Home Blog Page 945

Xildhibaan Saneey oo si kulul uga jawaabay eedeyn kaga timid baarlamaanka hirdhabelle

Arbaco 30, April 2025 {HMC} Guddiga Xeer-hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa soo saaray go’aan anshax marin Seddax Xildhibaan oo lagu eedeeyay inay sameeyeen ficillo aan ku habooneyn Xasaanadda Xildhibaan-ka iyo inay baraha bulshada ku faafiyeen waxyaabo sumcad-dil ku ah Xildhibaanada Baralamanka Hirshabelle iyo sido kale ku xadgudubka Xeer-hoosaadka Golaha.

Qoraal kasoo baxay Guddiga Xeer-hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Xildhibaanada, ayaa lagu sheegay in kadib markii dood iyo falanqeyn ay ka yesheen arrimaha lagu eedeeyay Seddaxda Xildhibaan ayaa ugu danbeyn go’aamiyay in laga joojiyoo Gunnada iyo fadhiyada Golaha muddo ku siman hal kal-fadhi.

Guddiga Xeer Hoosaadka ayaa shaaca ka qaaday in Xildhibaanadaan lasoo eedeeyay ee seddexda ah ay kala yihiin Xildhibaan Axmed Saneey Maxamed, Xildhibaan Saadaq Mukhtaar Cabdulle iyo Xildhibaan Axmed Cali Abuukar.

Xildhibaan Axmed Saneey oo wareysi siiyay Tv ga Shabeelle ayaa sheegay in warqadaan Guddiga xeer hoosaadka uu ka arkay baraha Bulshada, waxaana uu ku eedeeyay Madaxweynaha Hirshabelle inuu noqday Hogaamiye ku kusoo fashilmay dagaalka Kooxda Al-shabaab.

Xildhibaanka ayaa xusay in aysan jirin Baarlamaan u furnaa Maamulka Hirshabeelle, oo hoolkii Barlamaanka lagu qabto Siminaaro, sidoo kalana aysan jirin wax gunno ah ay qaateen bilihii lasoo dhaafay, warqadaan soo baxdayna ay tahay mid lagu qurxinayo Page jajka Hirshabelle ee Baraha Bulshada si loo muujiyo in shaqa ay socoto.

Ugu dambeyntii Waxa uu Xildhibaan Saneey eedeeynta loosoo jeediyay ku tilmaamay waxba kama jiraan oo ay xitaa jirin xeer hoosaad ama Guddi wax soo maray, warqadaha sidaan oo kala ahna ay soo qoraan xoghaynta Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Dowladda Soomaaliya oo ka digtay wararka been abuurka ah ee ku saleysan amniga dalka

Arbaco 30, April 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka warhayso baraha bulshada iyo shaqsiyaad ku howlan faafinta warar been abuur ah oo lagu qalqal gelinayo amniga Soomaaliya gaar ahaan marka ay timaado madaafiicda lagu soo garaaco Muqdisho.

War kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta ayaa xustay in Dhacdadii ugu dambeysay ee been abuurka ahayd waxay la xiriirtay weerar hoobiyayaal ah oo Al shabaab ku beegsadeen qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana ay ka digtay in warar aan la hubin laga sii daayo baraha Bulshada.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in Warbaahinta taageerta Al shabaab iyo shaqsiyaad baraha bulshada isticmaala oo aan hubin xaqiiqda ay si aan sugneyn u faafiyeen warar sheegaya in weerarkaasi lagu bartilmaameedsaday Xerada Xalane iyo qeybo ka mid ah Garoonka Muqdisho, ayna ku dhinteen dhowr qof oo ajanabi ah, war gabi ahaanba ahaa been abuur iyo buunbuunin laga badbadiyay.

“Al-Shabaab ayaa sameeyay weerarro aan lahayn bartilmaameed cad oo lagu dhibaateeyay shacabka Muqdisho, iyaga oo adeegsanaya hoobiyayaal si dhuumaalaysi ah loo soo tuuray, kuwaas oo marar badan geystay khasaaro rayid ah, oo ay ku jireen carruur u socotay dugsi Qur’aan oo toddobaadyo ka hor dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay” ayaa lagu yiri warka wasaaradda.

Ugu dambeyn wasaaradda waxa ay tilmaamtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhow ula socoto shaqsiyaadka ku hawlan baahinta wararka been abuurka ah iyo dacaayadaha Al shabaab, kuwaas oo si toos ah ama dadban uga qayb qaadanaya qalqal gelinta amniga shacabka, gudaha iyo dibaddaba.

Garoonka Diyaaradaha Baladweeyne oo u Xirmay Rooba Da,ay Dartiis

Arbaco 30, April 2025 {HMC}Duulimaadkii Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne ayaa maanta xiran iyadoo boqolaal shacab ay ku xiyiran yihiin Garoonka Aadan cade ee muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Duulimaadka waxaa Saameeyn ku yeeshay Roob Xalay ka da’ay Magaalada Baladweyne iyo deegaanada kale ee hoosyimaado,Diyaaradahii saaka ka duuli lahaa iyo kuwii kusoo dagi lahaa garoonka ugaas khaliif ee Baladweyne ayaa baaqday.

Diyaaradaha Rakaabka iyo kuwa Xamuulka kuwa qaadka ayaa dhamaan imaan manta Baladweyne. Waxaana qeeybo kamid ah Garoonka fadhiistay Biyo Sida ay Hiiraanweyn usheekeyn Madaxda Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif. Caqabadan ayaa haystatay  Bulshada Baladweyne Mudo dheer, iyada oo Garoonka diyaaradaha uusan helin wax dib udhis ama dayactir ah. Rakaabkii Baladweyne ka bixi lahaa Manta ayaa intooda badan loo qaaday degmada guriceel oo Baladweyne u jirta 100km wax ka badan.

Bulshadii saakay ka bixi laheeyd Garoonka ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya iyo Hirshabeelle ay ka gaabiyeen dhismaha Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif. Iyada oo Garoonadii kale ee Gobolada dalka intooda badan loo dhisay hab Casri ah.

Enjineerada Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in garoonka uu dhow yahiin dhul buuraleey ah, kuwaas oo biyaha kasoo rogmada ay si toos ah Garoonka kusoo gaaran. Waxaana ay sheekey in loo baahan yahay in biyahaas laga xiro Garoonka.

Hirshabeelle oo dhowr jeer sanad walba dib u dhayactir ku sameeyso Hadane Lagu Guuleeysan wali in Garoonka uu shaqeeyo Xili roobaadka, waxaana dadka ay is weydiinayaan ilaa intee la eg ayey xaaladan Baladweyne kusii jire doontaa.

 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {30-04-2025}

Arbaco 30, April-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Cabdi Yare & Cabdiqani Cosoble

Farsamadii ::Mohamed Hassan Owsei

 

Twenty Young Journalists Finalized Training Improving Their Professional Skills In Mogadishu.

0

Mogadishu, Tuesday, April 30, 2025: The Federation of Somali Journalists (FESOJ) has completed training with young newly employed journalists across Somalia on professional skills in Mogadishu, Somalia.

 

The two-day training workshop, held from 28th to 29th April 2023 at Iftin Foundation Center in Mogadishu, hosted for 20 young journalists (13 male, 7 female) coming from various media outlets including radio stations, freelancers and journalism students.

 

“The intention is to improve the professional capacity of the young journalists especially in the ethics of journalism which is required to be practically adopted.” Farah Omar Nur, Secretary General of FESOJ pointed out in his opening remarks. He added there is yellow journalists reporting fake news that needs to be countered by respecting the media regulations.

 

“FESOJ is taking positive direction by promoting the capacity of young journalists and raise the understanding of ethical obligation, there is need for change, and we expect the trained journalists to put into practice what they have learned in future.” Ahmed Ali Mohamed Sharif, Head of FESOJ Training Department stated.

 

Mohamed Mohamud Adde, Senior Media Trainer has indicated that FESOJ is working towards protecting the safety of the journalists, improving their professional skills and strengthen their confidence.

 

On his part, Wali Hashi, Somalia Project Specialist at VIKES, emphasized that as a longstanding partner, VIKES continues to support FESOJ in enhancing the professional capacity of Somali journalists, particularly in the areas of journalistic ethics, media operations, and fostering positive attitude change.

 

He further highlighted that journalists are expected to demonstrate strong skills in research, investigative reporting, clear and accurate writing, effective interview techniques, objectivity, and critical thinking.

 

During the 2-day training proceedings, the participants were taken through the main themes focusing on: Journalism ethics, the media law, gender sensitive reporting, conflict sensitive reporting, use of social media – roles and critiques and combating disinformation.

 

Hassan Yusuf Osman Faray, a reporter from Radio Mogadishu, expressed his appreciation for the opportunity to participate in the impactful training organized by FESOJ in collaboration with international partners. He noted, “The workshop provided valuable insights on essential topics such as foundational journalism principles, strategies to combat disinformation, and conflict-sensitive reporting. I am especially grateful for the guidance and expertise shared by the experienced trainers throughout the sessions.”

 

Faduma Ahmed, a student at the Somali National University and working with the local SPTV, remarked: “I am pleased to have participated in this two-day training and commend FESOJ for organizing this valuable opportunity. I gained important knowledge on ethical journalism and conflict-sensitive reporting. I hope FESOJ continues these efforts to ensure Somali journalists are empowered and a safe media environment is realized.”

 

In his closing remarks, Farah Omar Nur, the Secretary General of FESOJ expressed to be very pleased with successfully concluding the 2 – day training for the newly young employed journalists with basic professional skills and what is believed to be important for the media including how to cover gender sensitive issues.

 

Furthermore, he mentioned the young journalists were exposed with the other themes including disinformation, how to deal carefully with the social media and the ethics that generally safeguard the professional skills.

 

“The Federation of Somali Journalists (FESOJ) is intending to implement similar training workshops with newly employed journalists in the major regional states across Somalia.” Farha Omar Nur, the Secretary General of FESOJ Stated.

 

The training workshop is part of program activities funded by the EU, supported by Free Press Unlimited (FPU) and implemented by FESOJ in cooperation with VIKES.

{DAAWO MUQAALKA} Waa imisa Xildhibaanada Hirshabeelle oo Mushaarka laga Jaray Manta.?

0

Arbaco 30, April  2025 {HMC} Waa imisa Xildhibaanada Hirshabeelle oo Mushaarka laga Jaray Manta.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Muhaajiriin horay go,aano looga soo saaray oo kusii qul qulaya deegaanada Puntland.

Arbaco 30, April 2025 {HMC} Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari , ayaa sheegaya in magaaladaasi maalmihii ladsoo dhaafay ay gaareen boqolaal muhaajiriin Itoobiyaan ah, kuwaa oo la sheegay in badankood ay doonayaan in Yemen uga sii gudbaan Boosaaso.

Maalmihii l;asoo dhaafay waxaa si weyn u kordhay qulqulka muhaajiriinta Itoobiyaanka ah gaar ahaan kuwa Oromada ah ee gaaraya magaalada Boosaaso, waxaana qeybo kamid ah magaalada laga dareemay imaanshaha dadkan cusub ee Itoobiyaanka ah.

Tan iyo bilowgii todobaadkan waxaa laamiga dheer ee u dhaxeeya magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso lagu arkaya boqollaal soogalooti u dhashay dalka Itoobiya, kuwaa oo iyaga oo lugeenaya tagayay magaalada Boosaaso oo ah halka ay joogaan Itoobiyaanka ugu badan ee Puntland kunool.

Intii uu socday dagaalka Calmiskaad, Puntland ayaa laba jeer raaftay boqollaal Soogalootigii u dhashay Itoobiya, gaar ahaan qowmiyadda Oromada, kaddib markii ay soo baxday xog amni oo xaqiijinaysa in ay Daacish ku biireen qaar badan oo kamid ah Soogalootigaasi.

Qulqulka Itoobiyaanka soo galaya deegaannada Puntland, ayaa kusoo aadaya xilli Puntland horey goáanno adag uga soo saartay ajaaniibta imaaneysa deegaannada Puntland ay ugu horreeyaan kuwa Itoobiyaanka, mana jirto tallaabo ay ilaa hadda qaadeen laamaha amniga oo la xariira imaanshaha Itoobiyaanka cudsub.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {30.04.2025}

Arbaco 30, April 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Ahmed Maaskaro

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Dowladda Soomaaliya oo Joojisay Dalka ineey soo galaan Dadka wata Baasaboorka Teewaan.

0

Arbaco 30, April  2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya oo Joojisay Dalka ineey soo galaan Dadka wata Baasaboorka Teewaan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Puntland oo sii Deeyneyso maxaabiis ay ku qabatay Dagaalkii Goojacade

0

Arbaco 30, April  2025 {HMC} Puntland oo sii Deeyneyso maxaabiis ay ku qabatay Dagaalkii Goojacade

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA