spot_imgspot_imgspot_img
Home Blog Page 758

Xuutiyiinta oo mar kale gantaalo ku weeraray Caasimada Israel.

0

Talaado 14, Jan 2025 {HMC} Milatariga Israel ayaa Talaadada maanta ah sheegay inay dhowr jeer isku dayeen inay soo ridaan gantaal laga soo riday Yemen kaasi oo dhawaqa digniinta ka yeeray bartamaha dalka.

Weerarkan ugu dambeeyay ayaa yimid wax ka yar maalin ka dib markii Xuutiyiinta Yemen ay sheegeen inay gantaal ku rideen Tel Aviv, kaasi oo ciidamada Israel ay sheegeen inay dhex ka qabteen.

“Ka dib markii digniinta lagu dhawaaqay meelo badan oo ku yaalla bartamaha Israel, waxaa la sameeyay dhowr isku day oo lagu qabanayo gantaal laga soo riday Yemen,” ayuu militarigu ku yiri bayaan uu soo saaray abaare 3:30 subaxnimo (0130 GMT).

“Gantaalka waxay u badan tahay in la qabtay,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in aan la soo sheegin wax dhaawac ah ama burbur ah.

Xuutiyiinta Yemen ayaa xaqiijiyay weerarkii subaxii Talaadada, iyagoo sheegay inay rideen “gantaal xawaare sare leh” oo ku socda “magaalada Jaffa ee la haysto”, taasi oo ula jeedaan xarunta ganacsiga Israel ee Tel Aviv.

Gantaal ridista ayaa timid ka dib weerarkii habeenka Isniinta kaasi oo la sheegay in lagu qabtay gantaal kale oo laga soo riday Yemen “ka hor inta uusan soo gelin dhulka Israel”, sida uu sheegay militariga.

Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay inay rideen afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ku socda isla gobolkaas.

Waxay ballan qaadeen inay sii wadi doonaan howlgalladooda ilaa “inta laga joojinayo gardarrada loo geysanayo Falastiiniyiinta”.

Tan iyo markii uu dagaalka Gaza billaawday October 2023, Xuutiyiinta ayaa si isdaba joog ah gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ugu ridayey Israel taasi oo ay ku sheegeen inay tahay midnimo ay u muujinayaan Falastiiniyiinta.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa gacanta ku haysa qaybo ka mid ah Yemen, Israel-na waxay dhowr jeer duqeysay bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee gudaha dalka oo ay ku jirto caasimadda Sanca.

XIGASHO VOA

{DAAWO MUQAALKA} DF oo gurmad gaarsiisay deegano Hoostaga Degmada Ceelbuur oo AS ay maamulaan.

0

Talaado 14, Jan 2025 {HMC}  DF oo gurmad gaarsiisay deegano Hoostaga Degmada Ceelbuur oo AS ay maamulaan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {14.01.2025}

0

Talaado 14, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HAKAAN KA DHEGEEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Amniga Soomaaliya oo Tagay xarunta taliska ciidamada xuduudaha Ciraaq.

0

Talaado 14, Jan 2025 {HMC} Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya  Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa booqasho rasmi ah ku tagay xarunta taliska ciidamada xuduudaha ee Dowladda Ciraaq, isagoo ay weheliyaan Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdalla Cabdalla, Agaasimaha guud ee Wasaradda Amniga Yuusuf Cali iyo Safiirka Soomaaliya ee Dalka Ciraaq Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed.

Wafdiga Wasiirka ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay xarunta, waxaana qaabilay Taliyaha Ciidanka Xuduudaha, Sareeyo Guuto Maxamed Cabdil Wahab Sukkar iyo saraakiil sare oo ka tirsan taliska.

Intii ay booqashada ku guda jireen, wafdiga ayaa dhageystay warbixin kooban oo ku saabsan waajibaadka muhiimka ah ee talisku fuliyo, gaar ahaan howlaha lagu xaqiijinayo nabadgelyada xuduudaha dalalka deriska ah, iyadoo la adeegsanayo nidaamyada casriga ah iyo farsamooyinka tiknoolojiyadda horumarsan.

Sidoo kale, Wasiirka iyo wafdigiisu waxay indha indheeyeen xarunta la socodka iyo xakamaynta dalka Ciraaq, halkaas oo sawirrada iyo muuqaalada laga soo duubay xuduudaha dalalka deriska ah looga soo gudbiyo xarunta dhexe ee Baqdaad, si loo fududeeyo kormeerka iyo ilaalinta xuduudaha.

Wasiirka Fartaag ayaa ammaanay shaqada xirfadeed ee ay qabtaan taliska ciidamada xuduudaha Ciraaq, gaar ahaan dadaallada ku aaddan ka hortagga soo galootiga sharci-darrada ah iyo hawlaha ka dhanka ah tahriibka, isagoo ku tilmaamay dadaalladaas kuwo mudan in laga tusaale qaato.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga la-dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya iyo Ciraaq, isdhaafsiga waaya aragnimada iyo farsamooyinka la xiriira ilaalinta xuduudaha.

Wasiirka Amniga Soomaaliya 4 Wasiirka Amniga Soomaaliya 3 Wasiirka Amniga Soomaaliya 2

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Xooga Iyo Kuwa Deegaanka oo Si wada jir ah u Fuliyay Howlgalo Qorsheysan.

0

Talaado 14, Jan 2025 {HMC} Ciidamada Xooga Iyo Kuwa Deegaanka oo Si wada jir ah u Fuliyay Howlgalo Qorsheysan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay 14-01-2024

0

Talaado 14, Jan 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

At least 100 illegal miners died trapped in South African mine

0

Tuesday 14,Jan,2025 {HMC} At least 100 people who were mining illegally in an abandoned gold mine in South Africa have died after being trapped deep underground for months while police tried to get them out, a group representing the miners said Monday.

Sabelo Mnguni, a spokesperson for the Mining Affected Communities United in Action Group told The Associated Press that a cellphone sent to the surface with some rescued miners Friday had two videos on it showing dozens of bodies underground wrapped in plastic.

Mnguni said “a minimum” of 100 men had died in the mine in North West province where police first launched an operation in November to force the miners out. They were suspected to have died of starvation or dehydration, Mnguni said. He said 18 bodies have been brought out since Friday.

Police spokesperson Brig. Sebata Mokgwabone said they were still verifying information on how many bodies had been recovered and how many survivors were brought out after starting a new rescue operation Monday.

SOURCE VOA

{DAAWO MUQAALKA} Shiikh Shariif “Doorashada Dalka ka dhacday AS Ayaa ka Maqnaa”

0

Talaado 14, Jan 2025 {HMC}   Shiikh Shariif “Doorashada Dalka ka dhacday AS Ayaa ka Maqnaa”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Garoon diyaaradeed oo isku tashi bulsho lagu hirgelinayo oo ka socda Beledxaawo .

0

Talaado 14, Jan 2025 {HMC}  Garoon diyaaradeed oo isku tashi bulsho lagu hirgelinayo oo ka socda Beledxaawo .

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Cirro oo magacaabay xilal Cusub.

0

Talaado 14, Jan 2025 {HMC}   Madaxweyne Cirro oo magacaabay xilal Cusub.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.