Home Blog Page 877

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Cali guudlaawe oo gaaray farumaha dagaalka

0

Talaado 20 , May 20225 {HMC} Madaxweyne Cali guudlaawe oo gaaray farumaha dagaalka

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn 

{DAAWO MUQAALKA} Beesha Jajeele oo gurmad raashiin iyo ciidan ah gaarsiisay farumaha dagaalka

0

Talaado 20 , May 20225 {HMC} Beesha Jajeele oo gurmad raashiin iyo ciidan ah gaarsiisay farumaha dagaalka

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Cali guudlaawe oo gaaray farumaha dagaalka

0

isniin 19 , May 20225 {HMC}  Madaxweyne Cali guudlaawe oo gaaray farumaha dagaalka

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

Dowlaha hindiya iyo pakistan oo ku heshiiyay in ciidamada dib loogu celiyo goobihii ay joogeen ka hor dagaalka

Talaado 20, May 2025 {HMC}-  Dowladaha Pakistan iyo India ayaa isla ogolaaday in ciidamada dheeraadka ah ee xadka geeyay xilligii dagaalka dib loogu celiyo goobohoodi nabadeed kahor dhammaadka bisha May, sida uu wakaaladda wararka AFP u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Pakistan.

In ka badan 70 qof ayaa ku dhintay dagaalka socday afar maalmood, kaas oo ka dhashay weerar lagu qaaday dalxiisayaal ku sugnaa Kashmirta ay maamusho Hindiya bishii la soo dhaafay. Weerarkaas ayaa New Delhi ku eedaysay Islamabad inay gadaal ka riixaysay, eedeyntaas oo ay Pakistan beenisay.

Dagaalka milatari ee dhacay ayaa waxaa ku lug lahaa weerarro is-daba joog ah oo ay ciidamada labada dhinac isdhaafsanayeen iyadoo la adeegsanayay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, gantaallo iyo madaafiic culculus.

“Ciidamada waxaa dib loogu celin doonaa meelahoodii ay joogeen ka hor dagaalka dhammaadka bisha May,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP sarkaal sare oo ka tirsan Pakistan ka tirsan, isagoo codsaday in aan magaciisa la shaacin maadaama uusan uu fasax u haysan in uu saxaafadda la hadlo.

Sarkaalka ayaa sheegay in labada dal ay ku heshiiyeen in si tartiib-tartiib ah loo kala qaado ciidamadii dheeraadka ahaa iyo hubkii la geeyay, kuwaas oo intooda badan la geeyay xuduudda aadka u hubeysan ee Kashmir, oo loo yaqaan Khadka Xakamaynta (Line of Control – LoC).

Arrintan ayaa timid kadib markii ciidamada India toddobaadkii hore sheegeen in labada dhinac ay isla ogolaadeen in si degdeg ah loo qaado tallaabooyin lagu dhimayo tirada ciidamada ku sugan xuduudaha iyo goobaha hore ee dagaalka.

Kashmir ayaa ah dhul ay si buuxda u sheegtaan labada dal ee India iyo Pakistan — kuwaas oo dhowr jeer dagaal ku dhex maray gobolkaasi tan iyo markii ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska sanadkii 1947.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 20/5/2025

0

Talaado 20 , May 20225 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

{DAAWO MUQAALKA} Beesha Leylkase Maxamed oo gurmad dagaal ugu wajahan Hiiraan

0

Talaado 20, May 2025 {HMC}  Beesha Leylkase Maxamed oo gurmad dagaal ugu wajahan Hiiraan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Maamulka Puntland oo sheegay inay dileen xubin sare oo ka tirsanaa ururka D~C

Talaado 20, May 2025 {HMC}- Puntland ayaa sheegtay inay dishay horjooge sare oo ka tirsanaa ururka Daacish, kaas oo lagu magacaabi jiray Axmed Muuse Siciid. Horjoogahan, ayaa sida ay sheegtay Puntland, u qaabilsanaa ururka Daacish xiriirka iyo isku xirka arrimaha dibadda.

Wasiir u-dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Maxamed Nuur, ayaa wareysi uu siiyay BBC Somali ku xaqiijiyay dilka horjoogahan. Wasiirku wuxuu sheegay in Axmed Muuse Siciid sidoo kale uu Daacish u qaabilsanaa qorista xubnaha kooxda ee laga dhex xulanayo qabaa’ilada Puntland.

Cabdifitaax wuxuu tilmaamay in howlgalka lagu dilay horjoogahan uu ka dhacay degaanka Togga Miiraale, isagoo sheegay in ninkan muddo dheer ay hay’adaha amniga Puntland iyo kuwa caalamka raadinayeen, maaddaama uu lahaa masuuliyad muhiim ah oo khatar ku ahayd nabadgelyada gobolka.

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay dilka Axmed Muuse Siciid inuu yahay dhabar-jab weyn oo soo gaaray Daacish, wuxuuna xusay in kooxda aysan si sahlan uga soo kaban doonin luminta horjoogahan.

Waa horjoogihii ugu sarreeyay ee Daacish ah ee la dilo tan iyo markii Puntland ay billowday hawlgalka ka dhanka ah Daacish bishii Diseembar 2024.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {20-05-2025}

Talaado 20-May-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Sahro Gabre iyo Mustaf Cali Cadoow

Farsamadii ::Mohamed Hassan Owsei

{DAAWO MUQAALKA} “Kuwa nabadiid ayaa hoobiyaal kasoo tuura meelaha qaar” wasiir Fartaag

0

Talaado 20, May 2025 {HMC} “Kuwa nabadiid ayaa hoobiyaal kasoo tuura meelaha qaar” wasiir Fartaag

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Shir looga hadlayo ammaanka Afrika oo ka furmay Ruwanda

Talaado 20, May 2025 {HMC} Shirkii ugu horreeyay ee Caalami ah ee Ammaanka Qaaradda Afrika (ISCA) ayaa maalinimadii Isniinta si rasmi ah uga furmay magaalada Kigali ee dalka Rwanda, iyadoo Madaxweynaha dalkaas, Paul Kagame, uu shirkan ku tilmaamay mid soo dhaweeynaya caqabadaha ammaanka ee qaaradda.

Kagame oo ka hadlay furitaanka shirka, ayaa sheegay in mustaqbalka Afrika “aan lagu aamini karin dad kale” isla markaana ay muhim tahay in qaaraddu ay mas’uuliyad iska saarto nabadda iyo xasiloonideeda.

Madaxwayne Paul Kagame ayaa intaas ku daray in ammaanka Afrika muddo dheer loo arkayay “culays ay tahay in ay maareeyaan dad kale,” iyada oo aan la helin wax talo ah oo gobolka ku biiriyay ama faham dhab ah oo ku saabsan duruufaha gudaha Qaaradda.“

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale ku booriyey dowladaha Afrika in ay noqdaan kuwo lagu kalsoonaan karo oo karti leh marka ay timaaddo wax ka qabashada arrimaha ammaanka, isagoo uga digay in haddii masuuliyaddaas la dayaco “ay dad kale faragelinayaan, taasoo keenta in lagu waayo sumcad iyo gacan-ku-haynta arrimaha Qaaradda.”

Kagame wuxuu ku baaqay in la xoojiyo hay’adaha gobolka, oo ay ku jiraan Midowga Afrika iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, si ay hoggaan ugu noqdaan maaraynta mudnaanta wadajirka ah ee ammaanka qaaradda.