Jimco 23, May 20225 {HMC} Dowladda Soomaliya maxaa ugu qorsheeysan ciidamada macawiisleeyda.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Jimco 23, May 20225 {HMC} Dowladda Soomaliya maxaa ugu qorsheeysan ciidamada macawiisleeyda.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Jimco 23, May 2025 {HMC} In ka badan 90 gaari xamuul ah oo gargaar bini’aadantinimo wadda ayaa ku sugan Marinka Qasa, ayadoo halkaas ay ku sugan yihiin kooxo Qaramada Midoobay ka socda, saddex maalmood kadib markii Israa’iil ay fududeysay xayiraad socotay 11 toddobaad.
Gargaarka oo ka kooban bur, cuntada carruurta iyo qalab caafimaad ayaa laga soo qaaday isgoyska Kerem Shalom habeenkii Arbacada, waxaana loo gudbiyay bakhaarro loogu talagalay in dadka loogu qaybiyo.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dib u dhaca ku yimid gargaarka ay sabab u tahay amni la’aanta ka jirta waddada kaliya ee ay Israa’iil ogolaatay in la marsiiyo gawaarida gargaarka sidda.
Mas’uuliyiinta Israa’iil waxay sheegeen inay ogolaadeen 100 gaari oo oo dheeri ah oo xamuul ah inay ka gudbaan isgoyska Kerem Shalom Arbacadii.
Si kastaba ha ahaatee, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in gargaarkaan aanu wax badan ka badeleyn baahida aadka u baaxadda weyn ee ka jirta Qasa.
Jimco 23, May 2025 {HMC} NinkA looga shakisan yahay dilka laba shaqaale ah oo ka tirsanaa safaaradda Israa’iil ee Washington DC ayaa Arbacadii lagu soo oogay dacwad ah dil heerkiisu yahay darajada koowaad. Sarah Lynn Milgrim iyo Yaron Lischinsky ayaa la toogtay iyaga oo ka baxayay Matxaf Israa’’iiliyiintu leeyihiin oo ku yaalla caasimadda Mareykanka ee Washington DC.
Elias Rodriguez, oo 31 jir ah, ayaa lagu qabtay goobta falku ka dhacay. Booliiska ayaa sheegay in uu ku qayliyay “Xoreeya Falastiin” ka hor inta aan la xirin.
Xeer-ilaalintu waxay sheegeen in ay baarayaan weerarka iyagoo u arka fal nacayb iyo argagixisanimo ah, isla markaana la filayo in dacwado dheeri ah lagu soo oogo.
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Muse Osman
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Khamiis 22-May-2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Madaxweynaha uu ku eegayo xaaladda guud ee hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa la xiriira amniga iyo difaaca dalka.
Madaxweynaha ayaa inta ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, hoggaanka sare ee Ciidanka Qaranka, Lataliyaha Amniga Qaranka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa warbixin ku saabsan xaaladda amniga iyo qorshayaasha horumarinta ciidanka ka dhageystay madaxda wasaaradda, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay dib-u-habeynta iyo tayeynta ciidamada Qaranka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaagaadiyey geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee furimaha dagaalka ku jabiyey argagixisada ayaa adkeeyay in la dardar-geliyo dib-u-dhiska Ciidanka, waxa uuna xusay in xasilloonida iyo amniga dalka ay dowladdu dadaal badan gelisay.
DHAMMAAD
Khamiis 22, May 20225 {HMC} AS Iyaga Anaga midkeen Ayaa Aduunka ku haraya”Gudoomiyaha Degmadda Moqokori”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Khamiis 22-May-2025 {HMC} Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ay wehliyaan Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha dowladda Hirshabelle Cabdiraxmaan Daahir Guure Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye iyo Xildhibaanno heer Fedaraal ah oo kala ah Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraalle iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey ayaa degmada Moqokori kulan looga tashaday dardar gelinta dagaalka AS kula yeeshay Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa dib-u-xoreynta ee Ee Macawiisleyda.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Odayaasha dhaqanka guddoomiyaha degmada Maxaas Ciise Maxamuud Cabdi waxaana diiradda lagu saaray dar-dargelinta howlgalka ka dhanka ah AS.
Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa warbixin ka dhageestay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waxuuna ku amaanay sida aay ugu heelanyihiin difaaca dalka iyo dadka.
Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ka go’an tahay in aay dhameestirto howlgalka Ciribtirka AS ee Hirshabelle iyo guud ahaan Soomaaliya ka socda.
Thursday 22, May 2025 {HMC} The Director of Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA), Abdullahi Mohamed Ali Sanbaloolshe, is holding high-level meetings with elders and community leaders in Moqokori district as the federal government intensifies its military operations against al-Shabaab in the Hiiraan region.
Now in his fourth day in the district, Sanbaloolshe urged traditional elders to step up their support for the ongoing offensive, particularly in areas where fierce fighting has erupted between Macawisley militia and al-Shabaab fighters in recent days.
“The fight against al-Shabaab must be redoubled,” Sanbaloolshe told the elders, praising their pivotal role in mobilizing community-backed resistance against the group. He assured them of the full backing of the federal government, including intelligence and logistical support.
The traditional elders appreciated NISA’s leadership and reaffirmed their commitment to the national effort to defeat the militant group.
These meetings come amid one of the largest coordinated offensives against al-Shabaab in months. In the past 72 hours, Somali National Army forces, alongside clan fighters and international allies, have killed more than 120 al-Shabaab militants, including senior figures, in Hiiraan, Galmudug, Hirshabelle, Jubbaland, and Southwest states.
Minister of Defense Ahmed Macalin Fiqi described the operations as a “new phase” in Somalia’s campaign to eliminate the al-Qaeda-linked terrorist group, which has waged a deadly insurgency against the Somali state for over 16 years.
The presence of the NISA chief on the frontlines underscores the Somali government’s focus on community-driven counterterrorism as it seeks to consolidate recent military gains and push al-Shabaab out of rural strongholds.
Source Hiiraan online
Thursday 22, May 2025 {HMC} His Excellency Hamza Abdi Barre, the Prime Minister of the Federal Republic of Somalia, today hosted His Excellency Ahmed Bin Mohamed Al-Mawlid, the Ambassador of the Kingdom of Saudi Arabia to Somalia, at his office in Mogadishu.
The high-level meeting focused on fortifying the already robust cooperative relations between the two brotherly nations. Discussions encompassed various facets of their bilateral partnership, aiming to deepen mutual understanding and collaboration.
Prime Minister Barre extended his sincere gratitude to the Kingdom of Saudi Arabia for its support and continuous assistance to both the Somali government and its people. He specifically highlighted Saudi Arabia’s crucial contributions in humanitarian aid, security, investment, and the development of Somalia’s economic infrastructure.
Ambassador Ahmed Al-Mawlid, in turn, reaffirmed Saudi Arabia’s commitment to playing a significant role in Somalia’s progress. He emphasized the Kingdom’s dedication to assisting in the development of vital infrastructure and supporting efforts to eliminate Khawarij groups from the country, thereby enabling the Somali people to achieve substantial and lasting progress.\
Source SONNA