Home Blog Page 792

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaaladii ka dhacay Xadka Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe

0

Jimco 13, June 2025 {HMC} Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaaladii ka dhacay Xadka Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda Mareeykanka oo iska fogeeysay ineey lug ku leheyd weerarkiii lagu qaaday iiraan.

0

Jimco 13, June 2025 {HMC} Dowladda Mareeykanka oo iska fogeeysay ineey lug ku leheyd weerarkiii lagu qaaday iiraan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {12-06-2025}

Jimco 13, June 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow

Farsamadii ::Yaasiin Ali Ahmed

HOOS KA DHAGAYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Isra’iil oo qaaday weeraro Culus oo lagu DIlay Saraakil sare oo ka tirsan iiraan.

0
Jimco 13, June 2025 {HMC} Isra’iil oo qaaday weeraro Culus oo lagu DIlay Saraakil sare oo ka tirsan iiraan.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Maraykanka oo duqayn la beegsaday Daacish.

Jimco 13, June 2025 {HMC} Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in ciidamadooda ay weerar cirka ah ka fuliyeen Puntland.

AFRICOM waxay sheegtay in weerarku ka dhacay koonfur-bari magaalada dekedda ah ee Boosaaso, isla markaana lagu bartilmaameedsaday Daacish (ISIS). Balse lama bixin faahfaahin dheeraad ah.

“Faahfaahinta ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin doono si loo ilaaliyo amniga howlgalka,” ayuu yiri AFRICOM.

Mareykanka ayaa taageeraya ciidamada maxalliga ah ee Puntland, kuwaasoo 8-dii Juun ku dhawaaqay howlgal weyn oo Daacish looga sifaynayo meelaha ay ku dhuumalaysanayaan, waxaana garab siinaya Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta.

“Howlgalkan wuxuu si gaar ah u beegsanayaa meelaha ay ku urursanayaan dagaalyahannada ka badbaaday kooxda Daacish,” ayuu yiri sarkaal ammaanka Puntland ah oo la hadlay warbaahinta.

Iyadoo la eego tirada war-saxaafadeedyo ay AFRICOM soo saartay, weerarkii 10-kii Juun wuxuu tirada guud ee weerarada Mareykanka ee Soomaaliya sanadkan ka dhigay 33.

Si kastaba, AFRICOM ayaa u sheegtay hay’adda New America, oo dabagal ku sameysa duqeymaha cirka Mareykanka, in guud ahaan ay sanadkan 2025 fuliyeen 38 weerar oo cirka ah gudaha Soomaaliya.

Maraykanka miyuu qayb ka ahaa weerarrada Israel ay ku qaadday Iran?

Jimco 13, June 2025 {HMC} Mareykanka ayaa sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn weerarada Israa’iil ay ku qaaday goobaha nukliyeerka Iran, taasoo ah tallaabo kor u sii qaadaysa xiisadda gobolka.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, ayaa war-saxaafadeed soo saaray wax yar un ka dib markii duqeymuhu bilaabmeen, isagoo sheegay in Israa’iil ay qaaday “tallaabo kalinnimo ah”, islamarkaana uga digay Iran inaargudashadeedu uu saameeyo Mareykanka.

“Annagu kuma lihin wax lug ah weerarrada ka dhanka ah Iran, mudnaantayaduna waa ilaalinta ciidamada Mareykanka ee gobolka,” ayuu yiri Rubio. “Aan cadeeyo: Iran waa inaysan beegsan danaha ama shaqaalaha Mareykanka.”

Inkasta oo Mareykanka si cad uga fogaaday howlgalka Israa’iil, hadana telefishinka dowladda Iran ayaa si degdeg ah Mareykanka ugu eedeeyay in uu “ka qeyb qaatay” weerar ay ku tilmaameen mid “caruur lagu dilay”.

Weerarrada Israa’iil oo loogu magac daray Hawlgalka Libaaxa Soo Kacaya (Operation Rising Lion) ayaa lagu beegsaday barnaamijka nukliyeerka Iran iyo goobo kale oo ciidan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay ciidamada difaaca Israa’iil (IDF).

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in weerarku uu ahaa lagama maarmaan maadaama Iran ay wali waddo dadaalkeeda ku aaddan in ay uranium-ka hodanka ah u beddesho hub, isagoo ku tilmaamay mid muhiim u ah “badbaadada jiritaanka Israa’iil”.

Dowladda Israa’iil ayaa ku dhawaaqday xaalad deg-deg ah, waxayna sheegtay in ay filayso in Iran ay aargudato. Netanyahu ayaa intaa ku daray in weerarrada lagu hayo Iran ay “sii socon doonaan inta ay doonaan”.

Warbaahinta dadweynaha ee Israa’iil (Kan) ayaa sheegtay in saraakiisha Israa’iil ay horey ugu wargeliyeen Mareykanka ka hor inta aysan bilaabin weerarrada.

Police fire tear gas on crowds protesting Kenya blogger’s death in custody.

Friday 13, June 2025 {HMC} Protesters took to the streets of Kenya’s capital Nairobi to express their fury over the death of a blogger arrested by police last week, as the country’s police watchdog reported that 20 people had died in custody over the last four months.

Police used tear gas to disperse crowds gathered close to the capital’s parliamentary building on Thursday to protest against the death of Albert Ojwang, a 31-year-old blogger arrested in the western town of Homa Bay last week for criticising the country’s deputy police chief Eliud Lagat.

Police had initially said Ojwang died “after hitting his head against a cell wall”, but pathologist Bernard Midia, part of a team that conducted an autopsy, said the wounds – including a head injury, neck compression and soft tissue damage – pointed to assault as the cause of death.

On Wednesday, President William Ruto admitted Ojwang had died “at the hands of the police”, reversing earlier official accounts of his death, saying in a statement that it was “heartbreaking and unacceptable”.

Kenyan media outlets reported on Thursday that a police constable had been arrested over Ojwang’s death.

Reporting from the protests in Nairobi, Al Jazeera’s Malcolm Webb said that Ojwang, who wrote about political and social issues, had posted online about Lagat’s alleged role in a “bribery scandal”, in which the deputy police chief had already been implicated by a newspaper investigation.

“It’s angered people that he was detained for that, and then days later, dead in a police station,” said Webb, who added that people were calling for Lagat to be held to account, and “persisting in throwing stones at the police in spite of one volley of tear gas after the next being fired at them”.

Finance bill protests: one year on
The case has shone a light on the country’s security services, who have been accused of extrajudicial killings and enforced disappearances for years.

On Thursday, Independent Policing Oversight Authority chairperson Issak Hassan told lawmakers that there had been “20 deaths in police custody in the last four months”.

The authorities are now conducting an official investigation into Ojwang’s death.

On Wednesday, Inspector General Douglas Kanja apologised for police having previously implied that Ojwang died by suicide, telling a Senate hearing: “He did not hit his head against the wall.”

Ojwang’s death comes almost a year after several activists and protesters were killed and taken by police during finance bill protests – many are still missing.

The rallies led to calls for the removal of Ruto, who was criticised for the crackdown.

Amnesty International said Ojwang’s death in custody on Saturday “must be urgently, thoroughly and independently investigated”.

Source: Al Jazeera and news agencies

RW Netanyahu Muxuu ka yiri weerarkii uu ku Nukleerka Iran?

Jimco 13, June 2025 {HMC} Ra’isul Wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in weerarkii ay ku qaadeen Iran uu “wadnaha gooyey” barnaamijka naaxinta nukleerka Iran, ka dib markii ay duqeeyeen xarunta lagu naaxiyo tamarta Uranium-ka ee ku taal magaalada Natanz oo 225 Km u jirta caasimadda Tehran.

Sannadkii 2021 ayey ahayd markii Iran ku eedeysay Isra’il in ay weerarkii dhanka internet-ka ah ku qaadday isla xaruntan.

Netanyahu wuxuu intaas ku daray in ay sidoo kale beegsadeen saynisyahannadii Nukleerka Iran oo uu sheegay in ay maleegayeen shirqool ka dhan ah Isra’il maadaama sida uu yiri ay faraha kula jireen sameynta qumbulad Nukleer ah.

Ra’isul Wasaaraha Isra’il wuxuu gooddiyey in weerarradani “ay sii socon intii loo baahdo”.

Boqortooyadda UK oo digniin kasoo saartay xaalada Bariga dhaxe.

Jimco 13, June 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa ugu baaqay Iran iyo Israa’iil inay “dib u gurtaan oo si degdeg ah u yareeyaan xiisadda”, isagoo ku tilmaamay weerarrada dhinacyada “kuwa walaac leh”.

“Kororka colaadda cidna faa’iido uma aha, si gaar ah gobolka,” ayuu yidh.

“Xasilloonida Bariga Dhexe waa in ay noqotaa mudnaanta koowaad, waxaana aannu la shaqeynaynaa saaxiibadeenna si loo dejiyo xaaladda. Waqtigan waxa loo baahan yahay is-xakameyn, degganaansho iyo in dib loogu noqdo diblomaasiyadda.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee UK, David Lammy, ayaa isna ku celiyay baaqa Starmer ee ah in la muujiyo is-xakameyn, isagoo sheegay in sii socoshada colaadda ay “khatar weyn ku tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka.”

“Xasilloonida Bariga Dhexe waa mid muhiim u ah amniga caalamka. Waa waqti halis ah, waxaanan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn.”

Yey ahaayeen dadka lagu diley weerarkii Isra’il ee Iiraan?

Jimco 13, June 2025 {HMC} Isra’il waxay sheegtay in ‘Hawlgalka Libaax Toosay” loogu magac daray ee ay ka fulisey gudaha Iran lagu diley saraakiil sarsare iyo saynisyahanno lafdhabar u ahaa barnaamijka Nukleerka Iran.

Haddaba waxaan idin la wadaageynaa shanta qof ee illaa iyo hadda warbaahinta Iran xaqiijisay in lagu dilay weerarkii Isra’il:

Hossein Salami, Taliyihii Guud ee Ilaalada kacaanka Islaamiga ah

Gholamali Rashid, Taliyihii Xarunta Dhexe ee Khatam-al Anbiya

Fereydoon Abbasi, Saynisyahan cilmiga Nukleerka, islamarkaana horay u soo noqday madaxa Ururka Tamarta Atomikada

Mohammad Mahdi Tehranchi, Saynishan kale oo cilmiga Nukleerka
Mohammad Bagheri, Abbaandulihii Ciidamada Qalabka Sida ee Iran

Waxaa sidoo kale dhaawac loo geystey Cali Shamkhani oo ah Lataliye sare u ahaa Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Supreme Ayatollah Cali Khamenei

Waan idin la socodsiin doonnaa hadba wixii ku soo kordha warkan.