Home Blog Page 760

Kuuriyada Waqooyi oo War kasoo Saartay weerarka Mareykanka ku qaaday Iiran.

Isniin 23, June 2025 {HMC}  Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa si kulul u cambaareysay weerarka Mareykanka ku qaaday xarumaha Nukliyeerka Iiraan, iyada oo ku tilmaamtay mid si cad ugu xadgudbay Axdiga Qaramada Midoobay.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa ku eedeeyey lsraa’iil inay hurineyso xiisadaha gobolka, iyada oo taageero iyo dhiirigalin ka helaysa waddamada Reer Galbeedka.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Kuuriyada Waqooyi ay ka xuntay in lagu xad gudbay madax-bannaanida dhuleed ee Iiraan.

Afhayeenka ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Dunida in ay cambaareeyaan weerarka cad ee Mareykanka iyo Israa’iil.

Kuuriyada Waqooyi iyo Iran ayaa muddo dheer lahaa xiriir dhow, waxaana lagu tuhmaa in ay iska kaashadaan horumarinta tignoolajiyada ciidan.

Faah faahin dagaal Culus oo ka dhacay Duleedka Baydhabo.

Isniin 23, June 2025 {HMC}  Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii hore ee saakay jab xooggan ugu geystay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab oo weerar kusoo qaaday deegaanka Burjeed oo dhowr iyo toban KM dhanka bari kaga beegan magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ka ee maamulka Koonfur Galbeed.

Saraakiisha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan duleedka magaalada Baydhabo ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in waaberigii saakay weerar xogtiisa la hayey ay maleeshiyaadka Khawaarijtu kusoo qaadeen deegaanka Burjeed, taasi oo ay ciidammadu ugu diyaarsanaayeen iney cashir u dhigaan maleeshiyaadkaasi oo hada badankood goobta lagu laayey, waxaana saraakiishu ay sheegeen in hada ay sii baacsanayaan firxadka maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday.

Madaxweyne Trump oo doonaya isbedel maamul oo ka dhaca Iran.

Isniin 23, June 2025 {HMC} Donald Trump ayaa carrabaabay suurto-gapnimada ah in isbeddel hoggaan uu ka dhaco Iiraan.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in iyadoo aysan siyaasad ahaan saxsaneyn in la adeegsado erayga isbeddel hoggaan, hadii dowladda haatan ee Iiraan ay awoodi weyso inay sidaa sameyso, ay lagama maarmaan noqoneyso inuu isbeddel dhaco.

Dhanka kale, suuqyada tamarka ayaa markii ugu horreysay dib u furmay xilliyada ganacsiga tan iyo markii Mareykanku weerarka ku qaaday Iiraan, iyadoo qiimaha shidaalka uu sare u kacay.

Markii la furay quusyada, qiimaha ayaa kor u kacay boqolkiiba saddex balse hoos ayuu uga soo dhacay ilaa 2.75%. kororka ma aha mid aad u daran sida ay ka cabsi qabeen qaar ka mid ah falanqeeyeyaasha.

Masuuliyiin ka tirsan Soomaaliya oo ka qeyb galaysa shir ka dhacaya Algeria.

Isniin 23, June 2025 {HMC} Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda XFS Mudane Yusuf Maxamed Adan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay caasimada Algeria, Algeris, Waxaana ku soo dhaweeyay garoonka Xoghayaha joogtada Wasaarada xiriirka arrimaha Bulshadda Iyo qoyska Iyo Haweenka ee Dalka Algeria, Zahiir Shadhah, iyo Danjiraha Dowlada Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yusuf Axmed Xasan ( Yusuf Jeego),

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa Dalka Algeria uga qeybgali doono Shirweynaha Horumarinta Bulshada iyo Dhaqaalaha ee Wadamada Carabta oo ka furmi doono Dalka Algeria.

Sidoo kale wasiirka ayaa kulamo la qaadan doono madaxda ka qeyb galaysa shirka

Dowladaha Iraan iyo Ruushka oo wadahadlaya

Isniin 23, June 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran – oo magaalada Moscow ee dalka Ruushka u jooga wadahadallo – ayaa sheegay in uu “wadahadallo muhiim ah” la yeelan doono madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, kuwaas oo looga hadlayo “caqabadaha joogtada ah iyo hanjabaadaha”.

Ruushka ayaa dhaleeceeyay weerarka Mareykanka uu ku qaaday xarumaha Nukliyeerka Iran iyadoo safiirka Ruushka ee Qaramada Midoobay uu sheegay in Mareykanka uu “furay sanduuqa Pandora”.

Haddii wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Arakchi, uu la kulmo Putin galinka dambe ee maanta, waxa ay u badan tahay in uu taageero ah ka helo hoggaamiyaha Kremlin-ka, laakiin kaalmada milatari ee Moscow ayaa u muuqata mid aan suurtagal ahayn.

Haatan, mudnaanta koowaad ee Ruushku, waa dagaalka uu kula jiro Ukraine.

Waa hubaal in Ruushka iyo Iran ay leeyihiin heshiis iskaashi oo istiraatijiyadeed, laakiin ma aha heshiis difaac oo Moscow kuma qasbana in ay taageero milatari siiso Tehran.

Todobaadki la soo dhaafay, madaxweyne Putin waxa uu sheegay in Iran aysan ka codsan Moscow kaalmo militari, waxaana hadalladiisa ka muuqda in uusan ku degdegin arrintaas.

Aqalka Kremlin-ka ayaa aad u daneynayey in uu xiriir wanaagsan la yeesho labada dhinac, waa Iran iyo Israel – iyo in la dhiso xiriir wada shaqeyn wanaagsan oo lala yeesho madaxweyne Donald Trump.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn {22/06/2025}

Sabti 22, June 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Yaasiin Cali Axmed

Dhacdooyinka caalamka iyo caawa Xaalada ka Cusub Bariga dhexe.

0

Axad, 22 Juun 2025 {HMC}  Dhacdooyinka caalamka iyo caawa Xaalada ka Cusub Bariga dhexe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} FAAH FAAHIN Aabe gabadhiisa ku dilay Magaalada Muqdisho

0

Axad, 22 Juun 2025 {HMC} FAAH FAAHIN Aabe gabadhiisa ku dilay Magaalada Muqdisho

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 22-6-2025.

0

Axad 22, jun 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUUQAALKA} Maxeey ka wada Hadleen Madaxweyne Xasan iyo Xubnihii ka socda Qaramada Midoobay.?

0

Axad, 22 Juun 2025 {HMC} Maxeey ka wada Hadleen Madaxweyne Xasan iyo Xubnihii ka socda Qaramada Midoobay.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA