Home Blog Page 794

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya iyo Masar oo ka wadahadlay dagaalka AS

0

Khamiis 12, June 2025 {HMC} Soomaaliya iyo Masar oo ka wadahadlay dagaalka AS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Gud. Muungaab oo deeqa dawo ah gaarsiiyay farumaha hore dagaalka Hiiraan

0

Khamiis 12, June 2025 {HMC} Gud. Muungaab oo deeqa dawo ah gaarsiiyay farumaha hore dagaalka Hiiraan

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 12/6/2025

0

Khaamis 12, June 2025 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 12/6/2025

 

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn 12 06 2025

Khamiis 12, June 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Cali  & Sahre Gabre 

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

MW Xasan Shiiq oo Kormeeray Markabka Oruc Reis ee Sahanka Shidaalka

Khamiis 12 June 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay Markabka “Oruc Reis” oo ku howlanaa baarista Shidaalka dalkeenna, kadib markii si rasmi ah loo soo gabagabeeyay sahanka Shidaalkaa Xeebaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay howl-wadeenada iyo bahda iskaashiga Turkiga dadaalladooda ku aaddan sahankan istiraatiijiga ah, isagoo muujiyey in natiijada baaristan ay wax weyn ka beddelayso xaaladda Soomaaliya iyo xiriirka iskaashi ee Labada dal.

“Tani waa guul muhiim ah oo xoojinaysa yoolkeenna ah in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iideysato kheyraadkeeda, una beddesho fursado dhaqaale iyo horumar bulsho. Dowladda iyo Shacabka Turkiga mar walba waxa ay hormuud u yihiin tallaabooyinka muujinaya in Soomaaliya la maalgashan karo”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay dadaalka dowladda ee kobcinta dhaqaalaha dalka, iyada oo loo marayo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee hodonka ay ku tahay Soomaaliya, kuwaas oo dabooli kara duruufaha ka jira dalkeenna.

Masar oo markale kucelisay in ciidamadeedi si deg deg ah ugu soo biiri doonaan howlgalka AUSSOM

Khamiis 12 June 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka Masar Dr. Badr Abdel Aty, ayaa Arbacadii la kulmay La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali, oo ay ka qeyb galeen shirka ka socda Madasha Oslo, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee Masar iyo Soomaaliya.

Wasiir Abdel Aty ayaa bogaadiyay dardargelinta xiriirka labada dal ee Masar iyo Soomaaliya, Wuxuu ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in la sii qoto dheereeyo iskaashiga laba geesoodka ah iyo horumarinta qaababka iskaashiga ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga, si loogu adeego danaha labada dal

Wuxuu sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in laga shaqeeyo xoojinta xiriirka ganacsiga iyo maalgashiga ee labada dal iyadoo la eegayo natiijooyinkii ka soo baxay shirkii Madasha Ganacsiga Masar iyo Soomaaliya ee Qaahira lagu qabtay Janaayo 2025.

Sidoo kale wuxuu muujiyay sida uu u doonayo inay sii wado Dowladiisa ka faa’iideysiga koorsooyinka tababarrada ah ee ay bixinayaan hay’adaha kala duwan ee Masar ee dhinacyada kala duwan ee kobcinta awooda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa shaaca ka qaaday in Masar ay aad u daneyneyso in sida ugu dhaqsiyaha badan ay gacan uga geysato howlgalka Midowga Afrika ee lagu taageerayo xasilinta Soomaaliya, iyadoo la tixraacayo sida ay Masar uga go’an tahay taageerada joogtada ah ee ay ku taageereyso ammaanka iyo xasilloonida Soomaaliya, oo qeyb muhiim ah ka ah xasilloonida gobolka oo dhan.

Dhankiisa lataliyaha amniga Qaranka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, waxaana uu ku xoojiyay is la adkeeyo xiriirka labada Dowladood.

Maxaa Kasoo Kordhay Baarista Shidaalka Soomaaliya?

Khamiis 12 June 2025 {HMC} Markabka Oruç Reis oo laga leeyahay dalka Turkiga kaas oo baaris shidaal ka waday badda Soomaaliya tan iyo 25-kii Oktoobar 2024, ayaa si rasmi ah u dhammeystiray hawlgalkiisii socday muddo 234 maalmood ah.

Intii uu hawlgalku socday, markabku wuxuu xog 3D seismic ah ka ururiyey saddex qaybood oo badda Soomaaliya ka tirsan, isagoo daboolay dhul badeed cabirkiisu dhan yahay 4,464 kiiloomitir laba jibbaaran.

Hawlgalkan ayaa ujeedkiisu ahaa in la helo xog cilmiyeed oo muhiim ah taasoo ku saabsan khayraadka dabiiciga ah ee badda Soomaaliya sida uu sheegay wasiirka Macdanta Turkey.

Sida qorshaha yahay Markabka Oruç Reis ayaa la filayaa inuu ku soo xirto dekadda Muqdisho 15-ka Juun 2025, isagoo ku laabanaya Turkiga, waxaana lagu lagu wadaa Xogta ay heleen khubarada in ay gacan ka geysato horumarinta khayraadka badda iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.

 

Mareykanka iyo Shiinaha oo heshiis ka gaarey mid ka mid ah murankooda ganacsi.

0

Khamiis 12 June 2025 {HMC}  Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in wadahadallo lagu doonayey in xal loogu helo muran dhanka ganacsiga ah ee indhaweydba dhex yiilley dalalka Shiinaha iyo Mareykanka ay ku dhammaadeen ‘heshiis’.

Mr. Trump ayaa sheegay in Shiinuhu ogolaaday in shirkadaha Mareykanka uu ka iibiyo birlabka iyo macdanta kale ee macduunka ah, taas beddelkeedana Mareykanku ka laabanayo xayiraaddii uu ku soo rogey fiisayaasha ardayda Shiinaha.

“Heshiiska aan la gaarney Shiinahu waa mid siku dhan, wuxuuna keliya oo sugayaa in aniga iyo Madaxweyne Xi aan sixiixno oo qudha,” ayuu yiri Trump oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social.

Heshiiskan ayaa yimid ka dib labo maalmood oo labada dhinac ay magaalada London uga socdeen wadahadallo lagu doonayey in lagu far iyo suuliyo dagaalka dhanka canshuuraha ah oo cuuryaamiyey ganacsigii ka dhexeeyey labadan dal ee dhaqaale ahaan dunida ugu tunka weyn.

Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradah Hindiya oo dhacday.

0

Khamiis 12 June 2025 {HMC}  Diyaarad xamuul ah oo ay leedahay shirkadda diyaaradah Air India nuuceeduna yahay Boeing 787-8 Dreamliner ayaa ku dhacday magaalada Ahmedabad ee dalka Hindiya.

Diyaaraddan oo siddey in ka badan 200 oo rakaab ah, kuna sii jeeddey magaalada London ayaa soo dhacday wax yar ka dib markii ay ka kacday gigida Ahmedabad.

Diyaaradda oo summadda duulimaadkeedu ahaa AI171, ayaa u muuqata in ay ku dul habsatay deegaan lagu nool yahay.

Wasiirka Duulista hawasda ee Hindiya Kinjarapu Ram Mohan Naidu ayaa sheegay in ay socdaan hawlaha gurmadka degdegga. Illaa hadda lama hayo khasaaraha ka dhashay shilkan diyaradeed, waxaase meesha diyaaraddu ku dhacday ka muuqda uuro madow muujineysa in diyaaradda dab qabsaday.

Golaha Wasiirrada oo meel mariyay XeernidaamiyahXargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

0

Khamiis 12 June 2025 {HMC} Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara, si loo ilaaliyo badqabka isgaarsiinta dalka.

Kulanka Golaha oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan diyaar garowga toddoobaadka xorriyadda iyo Imtixaanka Qaranka ee sanad dugsiyeedka 2025, kaas oo si rasmi ah maalinta sabtida ah uga bilaabmi doona gobollada dalka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa laga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixinno la xiriira amniga, xasillinta iyo dardargelinta howlgallada ka dhanka ah dalka.

Sidoo kale Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa bogaadiyey geesiyaasha ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee naftooda u huraya difaaca dalka, sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay shirka.