Isniin 2, June 2025 {HMC} Dabeylo laga cabsi qabo in ay ku dhuftaan badda Gacanka Cadmeed
Isniin 2, June 2025 {HMC} Dabeylo laga cabsi qabo in ay ku dhuftaan badda Gacanka Cadmeed
Isniin 2, June 2025 {HMC} Wado aan aheyn inaan AS SH/dhaxe ka xureeyno Majirto.
Isnin , 2 jun 2025{HMC} Waxaa halkan idin kugu soo Gudbineynaa Wararka Ugu Waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 02/6/2025
Isniin 2, June 2025 {HMC} Maxay ka wada hadleen RW Xamsa iyo Madaxweyne Geele?
Isniin 2, June 2025 {HMC} Madaxweyne Farmaajo oo Go’aan kasoo saaray Shirkii uu ku baaqay MW Xasan Sheekh.
Isniin 2, June 2025 {HMC} Maxay ka wada hadleeyn Mucaaradka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ?
isniin 02 -Jun-2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya, Caaisho Maxamed ayaa ka jawaabtay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Ereteriya, Isaias Afwerki, kaasi oo ay sheegtay inuu dhaawacayo xiriirka labada dal.
Madaxweynaha Eretariya ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu hurinayo dagaal, hubna soo iibsaday si uu u helo badda cas.
“Xukumadda Aby Axmed waxaa ay lacag badan ku bixisay soo iibsashada hub si ay dagaal u qaado, waxaa ay raadinayaan badda cas iyo faafinta qabyaaladda” ayuu yiri Madaxweyne Eretariya, Isaisas Afwerki
Hadalkaasi ayaa si adag waxaa uga jawaabtay Wasiir Difaaca Itoobiya oo sheegtay in aysan dooneyn dagaal laga huriyo Geeska Afrika.
“Waan beenineyna eeda Madaxweynaha Ereteriya, Itoobiya waxay dhisatay ciidanka dhulka, cirka iyo badda oo awood u leh in ay weerar ku qaadaan jiho kasta” ayay tiri Wasiirka Difaaca Itoobiya, Caaisha Maxamed.
Xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo Ereteriya ayaa xumaaday ka dib markii uu dhammaaday dagaalkii u dhexeeyay dawladda Faderaalka ee uu hoggaamiyo Aiby Axmed iyo Jabhadda TPLF, kaas oo socday intii u dhaxaysay Nofeembar 2020 iyo Noofambar 2022.
Isniin 2, June 2025 {HMC} Dalka iyo dadka ayaa u baahan Manta Taliye Mahad Salaad.
isniin 02 -Jun-2025 {HMC} Wargeyska Stars and Stripes ayaa qoray in walaaca sii kordhaya ee ku aaddan weerarrada kooxaha argagixisada gaar ahaan Daacish ee ka dhaca Galbeedka Afrika iyo xaaladda murugsan ee Soomaaliya ay sabab u noqdeen in Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka (Pentagon) dib u eegto istaraatiijiyaddeeda Afrika.
Taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Janaraal Michael Langley, ayaa sheegay in kooxaha argagixisada ee ka howlgala gobolka Saaxil ay si xawli ah u kordheen saddexdii sano ee la soo dhaafay. Wuxuu uga digay in haddii aan wax laga qaban kooxahan ay dhawaan heli karaan awood ay weerarro kaga fuliyaan gudaha Mareykanka.
In kasta oo Janaraal Langley uusan si cad u sheegin in Mareykanku yareynayo tirada ciidamadiisa ku sugan Afrika, haddana wuxuu carrabka ku adkeeyay in mas’uuliyadda sugidda amniga ay tahay mid ay tahay in ciidamada Afrikaanka ah si buuxda u qaataan.
“Istaraatiijiyaddeennu waxay ku dhisan tahay iskaashi. Waa yool wadaag ah oo lagu sugaayo amniga dalalkayaga iyo kuwa saaxiibadeenaba,” ayuu yiri. “Waa dhisidda awood waarta, ma aha ku tiirsanaan. Waa maalgashi lagu sameynayo awoodda Afrika ee xalinta dhibaatooyinka Afrika.”
Janaraal Langley, oo ka tirsan Ciidanka Badda ee Mareykanka islamarkaana hoggaaminaya AFRICOM tan iyo 2022, ayaa tilmaamay in gobolka Saaxil uu hadda noqday “xuddunta” argagixisada Afrika. Wuxuu sheegay in kooxaha Al-Qaacida iyo Daacish ay si firfircoon uga howlgalaan dalalka Burkina Faso, Mali, Niger, iyo Nigeria.
“Mid ka mid ah yoolalka cusub ee kooxaha argagixisadu waa inay helaan marin xeebeed oo ay uga gudbaan Galbeedka Afrika,” ayuu yiri Langley, isagoo la hadlayay weriyeyaasha.
Sidoo kale wuxuu sheegay in xaaladdan ay si weyn u kordhin karto halista ah in weerarro lagu qaado xeebaha Mareykanka.
“Waxaan luminay awooddii aan si dhow ula socon jirnay dhaqdhaqaaqyada kooxaha argagixisada,” ayuu yiri.
Jimcihii la soo dhaafay, Janaraal Langley wuxuu magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay taliyayaal ciidan oo Afrikaan ah, shir looga hadlayay xaaladda amni ee qaaradda Afrika.
Isagoo ka hadlayay arrimaha Soomaaliya, Langley wuxuu sheegay in AFRICOM ay laba jibbaartay weerarrada cirka ah ee ay halkaas ka fuliso sanadkan. Wuxuu xusay in in ka badan 25 weerar la qaaday, taasoo ka badan tiradii sanadkii hore oo dhan.
Si kastaba, wuxuu hoosta ka xariiqay in guusha waarta aysan ku imaan karin keliya awood ciidan, balse loo baahan yahay istaraatiijiyad ballaaran oo wax ka qabata sababaha salka u ah xasillooni darrada.
isniin 02 -Jun-2025 {HMC} – Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa ka digay dabeylo la filayo in ay ku dhufan doonaan Badda Gacanka Cadmeed ee ay Somaliland maamusho.
Qoraal kasoo baxay ciidanka ayaa digniin loogu diray dadka ku dalxiisa badda, kalluumaysatada, iyo cid kasta oo u dhow xeebaha.
“Ciidanka Ilaalada Xeebaha JSL wuxuu digniin u dirayaa dadka ka shaqeeya dhinaca badda sida kalluumaysatada, dalxiisayaasha iyo dhammaan cid kasta oo u dhow xeebaha, inay ka feejignaadaan dhibaatada ka dhalan karta dabeylaha ku kacsan qaar kamid ah xeebaha dalka,” ayaa lagu yidhi digniinta ciidanka.
Sidoo kale, saadaashu waxay sheegtay in heerkulku gaadhi doono 41°C, taasoo ka dhigan in sannadkani yahay mid kamid ah sannadihii ugu kululaa ee ay arkaan dadka ku dhow deegaanka xeebaha Somaliland.
Warbixintu waxay sheegtay in xawaaraha dabeyshu noqon doono 14km/h ilaa 45km/h, taasoo muujinaysa in dabeyluhu aad u xoog badan yihiin, isla markaana khatar galin karaan dadka iyo doonyaha.
Mawjadaha badda ayaa sare u kici doonaan ilaa 1.9 mitir, taasoo ay sababayaan dabeylaha iyo xaaladda cimilada oo xun guud ahaan. Tani waxay khatar gaar ah gelinaysaa cid kasta oo isticmaasha gaadiidka badda.
Sidoo kale, heerkulka xeebaha gaar ahaan qaybta bari wuxuu gaadhi doonaa inta u dhaxaysa 32°C ilaa 41°C, halka guud ahaan heerkulka magaalooyinka iyo deegaanada Somaliland uu aad uga sarreeyo marka loo eego sannadihii la soo dhaafay.