Home Blog Page 797

Soomaaliya oo War Deg deg ah ka soo saartay ballaanqaaadyada cusub ee Shiinaha u sameeyay Wadamada Afrika.

Arbaco 11, June 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa si rasmi ah uga qayb galay Shirka heer Wasiir ee Isku-duwayaasha Hirgelinta Go’aannada FOCAC, kaas oo lagu qabtay magaalada Changsha ee gobolka Hunan, Shiinaha, waxaana shirkaan diirada lagu saaray iskaashiga China iyo wadamada Afrika.

Wasiir Cabdisalaam wuxuu aad u soo dhoweeyey ballanqaadyada cusub ee ay ku dhawaaqeen Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wang Yi, kuwaas oo xoojinaya iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ee dhinacyada horumarka, ganacsiga, tiknoolajiyadda, iyo sugnaanta cuntada.

Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa bogaadiyay doorka hoggaamineed ee Shiinuhu ka qaadanayo horumarinta Qaaradda Afrika, isagoo sheegay in ballanqaadyadaasi ay waafaqsanyihiin himillooyinka qaranka Soomaaliyeed ee ku saleysan xasilooni, koboc iyo dib-u-dhis.

Wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa sheegay in 25-kii sano ee la soo dhaafay tan iyo markii la aas’aasay Madasha FOCAC, ay Afrika ku tallaabsatay horumar la taaban karo, laga bilaabo kaabeyaasha dhaqaalaha, ilaa fursadaha ganacsi iyo maalgashi oo sii ballaaranaya. Wuxuu ku tilmaamay FOCAC inuu yahay tusaale guuleystay oo ka tarjumaya waxa ay tahay saaxiibtinimo dhab ah oo aan ku salaysnayn hadal kaliya, balse ay horseedayso natiijooyin muuqda oo wax ku ool ah.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay si buuxda u garab-taagantahay dhismaha bulsho leh mustaqbal wadaag ah oo ay hoggaan u tahay wada-shaqeyn ku saleysan ixtiraam iyo daahfurnaan.

Wuxuu si cad u muujiyay Wasiir Cabdi Salaam mudnaanta ay Soomaaliya siineyso horumarinta awoodda aadanaha, dhismaha dowladnimada dhijitaalka ah (e-governance), horumarinta wax-soo-saarka gudaha iyo sare u qaadista ganacsiga la dhoofiyo, iyadoo fursad u aragta iskaashiga Shiinaha mid wax ka tari kara yoolalkaas.

Marinada miyiga oo ay isticmaalaan AS ayaa la bartilmaameedysaday sida ay Sheegtay DSF.

Arbaco 11, June 2025 {HMC} Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka ay howlgal qorshaysan ka fuliyeen tuulooyinka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu dilay tiro ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa lagu xusay in howlgalkaan la qaaday iyadoo la adeegsanayo xog sirdoon ay qeyb ka aheyd qorshaha dowladda Federaalka uga gol leedahay in lagu burburiyo kooxda Al shabaab, si looga ciribtiro haraadigooda loogana xoreeyo deegaanada ay kaga dhuumaaleysanayaan koonfurta dalka.

Wasaaradda ayaa tilmaamtay in Ujeedada howlgalkaan Sabiid iyo Caanoole ka dhacay uu ahaa mid lagu doonayay in lagu jaro marinada ay isticmaalaan Al shabaab, lagana hortago isku uruursigooda iyo weerarrada ay ka abaabulaan meelaha miyiga ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa shaaca ka qaaday inay bogaadinayso Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, waxayna ku adkeysay inay xoojiyaan difaaca dalka iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.

Degaanada kala Sabiid iyo Canoole dhowr jeer ayay isku fara saareen Ciidamada Dowladda iyo kooxda Al shabaab, Waxaana wasaaradda Gaashaandhiga ay carabka ku dhufatay inay wali ku raad joogaan Koox ka tirsan Al shabaab oo ka baxsaday howlgalka inta uu socday.

North Korea Dismisses U.S. Travel Ban List.

Wednesday 11, June 2025 {HMC} North Korea stated on Tuesday that it has no interest in being included or excluded from the US list of countries banned from its domestic travel, state media reported.

While Pyongyang was not included on the list, the Korean Central News Agency (KCNA) published a response days after US President Donald Trump issued a travel ban on 12 countries, including Afghanistan, Myanmar, Haiti, Iran, Somalia, Sudan, and Yemen.

Trump justified his move, which went into effect on Monday, by citing protection from “foreign terrorists” and security threats.

A news report in March suggested that North Korea and Russia were also among the countries considered for the travel ban, but both were omitted from the final list.

The KCNA reported that North Korea’s omission from the list may reflect the US’ “carrot” approach toward Pyongyang to open the door to resuming dialogue.

Pyongyang added that only the US could explain why North Korea was not included on the list, whether for technical or political reasons, but “one obvious fact is that we are not in the least interested in the matter of entry into the US.”

Even if the present US administration has not placed North Korea intentionally on the list of countries subject to an entry ban, Pyongyang is unconcerned and has no reason to rejoice, the KCNA reported.


Writing by Aamir Latif

Duqa Muqdisho oo Sameeyay Magacaabis iyo Xilka qaadis Guddoomiyeyaal Dagmo.

Arbaco 11, June 2025 {HMC}  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Magacaabay Guddoomiyeyaasha kala ah;

1- Mudane Cumar Meeyre Mocoow, waxaa loo Magacaabay Guddoomiyaha Degmada Dharkeenleey.

Waxaana xilkii Guddoomiyaha Degmada Dharkeenleey laga qaaday Md. Maxamuud Xaaji Cali Fiidoow.

2- Mudane Xuseen Xasan Maxamuud, waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Waaberi.

Waxaana xilkii Guddoomiyaha Degmada Waaberi laga qaaday Md. Maxamed Sayid Cali.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kula dardaarmay Guddoomiyeyaasha cusub in ay mudnaan siiyaan harumarinta Degmada, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga.

Kenyan Forces Kill Two AS Militants in Mandera

Wednesday 11, June 2025 {HMC} Security officers from the anti-terror police unit killed two terrorists during an ambush in Mandera on Monday.

According to the Counter Terrorism Policing, officers from the elite Special Operations Group (SOG), acting on intelligence, launched an operation in the wee hours of the night in Mandera and ambushed the terrorists as they were planning to launch an attack.

The militants from the Al Shabaab terror group were reportedly planning to terrorise Kenyans using the Alungu-Elwak road, Mandera County.

Further, the police report revealed that the insurgents were in the final stages of planting explosives on the main road, in a bid to target civilian vehicles.

During the incident, a fierce firefight ensued, during which two militants were felled as others sustained serious injuries before fleeing into nearby thickets with officers in hot pursuit.

”Acting on credible intelligence, the elite Special Operations Group launched a pre-dawn operation on Al Shabaab militants who were planning to terrorise Kenyans using the Alungu-Elwak road, Mandera County.

The terrorists were also in the final stages of placing explosives on the main road, targeting civilian vehicles,” a police report confirmed.

“The terrorists were caught in the act of setting up the IED. A fierce firefight ensued, during which two militants were neutralised and others sustained serious injuries.”

The elite unit managed to recover two AK-47 rifles, a Rocket-Propelled Grenade (RPG) warhead, and a fully assembled IED.

Preliminary assessments indicated that the operation managed to avert a potential large-scale attack on civilian traffic in the area.

Meanwhile, authorities have reaffirmed their commitment to supporting Kenya’s security forces through intensified operations and sustained efforts in the fight against terrorism.

In a related development, on the morning of May 8, the elite SOG neutralised an Al-Shabaab terrorist in Garissa while responding to the reports by locals of militants attempting to plant improved explosive devices (IEDs) along the Dadaab-Hagadera road, targeting civilians and security vehicles.

During the exchange of fire, one militant was killed, and three others were injured. Security officers also managed to arrest one of the suspects.

The authorities recovered several weapons from the scene, including a PKM machine gun, an AK-47, a pistol, a comms radio, and an IED remote.

Interior Minister, UN Envoy Discuss State-Building and Stabilization.

Wednesday 11, June 2025 {HMC} The Minister of Interior, Federal Affairs and Reconciliation, Hon. MP Ali Yusuf Ali (Hosh), welcomed the United Nations Special Representative for Somalia, Ambassador James Swan, for a high-level meeting at the Ministry’s headquarters. The discussions centered on strengthening collaboration around Somalia’s ongoing state-building agenda, with a focus on stabilization, reconciliation, elections, and public service delivery.

The meeting highlighted the importance of deepening bilateral cooperation between the Federal Government of Somalia and the United Nations to accelerate progress on shared priorities. Minister Ali Yusuf Ali and Ambassador Swan reviewed the current state of joint initiatives, underscoring the need for continued coordination to consolidate peace and strengthen governance structures.

Key areas of discussion included advancing reconciliation efforts at community and regional levels, supporting preparations for upcoming elections, and expanding the reach and quality of essential public services across the country.

Both sides agreed on the critical importance of enhancing local governance systems as a foundation for long-term stability and development. The Minister emphasized the government’s commitment to inclusive dialogue, accountable leadership, and citizen-centered service delivery.

Ambassador Swan reaffirmed the United Nations’ ongoing support for Somalia’s peacebuilding and development journey, noting the UN’s readiness to align its programs with national priorities and to support Somali-led solutions.

The meeting concluded with a mutual commitment to sustained collaboration aimed at achieving tangible progress in Somalia’s stabilization and state-building agenda.

Elon Musk oo ka qoomameeyay hadalladii uu ka sheegay Madaxweyne Trump.

Arbaco 11, June 2025 {HMC} Maalqabeenka Elon Musk ayaa sheegay inuu ka qoomameynayo qaar ka mid ah qoraalladii uu ka sameeyey Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump intii uu socday dagaalkooda baraha Bulshada.

“Waan ka qoomameynayaa qaar ka mid ah qoraalladaydii aan ka sameeyey Madaxweyne Donald Trump toddobaadkii hore. Waxey ahaayen xadgud,” ayuu ku yiri Musk bartiisa X, ee horey loo oran jiray Twiter.

Labada nin ayaa isugu dhacay si bannaan yaal ah, ka dib markii mulkiilaha Tesla uu Biilka canshuuraha Trump ku tilmaamay “wax laga yaqyaqsado”.

Qoraalkiisa ayaa yimid ka dib markii Trump uu si cad u sheegay in xiriirkooda uu dhammaaday, isla markaana aanu dan ka lahayn in uu dib u hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay Musk iyo in kale.

Miisaaniyadda, oo ay ku jiraan canshuur-dhimis ballaaran iyo kordhin ku saabsan kharashaadka difaaca, waxaa bishii hore ansixiyey Aqalka Wakiillada, waxaana haatan uu horyaalaa aqalka sare.

Elon Musk ayaa ugu baaqay shacabka Mareykanka in ay la xiriiraan wakiilladooda ku sugan Washington si ay u “laalaan biilka”, isagoo rumeysan in miisaaniyaddani ay “keeni doonto hoos u dhac dhaqaale qeybta labaad ee sanadka.”

Bilyaneerka dhanka tiknoolajiyadda, ayaa isagoo aan caddeyn bixin, ku andacooday in Donald Trump uu ku jiro dukumentiyo dawladeed oo aan wali la shaacin, kuwaas oo la xiriira dambiyadii galmada ee Jeffrey Epstein. Aqalka Cad ayaa si adag u beeniyey sheegashooyinkaas.

Trump oo ka jawaabayey arrintaas ayaa sheegay in Musk “uu maskaxda lumiyey”, wuxuuna uga digay inuu burin doono dhammaan qandaraasyada uu la leeyahay dawladda Mareykanka, kuwaas oo qiimahooda lagu qiyaasay 38 bilyan oo doollar, qayb weyn oo lacagtaas ah waxay ku baxdaa shirkadda SpaceX ee uu leeyahay Musk.

“Waxaan u arkaa arrin aad u xun, sababtoo ah si xushmad darro ah ayuu u dhaqmay. Ulama dhaqmi kartid xushmad darro Xafiiska madaxweynaha.” ayuu yiri Trump oo waraysi siiyey warbaahinta NBC Axaddii.

Musk ayaa inta badan tiray qoraalladiisii uu soo dhigay baraha bulshada toddobaadkan dhammaadkiisii, oo ay ku jireen mid uu ku dalbanayey in Trump xilka laga qaado iyo mid kale oo uu ku sheegay in isag la’aantiis uusan Trump ku guuleysteen doorashada.

Musk wuxuu ahaa deeq-bixiyaha ugu weyn ee ololahii doorashada madaxweynaha Trump ee 2024, waxaana loo arkayay inuu yahay gacanta midig ee madaxweynaha.

Gacan-yarihii hore ee Trump, Steve Bannon, ayaa ku baaqay in Musk, oo ku dhashay Koonfur Afrika, dib loo celiyo.

Madaxweyne-ku-xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa sheegay inuu rajeynayo in “ugu dambeyntii Elon uu dib ugu soo laabto kooxda,” balse ay adkaan karto maadaama bilyaneerka uu qaaday tallaabooyin “Nukyliyeer ah”.

Inta badan xisbiga Jamhuuriga ayaa ku baaqay in labadan nin ay isu soo dhowaadaan, halka xisbiga Dimuqraadiga uu si weyn ula socday khilaafka ka dhex aloosan labada nine ee xiliyadii hore ahaa kuwa aad isugu dhow.

Khilaafkoodu wuxuu dhacay dhowr maalmood ka dib markii Musk ka tagay Waaxda Hagaajinta Dowladda (Doge), kaddib 129 maalmood oo uu shaqada hayey.

Xiisada u dhaxeysa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo bilyaneerka teknolojiyadda ee Elon Musk ayaa gaartay heerkii ugu xumaa, waxaana soo afjarmay is-xulufeysigii u dhaxeeyay hoggaamiyaha ugu awoodda badan caalamka iyo ninka ugu taajirsan dunidda.

Source BBC

Mucaaradka Madaxweyne Deni oo laga mamnuucay in Garowe ku qabtaan Shirar.

Arbaco 11, June 2025 {HMC} Guddoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa degmada Garoowe Cabdulqaadir Axmed Tuurre (Geeddi) oo maanta ka qaybgalay shirka ammaanka caasimadda ayaa si adag uga hadlay shirar siyaasadeedyo ka qabsoomay magaalada Garoowe.

Guddoomiye Geedi ayaa sheegay in qof walba ay Mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay nabadda Garoowe isla markaana loo baahan yahay in hawlaha shaqada looga dambeeyo dowladda loo igmaday, isagoo sheegay inaysan aqbali doonin qabashada shirar aysan dowladdu la socon.

“Inagu taladeenii iyo xooggeennii waxaan isugu geynay dagaal, kuwa maanta shirarka qaqabanayana waxaan isleenahay waxay ku yihiin caqabad, Magaaladaani shir iyo saxmad uma baahna, haddaad kusii socotaanna gacmaha ayaa laydinka qabanayaa”, Ayuu yiri guddoomiye Geeddi.

Geesta kalena, guddoomiyaha ayaa sheegay,”Magaaladatan xafiisna lagama furi karo shir dambena laguma qaban karo, kuwa badan ayaan magaalada imaan karin, waxay sameeyeen ayeyna u imaan waayeen, ciddii tallaabo dambe qaadana kuwaa aan imaan karin oo kale ayey noqon doonaan”.

Somalia, Sudan Discuss Strengthening Ties During FOCAC Meeting

Wednesday 11, June 2025 {HMC} – On the sidelines of the Ministerial Meeting of Coordinators for the Implementation of Follow-Up Actions of the Forum on China-Africa Cooperation (FOCAC), currently underway in Changsha, Hunan Province,

the Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held a productive meeting on Tuesday, 10 June, with the Acting Minister of Foreign Affairs of the Republic of Sudan, H.E. Hussein Al-Haj.

The two sides discussed ways to strengthen bilateral relations and enhance joint cooperation across various sectors of mutual interest. The meeting also touched on regional stability and focused particularly on the latest political and security developments in Sudan.

Minister Abdisalam reaffirmed Somalia’s solidarity with the people of Sudan and expressed support for ongoing international efforts aimed at ending the conflict and restoring peace and stability in the brotherly country.

Opposition and Leadership: Who Crippled Somalia’s Hopes?

Introduction

Since the collapse of the central government in 1991, Somalia has struggled with political efforts to rebuild its statehood. Despite transitional and federal governments being formed, the hopes of the people have often been shattered. Today, Somalis are asking: who is responsible for crippling the nation? The opposition? Or the federal leadership?

1. The Opposition: Loud Criticism, Little Vision
The opposition plays a vital role in any democracy, but in Somalia, the opposition has often been destructive rather than constructive. It lacks a unified agenda and is driven by clan interests, personal ambition, and rivalry.

Opposition figures have disrupted election periods by creating political unrest and sometimes even violent tensions.
Some opposition leaders are known to have ties with foreign interests that undermine national progress.

2. The Federal Leadership: Power Retention over Good Governance

The federal leadership is frequently accused of focusing more on holding onto power than on delivering essential services to the public. Widespread corruption, lack of accountability, and divisive political practices are common.

The government has failed to establish strong institutions and a sustainable legal system.
Constant tensions between the federal government and regional states have weakened national unity.

3. A Nation Sabotaged or Neglected?

Both opposition and leadership appear to have abandoned the Somali people. Today’s politics are driven by personal gain, clan loyalty, and ongoing instability.

Disillusioned youth are turning to migration, radicalism, and rebellion.
The public feels betrayed and lost in a web of broken promises.

Conclusion

Somalia needs a constructive opposition and responsible leadership. The opposition must offer real solutions and vision. Government leaders must prioritize the needs of the people over political survival. Without true leadership on both sides, Somalia will continue teetering on the edge of political failure and social collapse.