Home Blog Page 94

Dowlada Turkiga oo Soomaaliya u soo dirtay Markabkii qodilaha shidaalka Somaliya.

0

Axad  14 Feb 2026 {HMC} Muuqaal uu baahiyay Wasiirka Tamarta ee Turkey, Alparslan Bayraktar, ayaa lagu sheegay in maanta markabka qodista shidaalka ee casriga ah ee dalka Turkiga, Jaara Bey Çağrı Bey, uu u soo ambabaxay Soomaaliya si uu u bilaabo hawlgallo qodis shidaal iyo gaas dabiici ah.

Markabkan ayaa maanta ka dhaqaaqi doona Mersin Port, isagoo ku soo jeeda xeebaha Soomaaliya.

Waxa uu ka mid yahay maraakiibta ugu casrisan ee Turkigu leeyahay, waxaana loogu talagalay inuu horseedo bilowga qodista shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa loo arkaa bilowga marxalad cusub oo iskaashi dhaqaale iyo horumarineed u dhexeysa Somalia iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada tamarta, amniga, iyo horumarka waara. Hawlgalku wuxuu diiradda saari doonaa badda Soomaaliya, iyadoo la filayo in natiijooyin wax ku ool ah laga gaaro qodista shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.

Markabka ayaa la filayaa inuu dhawaan soo gaaro Muqdisho, halkaas oo loo qorsheeyay xaflad soo dhaweyn rasmi ah oo ay ka qayb geli doonaan madaxda dowladda ugu sarraysa.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah heshiis istiraatiiji ah oo labada dal u dhexeeya, iyadoo markabkan uu horseed u noqon doono wejiga wax-soo-saarka tamarta ee Soomaaliya muddo dheer sugaysay, loona arko fursad muhiim ah oo kor loogu qaadayo iskaashiga tamarta iyo horumarka waara.

Ciidanka Nabadsugidda Jubbaland oo gacanta ku dhigtay Warshad Miino oo AS lahayeen .

0

Axad  14 Feb 2026 {HMC}   War kasoo baxay Nabadsugidda Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in howlgal ay ciidankaas ka fuliyeen inta u dhaxeysa Raaskaamboni iyo Badhaadhe kusoo qabteen 90 Miino oo qaarkood diyaarsan iyo warshaddii lagu samayn jiray.

Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in howshaan soo qabashada walxaha qarka ay daba socotay dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamada Maamulkaas iyo ‘AS’ oo isku dayay in ay difaacaan Warshaddaas.

Magaalada Xeebta leh ee Raaskaambooni waxaa la geeyay Maydadka xubno ay sheegeen Sirdoonka Jubbaland in ay katirsanaayeen ‘AS’ isla markaana lagu dilay howlgalkaas inta uu socday sida hadalka loo dhigay.

Wixii ka danbeeyay weerarkii ‘AS’ ay ku qaadday Saldhig Ciidamada Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ku leeyihiin Magaalada Raaskaambooni waxaa kordhay howlgallada isugu jira Duqaymaha iyo kuwa Dhulka oo Ciidanka Federaalka ay qayb ka yihiin.

Midowga Afrika oo Suudaan ugu baaqay Xabbad-joojin

0

Axad  14 Feb 2026 {HMC}  Bayaan kasoo baxay shir madaxeedka Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa ka dhacay ayaa lagu soo daray qayb kamid ah oo si gaar ah looga hadlay xaaladda ka taagan Jamhuuriyadda Suudaan iyo baaq furan oo loo diray dhinacyada is haya.

Ciidamada labada Janan ay kala hoggaaminayaan ayaa loogu baaqay in ay ku dhawaaqaan Xabbad-joojin degdeg ah oo fure u noqonaysa in gargaar bani aadamnimo lala gaaro dadka dhibaatooyinka ka dhaxlay colaaddaas iyo in wadahadal guud la yeesho.

Midowga Afrika ayaa cambaareeyay gacmaha shisheeye ee ku jira Suudaan, waxa uu ugu baaqay in ay faraha kala baxaan xaaladda siyaasadeed ee dalkaas ka jirta oo lagu xalin karo inay kawada hadlaan dhinacyada is haya sida hadalka loo dhigay.

“Waxa aan dhinacyada Suudaan ugu baaqaynaa in ay xabbad-joojin bani aadamnimo ku dhawaaqaan, wixii intaas ka danbeeya waa in ay wadahadlaan si loosoo afjaro colaadda sokeeye ee dadka saamaysay, waxaan cambaarayneenaa faragelinta shisheeye” Ayaa lagu yiri Bayaanka Midowga Afrika kasoo baxay.

Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa dusha laga saaray in ay qayb weyn ka qaadanayso sii socoshada Colaadda ka jirta Suudaan maadaama ay taageerto kooxda Gurmadka Degdega ah ee RSF loosoo gaabiyo, kooxdaas ayaa dambiyo culus ka gaystay Dalkaas.

{DAAWO MUUQAALKA} 66 Sano kadib waa Sidee Ciidamada Cirka Soomaaliya.?

0

Axad  14 Feb 2026 {HMC} 66 Sano kadib waa Sidee Ciidamada Cirka Soomaaliya.?

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

 

{DAAWO MUUQAALKA} Warshad Qaraxyada usameeyneysay AS Oo gacanta lagu dhigay.

0

Axad  14 Feb 2026 {HMC} Warshad Qaraxyada usameeyneysay AS Oo gacanta lagu dhigay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Faah Faahin Laga helay Hubka Turkiga keenay Muqdisho.

0

Axad  14 Feb 2026 {HMC} Faah Faahin Laga helay Hubka Turkiga keenay Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

66 Sano kadib waa Sidee Ciidamada Cirka Soomaaliya.?

0

Axad  14 Feb 2026 {HMC}  Ciidanka Cirka Soomaaliya ayaa maanta jirsaday 66 sano, waxa uu soo maray heerar kala duwan iyada oo sanadihii u danbeeyay ay dardar ku socotay dib usoo laabashada awooddooda maadaama ay heleen Diyaarado iyo qalab kale oo sii jiritaankooda muhiim u ah.

Marxalado kala duwan oo kala duruufo adag ayay soo mareen waayihii adkaa ee Dalka soo maray, waxa ay fursad ahaan ka hooseeyeen ciidamada kale ee Sooomaaliya oo helayay taakulo dhinaca agabka ah iyo dhallinyaro cusub oo kusoo kordhayay.

Soomaaliya waxa ay 2026 haysataa Diyaarado Dagaal oo intooda badan laga keenay Turkiga isla markaana ay kaxeeyaan Duulliyeyaal Soomaali ah kuwaas oo dhallinyaro dibadda lagu soo tababaray ah, waxaana waddada kusoo jira diyaarado kale oo dhowaan ay soo iibsan rabto.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa u hambalyeeyay Ciidamada Cirka Soomaaliya, waxa uuna ku bogaadiyay in ay kaalintooda ka qaataan howlaha lagu ilaalinayo Dalka.

“Waxaan Hambalyo u dirayaa Sarreeyaasha,Saraakiisha,Saraakiil Xigeenada,Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Cirka ee XDS oo Maanta u dabaal dagayo Xuska Sanadguurada 66 aad ee kasoo wareegatay Aas Aaskooda” Sidaasi waxaa yiri, Taliyaha CXD, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay dhismaha Ciidamada Cirka iyo kuwa Badda iyada oo fursado garab istaag ah ka heleysa Dalal kala duwan waxaana ugu horreeya Turkiga oo diyaaradihiisa casriga ah dalka keenay.

 

Xog cusub oo ka soo korortay qorshaha Maraykanka ee Iran

0

 Ciidamada Mareykanka ayaa isu diyaarinaya suurtagalnimada hawlgallo joogto ah oo toddobaadyo ah oo ka dhan ah Iiraan haddii Madaxweyne Donald Trump uu amro weerar, sida ay u sheegeen laba sarkaal oo Mareykan ah wakaaladda wararka ee Reuters, taasoo noqon karta iskahorimaad aad uga daran sidii hore loogu arkay dalalka dhexdooda.

Milatariga Mareykanka ayaa isu diyaarinaya suurtagalnimada hawlgallo joogto ah oo socon kara toddobaadyo ka dhan ah Iran haddii Madaxweyne Donald Trump amro weerar, sida ay laba masuul oo Mareykan ah u sheegeen Reuters, arrin noqon karta iska horimaad aad uga culus kuwii hore ee dhex maray labada dal.

Shaacinta saraakiisha, oo codsaday inaan la magacaabin sababo la xiriira dabeecadda xasaasiga ah ee qorshaha, ayaa kor u qaadaysa xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxaysa Mareykanka iyo Iiraan.

Wakiilada Mareykanka Steve Witkoff iyo Jared Kushner ayaa wadahadallo Talaada kula yeellan doona Iran magaalada Geneva, iyadoo wakiillo ka socda Cumaan ay u shaqeynayaan sidii dhexdhexaadiyayaal. Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa Sabtidii ka digay in inkastoo Trump uu doorbidayo inuu heshiis la gaaro Tehran, “taasi aad bay u adag tahay in la sameeyo.”

Dhanka kale, Trump wuxuu ciidamo militari ah ku ku daabulay gobolka, taasoo keentay cabsi laga qabo tallaabo milatari oo cusub. Saraakiisha Mareykanka ayaa Jimcihii sheegay in Pentagon-ku uu u dirayo Bariga Dhexe markab kale oo diyaaradaha xambaar, isagoo ku daraya kumanaan askari oo dheeraad ah oo ay weheliyaan diyaaradaha dagaalka, gantaallo iyo awood kale oo weerar fulin karta isla markaana iska difaaci karta weerarro.

Trump, oo Jimcihii ka hadlay kadib munaasabad milatari oo ka dhacday Fort Bragg ee gobolka North Carolina, si cad ayuu u soo jeediyay suurtagalnimada in la beddelo dowladda Iran, isaga oo sheegay in ‘u muuqato in taasi ay noqon lahayd waxa ugu wanaagsan ee dhici kara.’ Wuxuu diiday inuu shaaciyo cidda uu doonayo inay la wareegto hoggaanka Iran, balse wuxuu yiri, ‘dad baa jira.’

‘Muddo 47 sano ah, way hadlayeen oo hadlayeen oo hadlayeen,’ ayuu yiri Trump.

Trump muddo dheer wuxuu muujinayay shaki ku saabsan dirista ciidamo lug ah oo gudaha u gala Iran, isaga oo sanadkii hore yiri, ‘waxyaabaha ugu dambeeya ee aad rabto waa ciidamo dhulka ah,’ waxaana awoodda milatari ee Mareykanka ee hadda lagu ururiyay Bariga Dhexe ay muujinaysaa ikhtiyaarro weerarro inta badan ku saleysan hawada iyo ciidamada badda. Dalka Venezuela, Trump wuxuu muujiyay inuu diyaar u yahay inuu ku tiirsanaado sidoo kale ciidamada hawlgallada gaarka ah si ay u qabtaan madaxweynaha dalkaas, Nicolas Maduro, weerar lagu qaaday bishii la soo dhaafay

Markii wax laga weydiiyay faallo ku saabsan diyaargarowga hawlgal milatari oo Mareykanku si joogto ah u fulin karo, afhayeenka Aqalka Cad Anna Kelly ayaa tiri: ‘Madaxweyne Trump wuxuu miiska saaray dhammaan ikhtiyaarrada la xiriira Iran.’

‘Wuxuu dhegeystaa aragtiyo kala duwan oo ku saabsan arrin kasta, balse go’aanka ugu dambeeya wuxuu ku saleeyaa waxa ugu wanaagsan dalkeenna iyo amniga qaranka,’ ayay Kelly tiri.

Wasaaradda Difaaca way diiday inay ka hadasho arrinta.

Mareykanka ayaa sannadkii hore u diray gobolka laba markab oo nooca diyaaraha xambaara xilli horrey Maraykanku u fuliyey weeraro ka dhanka goobaha nukliyeerka ee Iran

Si kastaba ha ahaatee, hawlgalkii ‘Midnight Hammer’ ee bishii Juun wuxuu ahaa weerar hal mar ah oo uu Mareykanku fuliyay, iyadoo diyaaradaha qarsoodiga ah duqaymaha culus fuliya ay ka duuleen Mareykanka si ay u garaacaan xarumaha nukliyeerka ee Iran. Iran waxay qaaday weerar aargoosi ah oo aad u xaddidan oo ka dhan ah saldhig Mareykan ah ee ku yaalla Qatar.”

Qorsheynta socota wakhtigan ayaa ka adag tii hore, sida ay sheegeen masuuliyiintu.

ololaha joogtada ah, milatariga Mareykanka wuxuu weerari karaa xarumaha dowladda iyo amniga ee Iran, ma aha kaliya kaabayaasha nukliyeerka, sida uu sheegay mid ka mid ah masuuliyiinta. Masuulku wuxuu diiday inuu bixiyo faahfaafino gaar ah sida ay warisay wakaalada wararka ee Reuters.

Khubaradu waxay sheegeen in khataraha ciidamada Mareykanka ay aad uga badan doonaan howlgalka noocaas ah ee ka dhanka ah Iiraan, oo leh gantaallo aad u badan. Weerarrada Iiraan ee aargoosiga ah ayaa sidoo kale kordhinaya khatarta iskahorimaad goboleed.

Isla sarkaalka ayaa sheegay in Mareykanku uu si buuxda u filayo in Iiraan ay aargoosato, taasoo horseedi doonta weeraro isdaba joog ah iyo aargoosi waqti ka dib.

Aqalka Cad iyo Wasaaradda Difaaca (Pentagon) kama aysan jawaabin su’aalaha ku saabsan khataraha ka dhalan kara aargoosi ama dagaal goboleed.

Trump marar badan ayuu ku hanjabay inuu duqeyn doono Iran sababo la xiriira barnaamijkeeda nukliyeerka iyo gantaallada ballistic-ga ah iyo sidoo kale cabburinta mucaaradka gudaha. Khamiistii, wuxuu ka digay in beddelka xal diblomaasiyadeed uu noqon doono ‘mid aad u naxdin leh, aad u naxdin leh.’

Ilaalada Kacaanka Iran ayaa ka digay in haddii weerarro lagu qaado dhulka Iran, ay ka aargoosan karaan saldhig kasta oo milatari oo Mareykan ah

Mareykanku wuxuu leeyahay saldhigyo milatari oo ku yaalla Bariga Dhexe oo dhan, oo ay ku jiraan Jordan, Kuwait, Sacuudi Carabiya, Qatar, Baxreyn, Imaaraadka Carabta iyo Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Arbacadii kula kulmay Trump magaalada Washington si ay wadahadallo u yeeshaan, isagoo sheegay in haddii heshiis lala gaaro Iran, ‘ay tahay inuu ka koobnaado qodobbada muhiimka u ah Israa’iil.’

Iran ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay ka wada hadasho xaddidaad lagu sameeyo barnaamijkeeda nukliyeerka iyadoo lagu beddelayo qaadista cunaqabataynta, balse waxay diidday in arrintaas lagu xiro gantaallada.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Itoobiya kula kulmay madaxda Afrika.

0

Axad  15 Feb 2026 {HMC}  Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulamo diblomaasiyadeed oo muhiim ah la yeeshay madax kala duwan oo ka qeyb galaya shirka Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Kenya William Ruto, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo horumarinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay mas’uuliyiin kale oo Afrikaan ah, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka qaaradda, xaaladda siyaasadeed ee dalka, amniga, iyo dadaallada dib u dhiska dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale khudbad ka jeediyay shirka Midowga Afrika, isagoo ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo horumarka laga gaaray xasilloonida iyo dowlad-dhiska. Wuxuu madaxda Afrika uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay u fidinayaan midnimada, wadajirka, iyo xasilloonida Soomaaliya.

Kulamadan ayaa muujinaya dadaallada diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya ku xoojinayso xiriirka gobolka iyo doorka ay ka qaadanayso xasilloonida iyo iskaashiga Afrika.

Shiinaha ayaa canshuur dhaaf u sameeyay 53 dal oo Afrikaan ah oo ay ku jirto Soomaaliya.

0

Saturday 14 Feb 2026 {HMC} Dowladda Shiinaha ayaa canshuur dhaaf u sameeyay 53 dal oo Afrikaan ah oo ay ku jirto Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Shiinaha Xi Jinping wuxuu sheegay in laga bilaabo 1-da Maajo, Shiinuhu uu meesha ka saari doono canshuuraha badeecadaha kaga imaanaya dhammaan waddamada Afrika ee xiriirka diblumaasiyadeed la leh.

Tillaabadan ayaa ku soo aadeysa xilli Madaxda Afrika uu shir uga socdo magaalada Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.