Home Blog Page 961

Prime Minister Hands Over Office to New Second Deputy Prime Minister.

0

Tuesday 29, April -2025 {HMC}  The Prime Minister of the Federal Government of Somalia, H.E. Hamza Abdi Barre, officially presided over the handover ceremony between the outgoing Second Deputy Prime Minister, H.E. Abdisaalam Abdulle Ali, and the newly appointed Second Deputy Prime Minister, H.E. Jibril Abdirashid Haji Abdi.

During the ceremony, Prime Minister Hamza emphasized the need to accelerate the government’s key priorities and urged the new Deputy Prime Minister to focus on critical national initiatives, including the implementation of the civil service salary harmonization policy, the liberation of areas still under terrorist control, and support for the armed forces fighting against the Khawarij insurgents.

The Prime Minister expressed gratitude to the outgoing Deputy Prime Minister for his significant contributions, particularly in advancing military operations against extremist groups and mobilizing public support for the heroic national forces.

Source SONNA 

 

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukuno kala duwan ku riday shakabad dadka tahriibin jiray

Talaado 29, April 2025 {HMC} Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ku riday koox lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin shabakad ka shaqeysa tahriibinta iyo ganacsiga dadka, iyadoo soo gabagabaysay dhageysiga dacwaddooda.

Guddoomiyaha maxkamadda, Salaax Cali Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxamed Jimcaale Raage iyo Maxamuud Cali Xasan, oo mid kasta lagu xukumay labo sano oo xabsi ah. Sidoo kale, waxaa lagu amray inay bixiyaan min 50 Halaad oo ah diyada afar haween ah oo ay tahriibiyeen oo ku geeriyooday tahriibka.

Maxkamaddu waxay sidoo kale ku xukuntay eedeysanayaashan inay si buuxda u bixiyaan dhammaan lacagihii ay ka qaateen qoysaska dadka ay tahriibiyeen. Waxayna amar kusoo saartay in lagala noqdo dammaanadaha ay bannaanka ku joogeen.

Sidoo kale, eedeysanayaasha kala ah, Cabdiwahaab Nuur Mahdi, Ibraahim Cabdi Ibraahim, Waliid Cabdullaahi Abuukar, iyo Cabdiqani Maxamed ayaa lagu xukumay min lix bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay inay si toos ah ama si dadban uga qayb qaateen dambiyada tahriibinta iyo ganacsiga dadka.

Xukunka eedeysanayaashaan wuxuu imaaneyaa xilli ay si aad ah u kordheen shabakadaha tahriibiya dadka ee ka howlgala gudaha Soomaaliya, iyadoo ay faraha kasii baxayaan tahriibka dhalinyarada iyo dadka waaweyn.

MW cirro “waxaanu muhiimad siin doonnaa sii-daynta maxaabiista iyo iyo isku socodka ganacsiga”

Talaado 29, April 2025 {HMC} Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ‘Cirro’, ayaa sheegay inay ka shaqaynayaan nabadaynta iyo sii-daynta maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Laascaanood.

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale xusay inay doonayaan in la furo mar kale isu-socodka ganacsiga iyo bulshada ee u dhexeeya deegaanada Somaliland iyo kuwa maamulka SSC-Khaatumo ee hadda ka arrimiyo.

“Gobolka Bariga Sool ee Somaliland, waxaanu muhiimad siin doonnaa sii-daynta maxaabiista iyo sidii dib layskugu furi lahaa isu-socodka bulshada iyo ganacsiga,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Hadalka Madaxweynaha ayaa yimid kadib markii dhawaan maamulka SSC-Khaatumo uu sii daayay 25 maxbuus oo ka mid ah maxaabiista ay Somaliland ka haystaan, kuwaas oo ay sheegeen inay duruufo gaar ah qabaan, iyada oo markii lasii daayay laga dejiyay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo safar ku tagay magaalada Laascaanood, ayaa hormuud ka ahaa sii-dayntooda, isagoo maamulka ku qanciyay in marka hore la sii daayo maxaabiista jilicsan.

Somaliland ayaa sheegtay inaanay la wareegi doonin maxaabiistaasi, waxayna ku eedaysay dowladda Soomaaliya inay arrinta maxaabiista siyaasadaysay. Waxay intaa ku dartay in haddii maxaabiis la is-waydaarsanayo, ay tahay in ay arrintaasi u dhacdo si dhexdhexaad ah, iyadoo loo marayo hay’adaha caalamiga ah sida Laanqayrta Cas.

Hadaba, qaar kamid ah warbaahinta Somaliland ayaa dhawaan wariyay in maxaabiistii Muqdisho diyaarad laga saaray oo laga dajiyay Hargaysa, iyada oo imaanshiyahooda warbaahinta laga qariyay lakiin xukuumada Somaliland may xaqiijin.

Hadalka Madaxweyne Cirro ayaa muujinaya in ay jirto fursad labada dhinac ay ku kala qaadan karaan maxaabiista, hase ahaatee madaxweynuhu si toos ah ugama uusan hadlin cidda dhexdhexaadinta samaynaysa ama wadada rasmiga ah ee loo marayo arrintaasi.

Somaliland ayaa shalay soo gabagabaysay qaramaynta kumannaan maleeshiyo beeleed ah oo la abuuray kadib dagaalkii Laascaanood, taasoo ay ku tilmaantay tallaabo muhiim u ah nabadaynta deegaanada Sool iyo Sanaag oo ay weli colaaduhu ka taagan yihiin.

Inkasta oo labada dhinac ee Somaliland iyo SSC-Khaatumo ay ku baaqayaan nabad, haddana ilaa hadda laguma guulaysan in ay miis wada-fadhiistaan si ay si dhab ah ugu xalliyaan colaadda.

{DAAWO MUQAALKA} Waa imisaa Maxaabiista SSC-Khaatumo ee maanta ay sii deysay Soomaaliland.

0

Talaado 29, April  2025 {HMC} Waa imisaa Maxaabiista SSC-Khaatumo ee maanta ay sii deysay Soomaaliland.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

RM xamse oo xilalka u kala wareejiyey RW ku Xigeenka 2-aad ee cusub iyo ku Xigeenkii hore

Talaado 29, April 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee cusub, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii Labaad ee hore Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo howlaha mudnaanta u leh dowladda, isla markaana Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka cusub looga baahan yahay in uu xoogga saaro qorsheyaasha Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan hirgelinta Siyaasadda Jaangoynta Mushaaraadka Shaqaalaha dowladda, dib-u xoreynta goobahay ay AS ku harsan yihiin iyo garab istaagga ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira AS.

Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenkii labaad ee hore, shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu qabtay, kuwaas oo ay kamid ahaayeen dardargelinta dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha AS ah, iyo abaabulka bulshada ee ku aaddan garab istaagga ciidamada geesiyaasha ah ee dagaalka kula jira AS.

{DAAWO MUQAALKA} Wargaadhi ayaa isugu tageynaa AS islama Joogeyno.

0

Talaado 29, April  2025 {HMC} Wargaadhi ayaa isugu tageynaa AS islama Joogeyno.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu MW QoorQoor kala hadlay James Swan?

0

Talaado 29, April  2025 {HMC} Muxuu MW QoorQoor kala hadlay James Swan?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Faah-Faahin Cusub oo laga soo saaray Khasaaaha Howlgalkii Mahadaay.

0

Talaado 29, April  2025 {HMC} Faah-Faahin Cusub oo laga soo saaray Khasaaaha Howlgalkii Mahadaay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} 56 sano kadib doorasho dadweyne in ay Soomaaliya ka dhacdo waa Guul aan la weyn. Wasiir daa’uud.”

0

Talaado 29, April  2025 {HMC} 56 sano kadib doorasho dadweyne in ay Soomaaliya ka dhacdo waa Guul aan la weyn. Wasiir daa’uud.”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {29-04-2025}

Talaado 29, April-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Cali Cad & Shukri Baryare

Farsamadii ::Mohamed Hassan Owsei