Home Blog Page 758

Waa kuma hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Aayatullah Cali Khameney?

Isniin 23, June 2025 {HMC}  Aayatullah Cali Khameney waa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan, waana mas’uulka dhinaca maamulka ugu sarreeya waddankaas. Wuxuu leeyahay amarka ugu dambeeya ee dhammaan arrimaha la xiriira siyaasadda Iiraan.

Ninkan, oo si weyn loogu yaqaanno inuu jecel yahay fikirka ay ku dhisan tahay jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, ayaa marar badan weerar afka ah ku qaaday dalalka Reer Galbeed-ka, gaar ahaan Mareykanka, oo uu aad u neceb yahay.

Inkastoo uu si buuxda u taageerayay kooxda dalkiisa u qaabilsaneyd wadaxaajoodyada barnaamijka nuclear-ka Iiraan, haddana Aayatullah Khameney wuxuu marar badan muujiyay sida uusan ugu qanacsaneyn natiijadii kasoo baxday wadahadalladii dhex maray Iiraan iyo dalalka quwadaha waaweyn ee caalamka.

Aayatullah Cali Khameney wuxuu sanadkii 1989-kii baddalay hoggaamiyihii ruuxiga Iiraan ee ugu horreeyay, ahaana ninkii aasaasay jamhuuriyadda Islaamiga Iiraan, Aayatullah Ruuxullah Khumeyni.

Xilligaas ka hor wuxuu labo jeer oo isku xigta madaxweyne kasoo noqday Iiraan intii u dhaxeysay 1981-kii ilaa 1989-kii.

Sidee loo soo xulaa Hoggaamiyaha Ruuxiga ah?
Ninka haatan haya xilka (Ayatollah Khamenei keliya waa qofkii labaad ee xilkan qabta tan iyo Kacaankii Islaamiga ee Iiraan sanadkii 1979) waxaa soo xula guddi ka kooban 88 wadaad oo loo yaqaanno Golaha Khubarrada.

Xubnihiisa waxaa siddeeddii sanaba mar doorta dadka Iiraan, balse musharraxiinta waxaa marka hore ansixiya guddi lagu magacaabo Golaha Ilaalada. Xubnaha Golaha Ilaalada qudhooda waxaa si toos ah amaba si dadban u doorta Hoggaamiyaha Sare.

Hoggaamiyaha sare ayaa sidaas darteed saameyn ku leh labada guddi. 30-kii sano ee ugu dambeeyay, Ali Khamenei wuxuu hubiyay in xubno asal raac ah loo doorto golaha kuwaas oo raaci doona taladiisa ku aaddan cidda beddeli doonta.

Marka la doorto, Hoggaamiyaha Sare ayaa xilkaas heyn doona inta uu nool yahay.

Sida uu dhigayo dastuurka IIraan, Hoggaamiyaha Sare waa inuu noqdaa ayatollah, oo la micno ah wadaad sare oo dhanka madhabta shiicada ah. Balse markii Ali Khamenei la dooranayay ma uusan ahayn ayatollah, sidaas darteed sharciga waa la beddelay si ay ugu suurto gasho inuu xilka qabto.

Sidaas darteed, waa suurtogal in sharciga la beddelo mar kale, waxayna ku xirnaan doontaa dabeysha siyaasadeed ee taagan marka ay timaaddo doorashada hoggaamiyaha cusub.

Maxay muhiim u tahay?
Hoggaamiyaha Ruuxiga ee Iiraan awood weyn ayuu ku leeyahay Iiraan. Waa qofka ugu dambeeya ee go`aan ka gaara arrimo badan oo muhiim ah, wuxuu qaabeeyaa siyaasadaha dalka iyo habka loo wajahayo dunida kale.

Iiraan waa dalka Shiicada ah ee ugu awoodda badan dunida, intii uu Ali Khamenei hoggaanka hayayna waxay saameynteeda ku ballaarineysay Bariga Dhexe.

In meesha laga saaro ma beddeli doonto taariikhda gobolka, balse waxay sidoo kale saameyn doontaa qeybaha kale ee dunida.

Cadaawadda ka dhaxaysa Iiraan iyo Mareykanka iyo Israa`iil, tusaale ahaan – oo ay dabka u sii hurisay nacaybka shakhsiyadeed ee Ayatollah Khamenei uu labada dal u qabo – ayaa horseedday sanado xiisad iyo xasilooni darro ah.

Si kastaba, qof walba oo isaga beddela waxay u dhowdahay inuu raaco waddadiisa.

XIGASO BBC

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Shaqaalaha ah uma shaqeeyaan Farmaajo ama Xasan Shiikh “Madaxweyne Xasan.

0

Isniin, 23 Juun 2025 {HMC}  Dadka Shaqaalaha ah uma shaqeeyaan Farmaajo ama Xasan Shiikh “Madaxweyne Xasan.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya iyo caalamka 23 06 2025

0

ISNIIN 23, June 2025 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN

Muxuu ahaa Qoraalka ee Ilhaan Cumar Baraha Bulshada ka saartay oo Dood Badan Dhaliyay?

Isniin 23, June 2025 {HMC}  Xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan Goongareeska Maraykanka ayaa lagu qasbay inay tirto qoraal ay ku baahisay baraha bulshada oo ku saabsanaa addoonsigii ka jiray Maraykanka, kadib markii ay dood ka dhalatay, taasoo dhalisay in laga hadlo dalkii ay ka timid — Soomaaliya.

Ilhaan, oo dhawaan ku tilmaantay Maraykanka “mid ka mid ah waddamada ugu xun caalamka,” ayaa hadallo muran dhaliyay ku baahisay baraha bulshada intii lagu jiray dabaaldega maalinta 19-ka Juun (Juneteenth), taasoo ah maalin xus u ah dadka Madowga ah, gaar ahaan dhinaca bidixda siyaasadda.

Qoraalkeedii ayaa u qornaa sidan:

“160 sano ka hor, 19-kii Juun 1865, addoonsigu wuxuu ka dhammaaday dalkaan. Maanta, waxaan xusnaa xorriyadda, adkeysiga, iyo guulaha dadka Madowga ah, annagoo weli wadna shaqada lagu sifeynayo cunsuriyadda nidaamsan ee ku jirta siyaasaddayada iyo hay’adahayada.”

Qoraalkaas ayay tirtay kadib markii dad badan ka falceliyeen. Dad badan oo isticmaala Baraha Bulshada ayaa jawaab uga bixiyay qoraalkeeda iyagoo xusay in Soomaaliya oo ay ka timid oo ay marar badan sheegtay in ay daacad u tahay xilli ay ku jirto Congress-ka Maraykanka — uu yahay meel ay ka jirto addoonsi casri ah.

Warbixin ay soo saartay hay’adda Walk Free ayaa sheegtay in ku dhowaad 98,000 oo Soomaali ah ay ku jiraan xaalado u dhigma addoonsiga casriga ah, iyadoo dowladda Soomaaliya laga siiyay dhibcaha 18/100 dadaallada ay ugu jirto la dagaalanka addoonsiga.

Gunther Eagleman, oo ah shaqsi saameyn leh oo ka tirsan garabka midigta xagjirka ah, ayaa qoraalkeeda kaga falceliyay isagoo yiri:
“Soomaaliya weli waxay leedahay addoomo. Ilhaan ha u dagaalanto sidii ay dadkeeda u xoreyn lahayd.”

Dad kale oo badan ayaa hadalkaas ka raacay, iyagoo xusay in Soomaaliya aysan dadaal xooggan gelin ciribtirka shaqada carruurta.

Qof kale ayaa ku yiri:
“Haddii aad si dhab ah ugu damqanayso dadka la addoonsado, ku noqo Soomaaliya. Waxaa weli jooga addoomo badan.”

Ilhaan Cumar ayaa ugu dambeyn tirisay qoraalkeedii hore, iyadoo beddeshay mid cusub oo aan ka hadlin addoonsiga. Qoraalkeeda cusub wuxuu ahaa:

“Juneteenth waxay nagu xasuusinaysaa in xorriyadu aysan had iyo jeer si deg deg ah ku imaanin, balse ay mudan tahay in la dagaalamo. Waa xusuusin awood leh oo muujinaysa sida ay ugu adkaan karto in caddaaladdu gaarto dadka u qalma. Maanta, waxaan u dabbaaldegnaa xorriyadda dadka Madowga ah, adkeysigooda, iyo guulahooda, anagoo sii wadayna shaqada lagu tirtiro cunsuriyadda nidaamsan.”

Dhinaca kale, kooxaha bidixda siyaasadeed ayaa maalinta Juneteenth u adeegsada inay ku dalbadaan in dadka cadaanka ah laga bixiyo magdhaw la xiriira addoonsigii hore ee dalka Maraykanka.

Muqdisho oo laga Daah Furay Qorshaha Hiigsiga qarni-jirka 2060-ka

Isniin 23, June 2025 {HMC}  Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray Qorshaha Hiigsiga qarni-jirka 2060-ka.

Hiigsigan oo ka kooban 7 qorshe Qaran oo 5-sanadle ah, ayaa waxa uu diiradda saaraya sidii ay Soomaaliya ku noqon lahayd dal mideysan, xooggan, nabdoon, kana mid ah waddamada dakhliga dhexe meelaha sare kaga jira, marka la gaaro sanadka 2060.

Lataliyaha Arrimaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha JFS, ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Xasan Aadan Hoosow, oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in haddii qorshahaan la hirgeliyo Soomaaliya ay noqon doonto dal barwaaqo ah.

“Haddii Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka la hirgeliyo, Soomaaliya waxay noqon doontaa dal barwaaqo ah,” ayuu yiri Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Axmed Macalin Fiqi oo isna ka hadlay goobta ayaa yiri “Qorshaha Qarni-jirka 2060-ka waxaa uu isbedel weyn ku sameyn doonaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”

Shirka socon doona muddo saddex cisho ah waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre,wasiirro, xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, wakiillo ka socda Beesha Caalamka iyo marti-sharaf kale.

 

Toddobo Kamid ah Askarta Uganda oo lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Shabeellada Hoose

Isniin 23, June 2025 {HMC}  Dowladda Uganda ayaa xaqiijisay in toddobo askarteeda kamid ka ah Howlgalka AUSSOM lagu dilay dagaal xooggan oo ka dhacay deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellada Hoose.

Afhayeenka Ciidanka Uganda Brig. Gen. Felix Kulayigye oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in toddobada Askari qeyb ka ahaayeen Howlgalka AS looga saarey deegaanka muhiimka ah ee Sabiib iyo Caanoole.

“Nasiib darro, waxaan dagaalka ku waynay toddobo askar oo kamid ahaa ciidanka Uganda” ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Uganda.
Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in ciidanka Uganda u bareereen khatarta dagaalka AS ayna sii wadi doonaan.

Uganda ayaa ah dalka ugu badan ee ciidamo u diray hawlgalada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliy, iyaga oo qeyb ka ah tan iyo sanadkii 2007.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn 23 06 2025

Isniin 22, June 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiyare & Sahro Gabre

Farsamadii ::Ismail abdiqadir

{DAAWO MUUQAALKA} Dowlada Soomaaliya oo Ciidamadii ugu Badnaa Geeysay Sh/dhaxe iyo Sh/Hoose.

0

Isniin, 23 Juun 2025 {HMC}  Halkan ka daawo Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya iyo caalamka 21 06 2025

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} FAAH-FAAHIN: Khasaaraha Dagaalkii Saakay ka dhacay duleedka Baydhabo.

0

Isniin, 23 Juun 2025 {HMC} FAAH-FAAHIN: Khasaaraha Dagaalkii Saakay ka dhacay duleedka Baydhabo.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Guri Aroos loo diyaariyay hoos tiisa ayey godad ka qoteen AS-kii laga saaray Caanoole.

0

Isniin, 23 Juun 2025 {HMC}  Guri Aroos loo diyaariyay hoos tiisa ayey godad ka qoteen AS-kii laga saaray Caanoole.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA