Home Blog Page 930

Gudoomiyaha BFS oo khudbad ka jeediyey shir ka dhacay dalka Aljeria

Axad 04, May 2025 {HMC} Shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta oo maalintii labaad ka socda Magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaasha Baarlamaanadda wadamada Carabta, waxaana sanadkan shirka looga hadlay arrimaha guud ahaan wadamada carabta gaar ahaan xaaladda Falastiin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo Soomaaliya shirka ku matalaya ayaa maanta ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa, waxaana uu ugu horeyn u mahadcelyay Guddoomiyaha Baarlamaanka wadanka Algeria Ibrahim Boughali oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Baarlamaanadda carabta, guddoomiyaasha baarlamaanadda Carabta ee shirka ka qeyb galay, Dowladda Algeria oo shirka sanadkan martigelineysa iyo guud ahaan shacabka wadankaasi soo dhoweynta qiimaha leh ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa ku dheeraaday qadiyadda Falastiin iyo muhiimadda ay xiligan leedahay in si dhab ah oo ka go’naansho ah looga hadlo loona wajaho, waxa uuna tilmaamay in Soomaaliya ay taageersantahay in garab istaag buuxa loo muujiyo Falastiin iyo in la helo dowlad rasmi ah oo Falastiiniyiintu leeyihiin caasimadeedana tahay Qudus.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo khudbadiisa kusoo hadal qaaday isbedelada wadamada Carabta, ayaa waxa uu si gaar ah uga hadlay xaalada wadanka suudaan oo uu tilmaamay in ay muhiim tahay in aanan la faragelin.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa khudbadiisa kusoo gaba gabeeyay muhiimada ay leedahay xoojinta iyo adkeynta iskaashiga wadamada Carabta dhexdooda ah gaar ahaan baarlamaanada Carabta oo uu sheegay in wadajir iyo midnimo lagu gaari karo dhamaan ujeedooyinka iyo sidoo kale hadafyada horumarin dhinac walba lagu gaarsiin karo dalalka Carabta iyo shucuubtooda. Sidoo kalena waxa uu ku booriyay guddoomiyaasha kale ee shirka ka qeyb galaya in la dhaqan geliyo qodobada shirka ka soo baxa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa ka qeybgalka shirweynahan waxaa ku wehliya Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri iyo sidoo kale Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya wadanka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego).

Guddoomiyaha Degmada Kaaraan oo shacabka degmada ugu baaqay inay weeraraan Mucaaradka Dowladda

Axad 04, May 2025 {HMC} Guddoomiyaha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir Yuusuf Cadaani ayaa maanta ka hor sheegay Shacab badan oo iskugu soo baxay Degmadaasi inay beegsan karaan cid waliba oo aragti ka duwan la timaada Dowladda Soomaaliya.

Yuusuf Cadaani ayaa tilmaamay inay shacabka Degmada kula xisaabtami doonaan hadii cid mucaarad ku ah Dowladda Soomaaliya ay deganaanto Degmadaasi Kaaran, waxaana uu ku amray in ay soo qabtaan ayna saldhiga kusoo xiraan.

“Qofka mucaarad ku ah Dowladda Gurigiisa ku weerara, Dila maqaro u qaata waad u fasaxan tihiin, argagexiso ayaa soo dirtay, lafaha ka tuma, Degmada Karaan ma degna ruux sidaas oo kale ah hadii ay dhacdadana waa inaad soo xirtaan oo saldhiga keentaan aadna garaacdaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Yuusuf Caddaani.

Waxa uu sidoo kale weerar dhinaca Afka ah uu ku qaaday rag isticmaala Baraha Bulshada oo uu sheegay inay wax ka sheegaan habsami socodka qaadashada kaararka codbixinta waxaana uu ka dalbaday laamaha amaanka inay soo xiraan ka maamul Degmana ay diyaar u yihiin inay dacwadda Shaqsigaasi lagu soo xiraayo ay marqaati ka ka noqon doonaan.

Guddoomiyaha Degmada Kaaraan ayaa kagu xasuustaa sanadkii 2021 mar uu taliye saldhig ka ahaa Degmada Yaaqshiid inuu ku biiray Badbaado Qaran oo uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xilligaasi mucaarad ku ahaa Dowladdii Madaxweyne Farmaajo.

Arintaan ayaa waxa hadal heyn badan ka dhex dhalisay Bulshada sida weyn u istcmaasha baraha Bulshada, waxaanaan la ogeyn saameynta ay yeelan doonto hadalka Guddoomiyaha oo Bulsha kicin ah horeyna ay uga digeen laamaha amaanka inaan faraha lala galin tallaabooyinka Bulsha kicinta ah.

SSC-khaatumo oo ka jawaabtay hadal dhawaan kasoo yeeray MW deni

Axad 04, May 2025 {HMC} Dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga jawaabay hadal dhowaan kasoo baxay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, kaasoo sheegay in Puntland ay ka xun tahay taageerada SSC-Khaatumo ay u muujinayso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta SSC-Khaatumo, Najiib Barkhadle Warsame, ayaa sheegay in maamulkooda uusan ku khasbanayn inuu Puntland kala tashado xiriirka ay la samaynayaan dowladda Federaalka. Wuxuu carrabka ku dhuftay in labada maamulba si siman ula xiriiri karaan dowladda dhexe, isla markaana aysan qaadin wax tallaabo ah oo sharci-darro ah.

“Puntland nala kama aysan tashan inay xiriir la sameysato maamul gooni-goosad ah oo ka shaqeynaya kala goynta Soomaaliya, taasoo xitaa sharciyan xaaraan ah in lala shaqeeyo. Sidaas darteed, sidee annaga ugala tashan karnaa xiriirka aan la leenahay dowladda Federaalka Soomaaliya?” ayuu yiri wasiir Najiib Barkhadle.

Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay in SSC-Khaatumo ay marar badan isku dayday wada-hadal iyo in ay xiriir rasmi ah la yeeshaan maamulka Puntland, balse aysan ka helin wax jawaab ah dhanka maamulka Puntland gaar ahaan madaxweynaha.

“Cid walba waa naga xigaan Puntand, sidaas oo ay tahay danaha siyaasiga ah ee Dowladdani leedahay waa kuwo noo cad taladoodana in aanan cidna u daba fariisanayn ay noo caddahay,” ayuu yiri Najiib Barkhadle.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Warfaafinta SSC-Khaatumo wuxuu sheegay inay dantooda siyaasadeed iyo midda shacabka SSC ka dhex arkeen inay la shaqeeyaan dowladda Federaalka, ayna doonayaan in kuraasta SSC lagu soo doorto gudaha deegaannadooda halkii loo xawili lahaa gobollo kale.

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Laftagareen oo gaaray Farumaha dagaalka AS

Axad  04, May  2025 {HMC}  Madaxweyne Laftagareen oo gaaray Farumaha dagaalka AS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

MW laftagareen oo booqday furimaha hore ee dagaalka

Axad 04, May 2025 {HMC} Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa booqday furimaha hore ee dagaalka si uu ugu dhiirrigeliyo ciidamada qalabka sida ee halkaasi ku sugan isla markaana dagaalka kula jiro maleeshiyaadka Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha hoggaanka ciidamada, isagoo warbixin ka dhageystay xaaladda amni, guulaha laga gaaray dagaalka, iyo caqabadaha jira, isagoo uga mahadceliyay Ciidamada geesinimada iyo naf-hurnimada ay u muujiyeen difaaca dalka.

Booqashada Madaxweyne Laftagareen ee Furimaha Dagaalka ayaa ah mid niyad-dhis ah oo muujineysa sida ay Dowladda Koonfur Galbeed uga go’an tahay Difaaca Dalka iyo Daryeelka Ciidamada Naftooda uhurey Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed

Degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag oo colaad muddo Ka Taagnayd la Soo Afjaray

Axad 04, May 2025 {HMC} Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Danjire Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa shalay si rasmi ah u soo afjaray shirwayne lagu nabadaynayay beelo colaad ku dhexmartay degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

Salaadiin iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda ayaa bilihii u dambeeyay ku hawlanaa xal u helidda colaadda Ceel-afweyn oo soo noqnoqotay, isla markaana u dhaxaysay laba beelood oo wada dega deegaanka waxaana laga soo saaray go’aammo adag oo lagu xakameynayo colaadda.

“Waxaan dooneynaa Ceel-afweyn isku dan ah, isku dareen ah, oo isku duruufo ah, balse aan kala dano iyo kala dood lahayn. Waxaan jecelahay in Ceel-afweyn aysan ka dhicin dagaal iyo dil, waxaan rabnaa in aan aragno Ceel-afweyn la dagaallamaysa colaadda, dirirta tolka, qabyaaladda iyo kala qaybsanaanta,” ayuu ydhi Madaxweyne-ku-xigeen Maxamed Cali Aw Cabdi oo shirka soo afmeeray.

“Dardaarankaygu waa in aan mar dambe la arkin Ceel-afweyn oo curadeedu is dilayaan, in aanay dhalinyaradu hub isugu urursan, haweenkuna aysan mar dambe asay madaxa saarin. Waa in aad gacmaha is qabsataan si nabadda iyo horumarka Ceel-afweyn loo xaqiijiyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xukuumadda Somaliland oo xoogga saartay nabadaynta deegaankaas, ayaa qaramaysay dhammaan ciidamadii ay kala haysteen labada beelood ee colaaddu u dhaxaysay. Waxaa la sheegay in wixii ka dambeeya hadda, ciidamada booliiska iyo millatarigu ay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo jebisa nabadda.

Beelaha deegaanka wada dega oo marar badan iska dilay dad, hantina kala dhacay, ayaa loo kala xukumay magta iyo bixinta wixii khasaare ay is gaadhsiiyeen.

 

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 04/05/2025

Axad  04, May  2025 {HMC}   Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {04-05-2025}

Axad 04-May-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Sahro Gabr iyo Yaasiin Daacad

Farsamadii ::Mohamed Hassan Owsei

Degmada dayniile oo maanta la dhagax dhigay waddo laami ah

Axad 04, May 2025 {HMC}  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir iyo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macalin ayaa si wadajir ah u dhagax dhiggay dhismaha Waddada Laamiga ee Degmada Dayniile.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dhismaha waddadaan uu qeyb ka yahay fulinta mashaariicyo horumarineed oo lagu dhisaayo kaabayaasha Isku socodka Degmooyinka Gobolka Banaadir, asigoona kula dar-daarmay bulshada Degmada Dayniile in ay door ka qaataan illaalinta waddadaan, isla markaana ay isdiiwaangeliyaan si ay u qaataan shahaadada codbixinta doorashooyinka.

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macalin ayaa ugu mahadceliyay Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir, suurta-gelinta in la dhagax-dhiggo waddadaan oo muhiim u ah isku socodka iyo kobaca dhaqaalaha ee labada Gobol Shabeelaha Hoose iyo Gobolka Banaadir.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa isla markaana hadalo ka jeediyay Xildhibaan Dayax, Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure, Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud Mudane Xasan Jimcaale, Guddoomiyaha Degmada Dayniile, Agaasimeyaal, Nabadoono iyo Ganacsato.

Xildhibaano oo horey looga mamnuucay ka qeyb galka fadhiyada Golaha Shacabka oo dib loogu fasaxay

Axad 04, May 2025 {HMC} Warqad kasoo baxday Xafiiska kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Cabdullaahi Cumar Abshir ayaa Xildhibaano ka tirsan Golaha dib loogu fasaxay fadhiyada Golaha, ka dib markii dhawaan laga hakiyay ka qeyb galka fadhiyada Golaha Shacabka.

Warqadaan ayaa waxaa ku qornaa liiska 24ka Xildhibaan ee fadhiyada Golaha laga hakiyay oo iskugu jira mucaarad iyo muxaafad waxaana horey ay uga sameeyeen Golaha shacabka arbushaad inuu furmi waayo fadhiga mudanayaasha.

“Markuu Arkay Labada warqadood ee sumadoodu kala tahay XGGSH/0717/B11/25, XGGSH/0720/B11/25 kuwaas oo ujeedadoodu ahayd Ka joojin fadhiyada Golaha Shacbaka sababo amni dartood iyo Talo soojeedinta iyo Dareenka qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Wuxuu fasaxay Xubnaha Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga hakiyay fadhiyada Golaha Shacabka” ayaa lagu yiri qoraalka Warqada.

Xildhibaanadaan waxaa ku jira tiro Wasiiro ah oo gacan kahadal toos ah kula dhaqaaqay qaar kamid Xildhibaanada Mucaaradka ah ee ku jira Golaha Shacabka.

Xildhibaanada fadhiyada laga mamnuuceey haddana dib loogu fasaxay ayaa horey usheegay inay wadaan mooshin sharci ah kana dhan ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

HALKAAN HOOSE KA AKHRSIO WARKA SAXAAFADEEDKA SOO BAXAY.