isniin 16 Feb 2026 {HMC} Turkiga oo iskaashi la sameeynayo Dal kale si loo qodo shidaalka Soomaaliya
isniin 16 Feb 2026 {HMC} Turkiga oo iskaashi la sameeynayo Dal kale si loo qodo shidaalka Soomaaliya
isniin 16 Feb 2026 {HMC} Rag weeraro iyo Qaraxyo horay ugu Geeystay Muqdisho oo la tooktay.
isniin 16 Feb 2026 {HMC} Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa Gobolka Minnesota ka saaray 1,000 askari oo katirsan waaxda socdaalka iyo la dagaalanka Soogalootiga ee ICE kuwaas oo rabshado iyo xiisad ka abuuray Gobolkaas muddadii ay joogeen.
Ciidankaan ayaa intii ay ku howlanayaan fulinta amarka Maamulka Madaxweyne Donald Trump waxa ay gaysteen dambiyo kala duwan sida ay dileen Dad rayid ah, kuwo kale ay xireen sidoo kalena ay sabab u noqdeen hoos u dhac ku yimid Ganacsiga Gobolkaas.
Doodda bixitaankooda ayaa gaartay heer Madaxweyneyaal hore ay ka qaylo dhaamiyaan, inkasta oo Donald Trump uu ka dhega-furaystay baaqyadaas haddana ugu danbayn wuu ka saaray Gobolka Minnesota waana tan la hadal hayo saacadihii lasoo dhaafay.
Xoghayaha Amniga Gudha Maraykanka, Tom Homan ayaa sheegay in Ciidan yar oo aan tiradiisa la shaacin ay ku hareen Gobolka Minnesota iyaga oo muddo aan la iclaamin sii joogi doonna balse ciidamadii badnaa iyo kuwii gurmadka ugu tagay ayaa isaga baxay Gobolkaas.
Howlgalka ICE ee Minnesota waxa uu billowday 1dii December sanadkii tagay ee 2025, waxaa la sheegay in ay ciidamadu xireen tan iyo xiligaas dad gaaraya 4,000 oo Soomaali ay ku jirto kuwaas oo xabsiyada ku jira sida xoguhu tilmaamayaan.
Isniin 16 Feb 2026 {HMC} Jubaland iyo Puntland oo Sharuud adag ku xeray MW Xasan sheekh
isniin 16 Feb 2026 {HMC} Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil ah u fulisay Xasan Cali Iftiin Buule (Gacmey) Iyo Xasan Cali Ibraahim Maxamed Axmed (Baari, Biibaaye, Sacad) oo loo haystay Dilal & Qaraxyo ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Labadaan Xasan Cali ee saaka la toogtay waxaa horay loo horgeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyada oo dhagaysatay Eedaha ka dhanka ah ee xafiiska Xeer ilaalintu usoo jeedisay, Difaaca Qareennadooda waxaana ugu dambayn ku dhucay xukunkaas lagu fuliyay.
Maxkamadda Ciidamada ayaa maalmihii lasoo dhaafay fulisay xukunno dilal toogasho ah, waxaa weli xiran Dad isugu jira xubno ku eedeysan in ay katirsan yihiin AS iyo Ciidamo Dowladda ah oo horay dad u dilay.
isniin 16 Feb 2026 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa uu usoo dirayo Soomaaliya ay rajo wanaagsan ka qabaan inay qayb weyn ka qaataan isbaddelka Amniga Dalka sida uu hadalka u dhigay.
Waraysi uu bixiyay waxa uu ku sheegay in ka sokoow in ciidamada Masar ay qayb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM in ay haddana ka go’an tahay inay door muuqda ka qaataan sidii ay qayb uga noqon lahaayeen adkaynta amniga Soomaaliya.
Wasiirka oo sii hadlay ayaa sheegay in Masar ay Aqoon buuxda u leedahay howlgallada Nabad ilaalinta sidaas awgeed ay ciidankooda fahamsan yihiin waxyaabaha waajibka ku ah marka loo dil dalalka u baahan in Dowladdooda la gacan qabto.
“Masar waxa ay diyaarisay Ciidamadii ay u diri lahayd Soomaaliya, ujeedkeenna waa in aan wax kusoo kordhinaa howlgallada nabad ilaalinta, waxaa naga go’an in aan xoogga saarno adkaynta ammaanka oo aan la shaqayno Ciidamada Soomaalida ah iyo kuwa kale ee Afrika” Sidaasi waxaa yiri, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.
Waxa uu markale adkeeyay in Mowqifka Jamhuuriyadda Carbeed Masar ee Soomaaliya uu yahay in aan la kala qaybin oo mid ay tahay Soomaaliya, isaga oo cambaareeyay faragelinta Israa’iil iyo sharci darrada ay kula dhaqaaqday Soomaaliya.
“Mowqifka Masar waa mid marweliba cad, Soomaaliya waa mid mana jirto sabab loo kala qaybin karo, Faragelinta Israa’iil ay ku samaysay waa mid sharciga dhinac marsan, waxaan garab taaganahay Dowladda iyo Shacabka aan walaalaha nahay ee Soomaaliya” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty.
Masar ayaa ku biirtay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ka socda, waxa ay dhowaan soo bandhigtay ciidamo wata Gaadiid ka duwan kuwa ay wataan Askarta AUSSOM isla markaana dhoollatus ku hor sameeyay Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Masar.
isniin 16 Feb 2026 {HMC} Raysal wasaaraha Israa’iil ayaa dalbaday in meesha laga saaro dhamaan uranium-ka la kobciyay ee Iran iyada oo qayb ka ah heshiis kasta oo laga gaaro barnaamijka nukliyeerka Texran.
Benjamin Netanyahu ayaa hadalkaan jeediyay, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda Iran uu u safray Switzerland, si uu uga qayb galo wareeggii ugu dambeeyay ee wadahadallada aan tooska ahayn ee lala yeelanayo Mareykanka.
Wadahadallada Talaadada dhacaya ayaa waxaa ka qeyb gali doona ergeyga gaarka ah ee Mareykanka, Steve Witkoff iyo wiilka uu sodogga u yahay madaxweyne Trump, Jared Kushner.
Horaantii, ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay, in dowladdiisu ay u furan tahay tanaasul haddii cunaqabateynta la qaado, balse aysan ka hadli doonin barnaamijkeeda gantaalaha ballistic-ga – dalab kale oo muhiim ah oo Israa’iil ay waddo.
Netanyahu waxa uu sheegay in uu ka walwalsan yahay heshiiska Mareykanka iyo Iraan ee hubka nukliyeerka, laakiin waa in uu ku jiraa in laga saaro uranium-ka la kobciyay ee Iiraan ayuu yiri.
isniin 16 Feb 2026 {HMC} Ciidamada Mareykanka ayaa qabtay markab shidaal oo la yiraahdo Veronica III, kaas oo ku safrayay calanka Panama oo xili uu marayay Badweynta Hindiya.
Ciidamadan ayaa ku daba jiray markabka marayay Badda Caribbean-ka.
Mareykanka ayaa ku eedeeyay markabka inuu jebiyay cunaqabataynta saaran shixnadaha saliidda ee ka imanaya Venezuela.
Kani wuxuu ahaa faragelintii labaad ee Mareykanku ku sameeyo Badweynta Hindiya usbuucii la soo dhaafay.
Mareykanka ayaa dhawaan kordhiyay cadaadiska saaran Venezuela ee ku aaddan cunaqabataynta saaran dhoofinta shidaalka.
“Masaafada kuma ilaalinayso,” ayuu Pentagon-ka Mareykan ku yiri bayaan uu soo saaray, iyagoo dhanka kalena soo dhigay muuqaal iyo sawirro la rumaysan yahay inay muujinayaan xilligii la qabtay markabka.
Mareykanka ayaa tan iyo sannadkii hore qabtay ugu yaraan toddobo markab oo shidaal qaada, taasoo qayb ka ah dadaalladiisa lagu xakameynayo sahayda saliidda ee Venezuela.
Isniin 16 Feb 2026 {HMC} Turkiga oo iskaashi la sameeynayo Dal kale si loo qodo shidaalka Soomaaliya
Isniin 16 Feb 2026 {HMC} Rag weeraro iyo Qaraxyo horay ugu Geeystay Muqdisho oo la tooktay.