Home Blog Page 829

{DAAWO MUUQAALKA} qoray afkiis ayaan ku Baacsaneeyna AS-Ka Hiiraan kusoo duulay.

0

Isniin 2, June 2025 {HMC} qoray afkiis ayaan ku Baacsaneeyna AS-Ka Hiiraan kusoo duulay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa lagu xaliyay kiiska Nin dhimirka ka xanuunsanaya oo Haweeney ku dilay Hiiraan.

0

Isniin 2, June 2025 {HMC} Maxaa lagu xaliyay kiiska Nin dhimirka ka xanuunsanaya oo Haweeney ku dilay Hiiraan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dagaalka AS Waa Aqiido dhab ah oo lagu difaaca Diinteena.

0

Isniin 2, June 2025 {HMC} Dagaalka AS Waa Aqiido dhab ah oo lagu difaaca Diinteena.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}Mareykanka oo Faah-Faahin ka bixiyay Duqeyn uu ka fuliyay Soomaaliya?

0

Isniin 2, June 2025 {HMC} Mareykanka oo Faah-Faahin ka bixiyay Duqeyn uu ka fuliyay Soomaaliya?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Puntland oo degmada Badhan ka mamnuucday imtixaanka Somaliland in la geeyo

0

Isniin 2, June 2025 {HMC} Puntland oo degmada Badhan ka mamnuucday imtixaanka Somaliland in la geeyo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} qoorqoor Oo Weerar afka ah ku qaaday Mucaaradka Soomaaliya.

0

Isniin 2, June 2025 {HMC} qoorqoor Oo Weerar afka ah ku qaaday Mucaaradka Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Mareykanka oo duqeymo ka fuliyay buuraha Calmiskaat ee gobolka Bari.

Isniin, 02, June 2025{HMC} Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay duqeyn cirka ah la beegsadeen Saldhigyo ay ku sugnaayeen Daacish.

Duqeyntan ayaa ka dhacday goob 75 km Koonfurta kaga beegan magaalada Boosaaso ee Puntland, halkaasi oo ay ku sugnaayeen xubnaha Daacish.

Mareykanka wuxuu sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Duqeymaha oo aad u xooggana.

“AFRICOM ayaa oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka, waxay sii wadi doonta howlgallada lagu wiiqayo awoodda Daacish si loo yareeyo khatartooda” ayaa lagu yiri Bayaanka AFRICOM.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee uu ka fuliyo gudaha Soomaaliya, waxaana sananka oo kaliya AS iyo Daacish lala beegsaday in ka badan 25 duqeyn.

Mucaaradka oo Shuruudo Adag ku xiray gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan.

Isniin, 02, June 2025{HMC} Madasha Samata-bixinta mucaaradka ay ku mideysan yihiin musharaxiin Madaxweyne oo mucaarad ah, ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxa ay kusoo dhaweeyeen gogosha siyaasadeed uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Mucaaradka waxa ay soo bandhigeen saddex shardi oo muhiim ah, iyaga oo dalbaday in la caddeeyo ajandaha iyo qodobada looga hadlayo gogosha, in gogosha noqotaa mid xal waara looga gaaro khilaafka siyaasadeed iyo in gogosha noqoto mid laga wada qeyb galo mucaarad iyo muxaafid.

War-saxaafadeed ay soo saareen Madasha Samata-bixinta mucaaradka, ayaa lagu sheegay in ay u taagan yihiin diyaarna u yihiin samata-bixinta dalka iyo dowlanimada Soomaaliya, sidoo kale diyaar u yihiin wadahadal dhab ah oo horseedi kara midnimo Qaran.

Ukraine oo Weeerarkii ugu Cuslaa ku qaaday garoomada Ruushka.

Isniin, 02, June 2025{HMC} Weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ayaa lagu burburiyay in ka badan 40 diyaaradood oo Ruushku leeyahay oo ku sugnaa dhulka Ruushka, sida uu sarkaal amniga Ukraine u hadlay u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press, halka Ruushku uu gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku garaacay Ukraine maalin ka hor inta aanay labada dhinac ku kulmin wareeg cusub oo wadahadal toos ah oo ka dhacaya Istanbul.

Hawlgalka ayaa lagu arkay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu daabulay konteenaro ay ku raran yihiin gawaari si qoto dheer u galay dhulka Ruushka, ayuu yiri. Diyaaradahan ayaa lagu soo waramayaa in ay duqeeyeen 41 diyaaradood oo ku sugnaa garoomo dhowr ah galabnimadii maanta, kuwaas oo ay ku jiraan diyaaradaha A-50, Tu-95 iyo Tu-22M, sida uu sarkaalku sheegay.

Moscow ayaa hore u adeegsatay Tupolev Tu-95 iyo Tu-22 gantaalaha riddada dheer si ay gantaalada ugu tuuraan Ukraine, halka A-50s loo isticmaalo isku xirka bartilmaameedyada iyo ogaanshaha difaaca hawada iyo gantaalada la hagayo.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay weerarradan, oo ka dhacay shan garoon diyaaradeed. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee FPV ayaa waxyeello u geystay diyaarado waxayna dab qabadsiiyeen saldhigyada ciidamada cirka ee gobolka Irkutsk, oo in ka badan 4,000 kiiloomitir (2,500 mayl) u jira Ukraine ayay tiri wasaarada.

Duqeymaha ayaa laga celiyay gobolka Amur ee Bariga Fog ee Ruushka iyo gobollada galbeedka ee Ivanovo iyo Ryazan, sida wasaaraddu tiri.

Weerarkan ayaa yimid isla maalinti uu Zelenskyy sheegay in Ukraine ay wafdi u diri doonto Istanbul si ay wareega cusub ee wadahadalada nabada tooska ah ula yeeshaan Ruushka maalinta Isniinta ah.

Hadal uu soo dhigay Telegram-ka ayuu Zelenskyy ku sheegay in Wasiirka Difaaca Rustem Umerov uu hogaamin doono wafdiga Ukraine. “Waxaan sameyneynaa wax walba si aan u ilaalino madax-banaanidayada, gobolkayaga iyo dadkeena,” ayuu yiri Zelenskyy.

Saraakiisha Ukraine ayaa hore ugu baaqay Kremlin-ka inay bixiyaan qoraal ballan-qaad ah oo qeexaya mowqifkooda ku aaddan joojinta dagaalka ka hor inta uusan kulanka dhicin. Moscow waxay sheegtay inay la wadaagi doonto qoraalkeeda inta lagu jiro wadahadalka.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo ku dhawaaqay shir wadatashi qaran oo loo dhan yahay

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Shir Wadatashi Qaran oo lagu qabanayo Muqdisho 15-ka Juun 2025.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in shirkani la isugu keeni doono madaxda dowladda federaalka, madaxda dowlad-goboleedyada, siyaasiyiin hore, xisbiyada siyaasadeed, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

Go’aanka ayaa yimid kaddib toddobaadyo uu wadatashi gaar gaar ah la lahaa madaxweynuhu qaar kamid ah madax hore, qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, xisbiyada siyaasadeed, iyo ururrada bulshada. Ujeeddada shirka ayaa ah sida madaxtooyadu sheegtay, in la isku raaco hannaan mideysan oo lagu wajahayo dhibaatooyinka horyaalla dalka, iyadoo la eegayo danta guud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in shirkan lagu gorfeyn doono arrimo ay ka mid yihiin amniga iyo ciribtirka argagixisada, geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo qabsoomidda doorashooyin xor ah, dhameystirka dastuurka, iyo dib-u-heshiisiinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta iyo hogaamiyeyaasha bulshada inay u diyaar garoobaan ka-qaybgalka shirkan, isla markaana ay muujiyaan doorkooda si buuxda, isagoo xusay in shirkan uu muhiim u yahay dhismaha dowladnimada Soomaaliya. Casuumaad rasmi ah ayay madaxtooyadu u dirtay dhammaan dhinacyada ay khusayso.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sidoo kale  magacaabay guddi farsamo oo uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macalin Maxamuud, kuwaaas oo ka shaqeyn doona qabanqaabada shirkan iyo kulamada hordhaca ah.

Si kasta ha ahaatee, shalay ayay ahayd markii Golaha Mucaaradku ay soo jeediyeen si degdeg ah loo qabto kulan qaran oo ay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad-goboleedyada, iyo siyaasiyiinta mucaaradka, si looga tashado badbaadinta dalka, loona mideeyo awoodda iyo abaabulka lagu wajaho kooxaha argagixisada.

Mucaaradku waxay soo jeediyeen baahida loo qabo in xal laga gaaro khilaafka ka dhashay wax ka beddelka qodobo kamid ah dastuurka, doorashooyinka aan heshiiska lagu ahayn, maamulka dhaqaalaha dalka iyo heshiisyada khayraadka dabiiciga ah.