Sabti 31, May 2025 {HMC}Soomaaliland oo War kasoo Saartay shaqaalo ka dhacday xabsiga Boorma.
{DAAWO MUUQAALKA} Xukun lagu riday kooxdii ka dambeeysay Dilka dhalinyaro Baraha bulshada Caan ka ah.
Sabti 31, May 2025 {HMC} Xukun lagu riday kooxdii ka dambeeysay Dilka dhalinyaro Baraha bulshada Caan ka ah.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Qabaailka iyo siyaasiyiinta Puntland ha iska daayeen Hubka iyo Tiknikada”Wasiir Caydiid.
Sabti 31, May 2025 {HMC} Qabaailka iyo siyaasiyiinta Puntland ha iska daayeen Hubka iyo Tiknikada”Wasiir Caydiid.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Faah Faahin Weerar khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Xabsiga dhexe ee Boorame.
Sabti 31, May 2025 {HMC} Faah Faahin Weerar khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Xabsiga dhexe ee Boorame.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Koox lagu eedeyay in ay AS u qaabilsaneyd Dilalka Qorsheysan iyo qaraxyada oo Xukun Lagu riday.
Sabti, May 31, 2025 {HMC} Xukunka Shabakad lagu eedeyay in ay argagixisada u qaabilsaneyd dhagaraha Dilalka iyo qaraxyada.
Eedeysaneyaasha kala ah Maxamed Nuur Cali, afgarashadiisuna tahay Cabdimajiid, Cabdullaahi Xuseen Maxamed iyo Deeqoow Aadan Barre Balse kooxda dhaxdeeda loogu yeero Cumar oo dhamaantood isku wada tabbabar ah, Ayaa Shabakadaan uga wakiil ahaa Dilalka qorsheysan ee Gaadmada ah.
Nissa oo ku duulaysa xogo sirdoon ayaa samaysay Howgallo Qorsheysan oo ka hortag ah seddex Goboodna ka kala dhacay, waxayna ku soo qabatay Eedeysaneyasha iyo Hub ka kooban Seddex Bastooladood iyo laba Bam F1 Sideed iyo Tobankii Bishii August 2024.
Cabdishakuur Cabdiqaadir Maxmed Webka, ayaa lagu eedeeyay in uu si gaara Shaqadiisu aheyd Qeybta Qaraxyada, waxaana galkiisa laamaha amniga ku jira in Qarax nooca Miinada Dhulka lagu aaso ah ka fuliyay laamiga dheer ee Degmadda Kaxda, qaraxaasi oo ay ku geeriyoodeen tiktokers muuqaalo ku duubaayey laamiga hareerihiisa, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka, ayaana qabatay isagga labadiisa Horjooge ee Yaasir iyo Guuleed oo uu u kala gudbinaya Subag.
Farxaan Aadan Xassan, ayaa Qoryoolay uu ku dhashay uga soo cararay dugsi Diidnimo, waxaana laga diiwaan geliyay Safka Khawaarijta, Gaar ahaan Qeybta Dilalka qorsheysan iyo Qaraxyada.
Xassan Cali Ciire Kuuloow, ayaa isna lagu eedeeyay in uu shaqo suga u ahaa shabakadaan, waxaana uu gacan galay kadib tilmaam laga helay eedeysane Farxaan oo ay isku shaqa ahayeen.
Baaris dheer ka dib xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday Mudeynta Kiiskaan, waana laga aqbalay.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukuntay.
• Maxamed Nuur Cali, Cabdulaahi Xuseen Maxamed iyo Deeqoow Aadan Barre ayey Maxkamadu ku xukuntay min Toban Sano oo Xabsi Argagixiso ah.
• Cabdishakuur Cabdiqaadir Maxmed Webka, ayaa lagu xukumay Siddeed sano oo Xabsi argagixiso ah.
• Farxaan Aadan Xassan ayaa isna lagu xukumay Shan sano oo Xabsi Argagaxiso ah.
• Haalka Xassan Cali Ciire kuuloow dib loo siiyay Xuriyadiisa maadaama ay Maxkamadda siisay Xuriyadiisa.
Sida uu warbaahinta u sheegay G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida.
Abaabul Ka Dhan ah AS oo ka Socdo Hirshabeele iyo Masuuliyiin……
Sabti 31, May 2025 {HMC} Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay abaabulka howlgallo ka dhan ah AS, si looga hortago dhaqdhaqaaqyada ay ka wadaan deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle, Cabdiraxmaan Daahir Guure ayaa sheegay in ay AS xoogga soo saareen gobolka Shabeellada Dhexe, ayna kaashanayaan
“AS waxaa ay ka soo tageen Jilib iyo Shabeellada Hoose, iyaga oo ka soo gudbay wabiga, qorshey wataan, waxaan ka hortaaganahay Wargaadhi, Caddaale iyo Raaga-ceelle ee gobolka Shabeellada Dhexe, waana laga diiday gobolka Hiiraan” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Guure.
Sidoo kale, wasiirka ayaa tilmaamay in ay xoojin doonaan howlgallada ka dhanka ah AS ee ka socda deegaannada gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
Maxaa Ka jiro in Ciidanka Puntland aay la wareegay deegaanka Tog Miiraale?
Sabti 31, May 2025 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saacado qaatay oo ka dhacay deegaanka Togga Miiraale ee gobolka Bari.
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidanka Puntland ay weerar ku qaadeen Saldhigyo ay Daacish kaga sugnaayeen deegaanka Togga Miiraale.
Afhayeenka ciidanka howlgalka ka wada dhulka Buuraleyda ayaa sheegay in ay dagaal kula wareegeen guud ahaan deegaanka Togga Miiraale oo ah mid muhiim ah.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay sugayaan Amniga deegaanka Togga Miiraale, ayna ka saarayaan miinada iyo waxyaabo qarxa oo ay uga tageen Daacish.
Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka Togga Miiraale oo maalmihii la soo dhaafay ay isku hor fadhiyeen ciidanka Puntland iyo Daacish.
Maamulka Gobolka Hiiraan oo eedeyn u Jediyay Hay,adda {NIRA}
Sabti 31, May 2025 {HMC} Maamulka Gobolka Hiiraan waxa uu si rasmi ah u Cambaareynayaa iskudayada sharci-darrada ah ee (𝗛𝗮𝘆’𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗮𝗾𝗼𝗼𝗻𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗗𝗶𝗶𝘄𝗮𝗮𝗻𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗾𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮 ) Ee aay ka waddo gudaha gobolka hiiraan Isku Dayadaan waxay halis weyn ku tahay xasilloonida Gobolka, wadajirka bulshada, iyo hay-kalka Doowladnimada.
Maamulka Gobolka Hiiraan waxuu si cad u muujinayaa in (NIRA) aay ku kacday tallaabooyin iskudayo ah ee aan laga tashan, oo aan waafaqsaneyn nidaamka maamul iyo sharciga u yaalla Heerarka dowladnimo ee Dalka.
Hadaba hayadda NIRA waxey isku deyeeysaa, Iska horkeenidda iyo kala qeeybinta bulshadda, sidoo kale hay’addu waxey ka shaqeyneysaa inay si aan Waafaqsaneyn nidaamka u fuliso howlo muhiim ah sida hergelinta xafiiska iyo xulashada Howl-wadeenada hay’adda ee Gobolka Hiiraan, iyadoo aan marnaba lagala tashan maamulka gobolka, si loo wafajiyo habraacyadii loo baahna .
Maamulka Gobolka Hiiraan waxa uu si cad uga Digayaa sii socoshada tilaaboyinkaas qar iska Tuurnimada ah, waxuuna cadeeynayaa in wixii cawaaqib xumo ah oo ka dhasha iskudayadaas aan u hiilineeyn sii socoshada hormarka iyo nidaamka wadashaqeyneed , ee masuuliyadeeda si cad u qaadeeyso madaxda Hay’ada iskudayadaas sharciga baal marsan.
Ugu dambeeyn Maamulka Gobolka Hiiraan waxuu ilaalinayaa mas’uuliyadda ka saaran bulshada ku nool gobolka Hiiraan, waxuuna soo Dhaweey-nayaa tilaab kasto oo si sharci ah loogu qaadayo dhanka hormarinta daadajinta dowladnimada.
Africom oo Soomaaliya u soo jeedisay in ay la wareegto masuuliyadda amniga Dalkooda.
Sabti, May 31, 2025 {HMC} Taliyaha Taliska ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jen. Michael Langley, ayaa ku booriyay dalalka Afrika oo ay Soomaali kamid tahay inay la wareegaan doorka sugidda amnigooda, xilli Mareykanku uu dhimayo deeqaha uu horay u bixin jiray si loo xasiliyo gobolka.
“Waxyaabo aan horey u qaban jirnay, waxaa dhici karta inaan hadda ka dib qaban doonin,” ayuu yiri Langley Khamiistii, isagoo la hadlayay warfidiyeenka banaanka shirkii Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca Afrika ee Nairobi.
“Waxaan idinka codsaneynaa inaad tallaabo qaaddaan oo aad mas’uuliyadda nala wadaagtaan.”
Langley wuxuu sheegay in kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab ay isku dayayaan inay ka faa’iideystaan farqiga ka dhashay deeqaha la joojiyay, isagoo sheegay in Alshabaab ay dhisayaan maamulo hoosaadyo meelaha ka baxsan gacanta dowladda Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in Mareykanku sii wadi doono taageerada sirdoonka iyo dhoolatuska ciidan ee la wadaago, balse taageerada guud ay noqon doonto mid ku saleysan danaha wadajirka ah iyo hoggaan maxalli ah oo ka jawaabi kara caqabadaha gudaha.
Dhanka kale, Shiinaha ayaa kordhinaya saameyntiisa qaaradda, wuxuuna sare u qaaday taageerada uu siiyo dalalka Afrika, oo ay ku jiraan tababarrada ciidamada iyo maalgelin ballaaran oo dhanka amniga ah.
Kuraas ka Banaaneyd Golaha Shacabka oo Jowhar lagu doortay.
Guddiga Doorashada ayaa maanta waxa ay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ay ku qabteen doorashada laba kuraas oo ka banaaneyd Golaha shacabka ayna ka geeriyoodeen Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Seeseey oo labudaba Geeriyooday sanadkii 2023.
Guddiga waxa ay shaaca ka qaadeen in Wiil uu dhalay Xildhibaan hore Seeysey iyo mid la dhashay Khadiija Diiriye ayaa buuxiyey Kuraastii ay ka geeriyoodeen Marxuumad Khadiija Max’ed Diiriye iyo Maxmuud Max’ed (Seesey) kadib markii Guddoonka Golaha shacabka uu codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo buuxiyo
War qoraal ah oo kasoo baxay Guddiga Doorashada ayaa waxaa shaaca looga qaaday in Maanta oo ay taariikhdu tahay 31’da bisha May 2025 ay xarunta baarlamaanka Hirshabeelle ka dhacday doorashada dib u buuxinta kuraasta ka bannaanaatay baarlamaanka 11aad ee Federaalka Soomaaliya ee kala ah Hop097 iyo Hop098.
Doorashada maanta dhacday ayaa waxaa ka soo qeybgaley xubno labada gole ee dowladda ee Hirshabeelle, bulshada rayidka iyo nabaddoonka beesha leh kuraasta bannaanaatay Nabadoon Axmed Maxamuud Cosoble.
Ergada doorashada ee kursaasta Hop097 iyo Hop098 waxaa soo xaadirtay 101 ergo, waxaana Doorashada ay ud hacday hab xasiloon waxaana ku guuleystay musharraxiinta kala ah :
1- Hop097 – Cabdikarin Maxamed Diriye oo helay 78 Cod.
2- Hop098 – Cabdulqadir Maxamud Maxamed oo helay 90 Cod.
Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa Bishii December 2023 ku geeriyootay dalka Jabuuti waxaana ka horeeyay Xildhibaan Seeseey oo isla sanadkaas Bishii March geeriyooday ilaa xilligaasi waxa ay kuraastii ay uga fadhiyeen Golaha shacabka uu ahaa kuwa banaan balse Guddoonka Golaha Shacabka uu dhowaan sheegay in loo baahan yahay in si deg deg looso buuxiyo.



