Home Blog Page 880

Hoobiyeyaal saaka lagu garaacay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle.

Talaado 20, May 2025 {HMC} Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa saaka waaberigi lagu weeraray xarunta taliska ciidamada AUSSOM ee Xalane iyo nawaaxiga garoonka dayuuradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ku sugan nawaaxiga garoonka Aadan cadde ayaa sheegaya inay maqleen jugta illaa afar qarax oo ka dhashay madaafiic lagu soo tuuray xarunta Xalane saaka aroornimadii wax yar ka dib salaadii subax.

AS ayaa daqiiqado ka dib duqeynta waxay baahisay inay ka dambeeyeen madaafiicda lagu weeraray Xalane.

Marka laga yimaado sheegashada AS ma jiraan warar madax banaan oo ka hadlaya weerarkan iyo khasaaraha ka dhashay, sidoo kale lama hayo illlaa hadda war la xiriira falkan oo ka soo baxay taliska AUSSOM iyo laamaha amaanka DF.

Xarunta Xalane oo ah meel amaankeeda si weyn loo ilaaliyo ayaa waxaa ku yaalla taliska ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika, waxaana sidoo kale degan Safaaradaha reer galbeedka, heyadaha samafalka iyo kuwa UN-ka qaarkood, shirkado ajnabi ah iyo heyaddo kale, mana ahan markii ugu horeysay ee AS ay madaafiic ku weerarto Xalane.

Wada hadallo Saacado badan qaatay oo ay yeesheen Putin iyo Trump.

Talaado 20, May 2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Ruushka iyo Ukraine ay ogolaadeen dib u billaabida Wada hadallada lagu xallinayo dagaalka socday afarta sano.

Hadalka Trump ayaa yimid kadib markii in ka badan laba saacadood uu khadka Taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

Dhinaca kale, Madaxweyne Putin ayaa sheegay in dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka ay u muuqdaan kuwo ku socda waddadii saxda ahayd, islamarkaana dowladda Ruushka ay diyaar u tahay in la dhammeeyo colaada.

Wadahadalladan ayaa la filayaa in ay si rasmi ah u billowdaan maalmaha soo socda, iyadoo beesha caalamka ay dhinacyada ku cadaadineyso in lagu joojiyo dagaalka oo sababay khasaaro naf iyo maalba leh.

Wada hadallo horudhac ah ayaa ka maalmo ka hor ka dhacay dalka Turkiga, iyada oo la qorsheynayo in ay sii socdaan.

Dalalka Britain, France iyo Canada oo sheegay iney “falal xadgudub ah” ah Israel ka waddo Gaza,

Talaado 20, May 2025 {HMC}– Hoggaamiyeyaasha Britain, France
iyo Canada ayaa Isniintii si adag u cambaareeyay waxa ay ku
tilmaameen “falal xadgudub ah” oo Israel ka waddo Marinka Gaza,
iyaga oo uga digay inay qaadi doonaan tallaabooyin mideysan haddii
Israel aysan joojin weerarka milatari ee sii kordhaya iyo xayiraadda
saaran gargaarka bani’aadannimo.

Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer, Madaxweynaha Faransiiska
Emmanuel Macron iyo Ra’iisul Wasaaraha Canada Mark Carney ayaa
si gaar ah u cambaareeyay diidmada Israel ee gargaarka iyo hadallo

Inkasta oo aysan caddeyn nooca tallaabooyinka la qaadi doono,
waxay intaas ku dareen: “Waxaan naga go’an in aan aqoonsanno
dawlad Falastiini ah oo qeyb ka ah xalka laba-dowladood ah,
waxaana diyaar u nahay in aan kala shaqeyno waddamada kale sidii
loo xaqiijin lahaa arrintaas.”

Bayaankan ayaa ku beegmay baaq kale oo ay si wadajir ah u soo
saareen 22 dal—oo ay ku jiraan Britain, France iyo Canada—kaas oo
Israel looga codsaday in ay si degdeg ah u fasaxdo “gargaarka buuxa
ee Gaza,” iyada oo la xusay in shacabka ku nool Marinka Gaza ay
wajahayaan “macaluul baahsan.”

Israel ayaa Gaza ku haysay go’doon gargaar tan iyo 2-dii Maarso,
balse Isniintii waxay sheegtay in ay oggolaan doonto tiro kooban oo
gaadiid gargaar ah in ay gudaha galaan.

Dhacdooyinkii ugu Dambeeyay ee Caalamka 19 05 2025

0

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 19-5-2025.

0

isniin 19, May  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

Israel oo duulaan cusub oo cir & dhul ah ka bilowday Gaza.

Isniin 19, May 2025 {HMC} Israa’iil, waxay ka wadaa marinka Qasa, duullaan, dhul iyo cir ah oo uu Netanyahu ku sheegay inuu yahay mid ay ku doonayaan inay kula wareegaan marinka Qasa.

Ciidanka israa’iil iyagoo isku ekeysiinaya dumarka Qasa waxay gudaha u galeen xaafadaha dadka rayidka ay ku nool yihiin.

In ka badan 100 goobood oo ka tirsan Khan Yunis ee koonfurta Qasa, ayaa la duqeeyay.

Muuqaallada waxaa laga arkay qaraxyada culus ee ka dhacaya gudaha Qasa oo ay ku xigto dhawaqa ka soo baxaya dadka duqeymaha waxyeelada ka soo gaartay.

Dadka Qasa, waxay ku sheegeen maanta ay la mid tahay “Maalinta qiyaamaha”.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa muuqaal cusub oo uu soo dhigay bartiisa Telegram ku sheegay in Israa’iil ay la wareegi doonto guud ahaan Qasa, isla markaana ay ka hortagayso Xamaas inay bililiqeysato gargaarka la geynayo dhulkaas.

Hadalkaan ayaa yimid kadib markii dawladda Israa’iil ay sheegtay inay u oggolaan doonto cuntada aasaasiga ah” in la geeyo Qasa ka dib go’doomin 11 toddobaad ah.

Koox matalaysa qoysaska dadka afduubka loogu haysty Qasa ayaa ka digaya duulaanka milatari ee Israa’iil, oo “khatar aad u daran” u gaysan kara la haystayaasha.

Warbixin ay soosaareen ayay ku sheegeen in balaarinta dagaalku ay si aad ah u kordhisay halista waxyeellada la haystayaasha soo gaari karta.

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka , JD Vance ayaa baajiyay socdaal uu berri ku tagi lahaa Israa’iil, sabab la xiriirta ballaarinka howlgallada Israa’iil ay ka wado marinka Qasa, isagoo ka fogaanaya in booqashada ay u muuqato inuu Mareykanka taageerrayo ballaarinta howlgallada Isrel xilli Mareykanka uu iskudayayo in la joojiyo dagaalka Qasa, sida ay ku warrantay shabakadda Axios.

Maamulka Trump, ayaa muddooyinkii u dambeeyay muujinayay isbeddelada mowqifkooda xiriirka Netanyahu, balse isla Mareykanka waa cidda bixinaysa bambooyinka ay Israa’iil ku garaacdo Qasa

Dad ka badan 136 qof ayaa ku geeriyooday duqeymaha iyo weerarrada dhulka ah ee tan iyo saakay ay Israa’iil ka wado marinka Qasa, in ka badan 364 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay werisay Al Jazeera.

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo Isbitaalka ku booqday Dhaawacyada geesiyaasha Macawisleyda

Isniin 19, May 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday Isbitaalka Demartino si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee geesiyaasha Macawisleyda ee ku soo dhaawacmay jiidda hore ee dagaalka lagula jiro Kahwaarijta.

Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada halyeeyadan, isagoo carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siineyso daryeelkooda caafimaad, kana go’an tahay inay bixiso dhammaan taageerada ay u baahan yihiin.
“Waxaad tihiin difaaca dadka, diinta, dalka iyo dowladnimada. Taariikhda ayaad baal dahab ah ka gasheen. Dowladda Soomaaliyeed mar walba way idin garab taagan tahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Intaa kadib, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka Demartino, isagoo warbixin ka dhageystay maamulka isbitaalka oo soo bandhigay adeegyada dadwayne ee uu Isbitaalku hadda bixiyo, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha horumarineed ee u degsan mustaqbalka.

Madaxwaynaha waxaa kormeerkiisa ku wehliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Madaxwayne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar.

 

 

DHAMMAAD

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {19-05-2025}

Isniin 19, May 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGAYSO WARKA HABEENIMO

Hirshabelle Waging a United War Against AS.

Monday 19, May 2025 {HMC} Hirshabelle State´s President, Mr. Ali Abdullahi Hussein (Ali Guudlawe) inspected all of the openings of where the local rights struggle and armed forces are in action.

The many officers of the forces he commands engaged in private discussions with the President and informed him of the technical and structural information of their new operation to counter terrorism.

The areas inspected by the President of Hirshabelle included the area of Wargadhi, which is in the area where the Khawarij force are being weakened, and which he expressed encouragement of and support for the struggle of the troops and officers there.

In the coming weeks, the united front will conclude the operation to eradicate the Khawarij that began in the blessed month of Ramadan.

“The struggle of the people of Hirshabelle in Hiran and Middle Shabelle and the armed forces has set a new record in Somalia and there is no similar force in the history of the Khawarij in war. Hirshabelle will overcome this difficult time and will leave a history of salvation for all Somalis.”

In conclusion, the President of the Hirshabelle State expressed his condolences to the people of Hirshabelle, the heroes who sacrificed their lives and those who were injured in the just war, and called for goodwill and unity in the fight to eliminate terrorism from the country.

 

{DAAWO SAWIRADA} Hirshabelle oo Qaadeyso Guluf Mideysan oo Ka dhan ah AS.

Isniin 19, May 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kormeeray dhammaan furimaha ay ku sugan yihiin xaq-u-dirirka deegaanka iyo ciidamada qalabka-sida.

Saraakiisha kala duwan ee ciidamada hoggaamineyso ayuu kulamo gaar gaar ah uu la qaatay Madaxweynaha waxana ay la wadaageen farsamo ahaan iyo qaabka uu noqonayo howlgalka cusub ee lagu wajahayo aragagixisada.

Goobaha uu booqday Madaxweynaha Hirshabeelle waxaa ka mid ah deegaanka War-gaadhi oo qeyb ka ah meelaha lagu wiiqay cududda Khawaarijta, waxana uu guubaabiyey halganka saraakiisha iyo ciidamadii goobta joogay.

Toddobaadyada soo socda guluf-ka mideysan ayaa soo af-jari doono howlgalka dabar-goynta Khawaarijta ee soo biloowday bishii barakeysneyd ee Ramadaan.

“Xaq-u-dirirka shacabka Hirshabeelle ee ku kala sugan Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe iyo ciidamada Qalabka Sida, waxay muujiyeen diiwaan ku cusub Soomaaliya mana jirto awood tan la mid ah oo taariikhda Khawaarijta ku qabsatay dagaalka. Hirshabeelle waa ay ka gudbi doontaa waqtigan adag waxana ay reebi doontaa taariikh badbaado u ah Soomaalida oo dhan.”

Gunaanudkii, Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa kaga tacsiyeeyay shacabka Hirshabeelle, geesiyaasha nafta-u-huray iyo kuwa ku dhawaacmay dagaalka xaqa ah, waxana uu ugu baaqay in niyad-wanaag iyo wadajir lagu wajaho dagaalka argagixisada looga saarayo dalka.


DHAMMAAD