Jimco 02, May 2025 {HMC} Soomaliland oo si kulul u Cambaareeysay hadal kasoo Baxay Dowladda Soomaaliya.
{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 02/05/2025
Jimco 02, May 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn
Hay’adaha gargaarka Qasa oo ka digay in ay xirmaan goobaha lagu kaydiyo cuntada
Jimco 02, May 2025 {HMC} – Hay’adaha gargaarka ee Qasa ayaa ka digay in maalmaha soo socda ay ku qasbanaan doonaan inay xiraan xarumahooda ku haray halkaa ee lagu kaydiyo cuntada oo ay tobanaan kun oo Falastiiniyiin ah ku tiirsan yihiin.
Laba bilood ayaa laga joogaa markii Israa’iil ay xannibtay dhammaan sahaydii gargaarka ee geli jirtay Qasa.
Waxaa kaloo laga digayaa in tani ay horseedi doonto macluul aan hore loo arag.
Samy Mahdi oo ka tirsan hay’adda ANIra ee gargaarka ayaa arrintan walaac ka muujisay, waxaana uu sheegay in markii hore ay karin jireen Bariis, Hilib iyo Cuntooyin kale oo nafaqo leh, balse hadda aysan jirin wax hilib ah marka laga reebo khudaarta ay Qasa la soo galeen.
Saraakiil sarsare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ka cawday waxa ay ugu yeereen cadaadiska iyo jirdilka lagu hayo Falastiiniyiinta.
{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo kulamo la qaatay Madaxda wadanka Algeria
Jimco 02, May 2025 {HMC} Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo kulamo la qaatay Madaxda wadanka Algeria
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Golaha Naafada Qaranka oo si kulul Uga hadlay hadalkii dhawaan kasoo Baxay Gudoomiye aadan Madoobe.
Jimco 02, May 2025 {HMC} Golaha Naafada Qaranka oo si kulul Uga hadlay hadalkii dhawaan kasoo Baxay Gudoomiye aadan Madoobe.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Muxuu yahay Go’aanka Culus ay soo saareen Maamulka SCC KAATUMO.?
Jimco 02, May 2025 {HMC} Muxuu yahay Go’aanka Culus ay soo saareen Maamulka SCC KAATUMO.?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Guddoomiye Aadan Madoobe oo kulamo la leh Madaxa ka qeyb galeysa Shirka Baarlamaaka Carabta
Jimco 02, May 2025 {HMC} – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa gaaray magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria, isaga oo hoggaaminaya wafdi xildhibaanno ah oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.
Wafdiga Guddoomiyaha ayaa lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Algiers, halkaas oo ay ku qaabileen Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Algeria, Ibrahim Boughali, xubno ka tirsan Baarlamaanka Algeria, iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego).
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka qeyb geli doona Shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanada Wadamada Carabta, kaas oo maalmaha soo socda si rasmi ah uga furmi doona magaalada Algiers.
Inta lagu jiro shirka, Guddoomiyuhu waxa uu ka jeedin doonaa khudbad diiradda saareysa muhiimadda uu shirka u leeyahay Soomaaliya, iyadoo sanadkan si gaar ah looga doodi doono xaaladda dalalka Carabta, gaar ahaan arrinta Falastiin.
Sidoo kale, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa inta uu joogo Algeria la kulmi doona madaxda ugu sarreysa dalkaas oo martigelinaya shirka, iyo sidoo kale guddoomiyeyaasha baarlamaanada kale ee ka qeyb galaya, isagoo yeelan doona kulamo gaar ah.
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {02.05.2025}
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Ahmed Maaskaro
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Dad u dhashay Dalka Koonfur Kuuriya oo ku afduuban Soomaaliya oo soo hadlay
Jimco 02, May 2025 {HMC} – Sagaal bilood kadib afduubkii labo muwaadin oo u dhashay Koonfur Kuuriya, muuqaal cusub ayaa Axaddii, April 28, lagu baahiyay internet-ka, kaasoo muujinaya labada qof oo wali nool balse ku sugan xaalad cabsi leh gudaha Soomaaliya.
Muuqaalkan oo soconaya saddex daqiiqo ayaa lagu arkayaa samafale David Ian Lee iyo sodohdiis Hiwi Sokk Cheon, kuwaasoo la afduubtay 12-kii Agoosto 2024 iyadoo rag hubeysan ay ka kaxeysteen gurigooda ku yaalla tuulada Odda ee u dhow xuduudda Kenya iyo Itoobiya.
Lee, oo si cad u muujinaya walaac iyo daal nafsi ah, ayaa ugu baaqay dowladda Koonfur Kuuriya in ay si degdeg ah u farageliso si loo badbaadiyo isaga iyo Cheon.
“Maalmuhu aad bay u dheeraadeen, waxaana wajahnaa cabsi joogto ah iyo hubanti la’aan.
Waxaan ku jirnaa xaalad halis ah oo aan difaac lahayn. Waxaan nahay dad aan waxba galabsan oo lagu dhex riday dagaal aanu waxba ka ogeyn,” ayuu yiri Lee, iyadoo Cheon ay fadhido dhinaciisa,wajigeedana laga dareemayo baqdin aad u weyn.
Lee ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Fadlan ha naga tegin. Ha sugin in xaaladdu kasii darto. Waxaan idinka codsaneynaa inaad si dhaqso leh u dhaqaaqdaan oo aad noo soo celisaan si nabad ah. Siaad ah ayaan uga walaacsanahay amnigeenna iyo badqabkeenna.”
Mas’uuliyiinta ammaanka Kenya ayaa aaminsan in muuqaalka, oo la tuhunsan yahay in ay
baahiyeen kooxda Al-Shabaab, uu ujeedkiisu yahay cadaadis saaridda dowladda Koonfur Kuuriya si ay ula furto wadahadal.
Afduubkan ayaa horseeday baaritaan weyn oo iskaashi ah sanadkii hore, taasoo keentay in la xiro siddeed eedeysane, oo ay ku jiraan lix Itoobiyaan ah. Eedeysanayaashan ayaa wali xiran, iyadoo baaritaannada weli socdaan.
Safaaradda Koonfur Kuuriya ee magaalada Nairobi weli ma aysan bixin war rasmi ah oo ku
saabsan idiyowga la baahiyay.
Dhinaca kale, saraakiisha Kenya ayaa sheegay in la adkeeyay roondooyinka ammaanka ee kasocda xadka, xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira dhaq-dhaqaaqa kooxaha hubeysan ee katallaabaya xuduudda.
Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan oo ka wada hadlay Xiisadda Kashmiir
Jimco 02, May 2025 {HMC} Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Abdisalam Abdi Ali ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa dalka Pakistan, Senator Mohammad Ishaq Dar.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay Iskaashiga Soomaaliya iyo Pakistan ee dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo Dhaqaalaha, iyaga oo adkeeyay muhiimada in la sii xoojiyo.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, ayaa dhigiisa Soomaaliya warbixin ka siiyay xiisadda kala dhaxeysa Hindiya, isaga oo tilmaamay in Xukumadda Delhi qaaday tillaabooyin aan wanaagsaneyn.
Dhankiisa, Wasiir Abdisalam Abdi ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka lagu xalliyo waddooyin diblomaasiyadeed si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Labada mas’uul, oo Soomaaliya iyo Pakistan ku matalaya kuraasta aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay (UNSC), ayaa sidoo kale isku afgartay inay xoojiyaan iskaashiga dhinaca iskaashiga caalamiga ah iyo xiriirka laba-geesoodka ah ee u dhexeeya labada dowladood.



