening collaboration to address humanitarian needs and support long-term resilience across the country.

Source Sonna

Somaliland offers U.S. access to minerals and potential military bases

0

Mondey 23 Feb 2026 {HMC}Somaliland has signaled it is prepared to grant the United States access to its mineral resources and potentially host U.S. military bases, as the self-declared republic intensifies efforts to secure international recognition.

In an interview with Agence France-Presse (AFP) published Saturday, Somaliland’s Minister of the Presidency, Khadar Hussein Abdi, said the territory is open to exclusive agreements with Washington.

“We are willing to give exclusive access to our minerals to the United States. Also, we are open to offer military bases to the United States,” Abdi told AFP.
Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has not been recognized by the United Nations or the African Union. In December, Israel became the first country to formally recognize Somaliland’s independence, a move strongly condemned by Somalia’s federal government and widely rejected by African and Arab states.

The United States has not changed its longstanding policy recognizing Somalia’s territorial integrity. However, comments by U.S. President Donald Trump in August when he suggested he was considering the Somaliland issue during a White House news conference fueled speculation about potential policy shifts.

Somalia has denounced Israel’s recognition as a violation of its sovereignty and has urged Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu to reverse the decision.

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi has previously suggested granting Israel preferential access to mineral resources.

Somaliland occupies a strategic location along the Gulf of Aden, opposite Yemen a corridor that has gained heightened geopolitical significance amid regional instability and attacks by Houthi rebels on vessels linked to Israel.

Somaliland officials claim the territory holds deposits of lithium, coltan and other critical minerals increasingly sought for global technology and energy industries. However, independent geological assessments verifying the scale and commercial viability of these resources remain limited.

Source Hiiraan Online

Mareykanka oo farriin cad u Diray DFS iyo Golaha Mustaqbalka , Ismariwaaga Siyaasadeed oo Weli kadhaxtaagan.

0

isniin 23 Feb 2026 {HMC} Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa war adag kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee cakiran, kaddib markii uu natiijo la’aan ku dhammaaday shirkii u dhexeeyay dowladda federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Qoraal lagu daabacay bogga X ee safaaradda ayaa lagu yiri: “Wada-hadalka iyo tanaasulka waa adag yihiin laakiin lama huraan, waxaana ku boorinaynaa hoggaanka Soomaaliya inay sii wadaan dadaalladaas, Geeddi-socod siyaasadeed oo mideysan ayaa la dagaallama argagixisada, xoojiya maamulka, isla markaana horumar u horseeda Soomaaliya iyo beesha caalamka.”

Safaaradda ayaa si cad u muujisay in wada-hadalka iyo tanaasulka ay yihiin lama huraan, inkastoo ay adag yihiin, isla markaana ay muhiim u yihiin xasilloonida iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Saacadihii hore ee saakay, hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa yeeshay kulamo gaar ah oo ay kaga tashanayeen tallaabada xigta, kaddib burburkii wada-hadalladii ka dhacay Villa Soomaaliya.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ergo u diray Golaha, si loo sii wado wada-xaajoodyada loogana baaqsado in warbaahinta loo shaaciyo is-afgaranwaaga jira, Ergadaas ayaa la sheegay inuu ka mid yahay Wasiirka Waxbarashada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo kulamo la qaatay qaar kamid ah madaxda mucaaradka.

War-saxaafadeedka Mareykanka ayaa imaanaya xilli cadaadis gudaha iyo dibadeedba uu sii kordhayo, iyadoo beesha caalamka ay ka walaacsan tahay in khilaafka siyaasadeed uu dib u dhigo geeddi-socodka doorashooyinka iyo dib-u-habeynta dastuurka.

Midowga Afrika iyo Sacuudiga oo War Kasoo Saaray Nabadda dalal ay ku mid tahay Soomaaliya

0

isniin 23 Feb 2026 {HMC}  Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa maanta magaalada Adis Ababa kulan gaar ah kula yeeshay Wafdi sare oo ka socday dowladda Sacuudiga, kuwaasi oo uu horkacayo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Eng. Waleed Elkhereiji.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xaaladda dalalka Soomaaliya, Suudaan iyo Liibiya, gaar ahaan sidii loo dhowri lahaa Madaxbannaanidooda iyo Midnimadooda.

Guddoomiye Maxamuud Cali Sacuudiga ku ammaanay dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu taageerayo nabadda iyo xasilloonida dalalka Soomaaliya, Suudaan, iyo Liibiya.

Dhankiisa, Eng. Waleed Elkhereiji ayaa xaqiijiyay inay Boqortooyada ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga ay la leedahay Midowga Afrika, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, nabadda, iyo diblomaasiyadda.

Ugu dambayntii, labada dhinac ayaa mar kale ku baaqay in la ixtiraamo Madaxbannaanida dalalka Afrika si looga hortago colaad iyo khilaaf.

Kulamada ay yeesheen Midowga Afrika iyo Sacuudiga ayaa ku soo aadaya xilli dhammaadka bishii December ee sannadkii hore Israa’iil aqoonsi sharci darro ah siisay Maamulka gobollada Waqooyi Galbeed, iyadoo ay ka hor yimaadeen dalalka Caalamka gaar ahaan kuwa Carabta.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa burisay heshiisyada kala dhaxeeyay Dowladda Imaaraadka Carabta oo ay is hayaan Sacuudi Carabiya oo hadda u muuqda inuu dowr ka qaadanayo xallinta Khilaafka siyaasiga ee ka taagan dalalka Islaamka ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Wakiilada Beesha Caalamka oo Billaabay dhaxdhaxaadinta Madaxda Mucaaradka iyo Dowladda.

0

Isniin 23 Feb 2026 {HMC}  Wakiilada Beesha Caalamka oo Billaabay dhaxdhaxaadinta Madaxda Mucaaradka iyo Dowladda.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa kasoo kordhay shirkii dhaxmaray Mucaaradka iyo Ergadii ka socotay Dowladda Soomaaliya.?

0

Isniin 23 Feb 2026 {HMC}  Maxaa kasoo kordhay shirkii dhaxmaray Mucaaradka iyo Ergadii ka socotay Dowladda Soomaaliya.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA