Home Blog Page 97

Masar oo sheegtay in Ciidanka ay usoo dirayso Soomaaliya uu wax ka baddelayo nabadgalyada Dalka

0

isniin 16 Feb 2026 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa uu usoo dirayo Soomaaliya ay rajo wanaagsan ka qabaan inay qayb weyn ka qaataan isbaddelka Amniga Dalka sida uu hadalka u dhigay.

Waraysi uu bixiyay waxa uu ku sheegay in ka sokoow in ciidamada Masar ay qayb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM in ay haddana ka go’an tahay inay door muuqda ka qaataan sidii ay qayb uga noqon lahaayeen adkaynta amniga Soomaaliya.

Wasiirka oo sii hadlay ayaa sheegay in Masar ay Aqoon buuxda u leedahay howlgallada Nabad ilaalinta sidaas awgeed ay ciidankooda fahamsan yihiin waxyaabaha waajibka ku ah marka loo dil dalalka u baahan in Dowladdooda la gacan qabto.

“Masar waxa ay diyaarisay Ciidamadii ay u diri lahayd Soomaaliya, ujeedkeenna waa in aan wax kusoo kordhinaa howlgallada nabad ilaalinta, waxaa naga go’an in aan xoogga saarno adkaynta ammaanka oo aan la shaqayno Ciidamada Soomaalida ah iyo kuwa kale ee Afrika” Sidaasi waxaa yiri, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

Waxa uu markale adkeeyay in Mowqifka Jamhuuriyadda Carbeed Masar ee Soomaaliya uu yahay in aan la kala qaybin oo mid ay tahay Soomaaliya, isaga oo cambaareeyay faragelinta Israa’iil iyo sharci darrada ay kula dhaqaaqday Soomaaliya.

“Mowqifka Masar waa mid marweliba cad, Soomaaliya waa mid mana jirto sabab loo kala qaybin karo, Faragelinta Israa’iil ay ku samaysay waa mid sharciga dhinac marsan, waxaan garab taaganahay Dowladda iyo Shacabka aan walaalaha nahay ee Soomaaliya” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty.

Masar ayaa ku biirtay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ka socda, waxa ay dhowaan soo bandhigtay ciidamo wata Gaadiid ka duwan kuwa ay wataan Askarta AUSSOM isla markaana dhoollatus ku hor sameeyay Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Masar.

Israa’iil oo dirtay dalab la xirriira heshiiska nukliyeerka Iran.

0

isniin 16 Feb 2026 {HMC} Raysal wasaaraha Israa’iil ayaa dalbaday in meesha laga saaro dhamaan uranium-ka la kobciyay ee Iran iyada oo qayb ka ah heshiis kasta oo laga gaaro barnaamijka nukliyeerka Texran.

Benjamin Netanyahu ayaa hadalkaan jeediyay, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda Iran uu u safray Switzerland, si uu uga qayb galo wareeggii ugu dambeeyay ee wadahadallada aan tooska ahayn ee lala yeelanayo Mareykanka.

Wadahadallada Talaadada dhacaya ayaa waxaa ka qeyb gali doona ergeyga gaarka ah ee Mareykanka, Steve Witkoff iyo wiilka uu sodogga u yahay madaxweyne Trump, Jared Kushner.

Horaantii, ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay, in dowladdiisu ay u furan tahay tanaasul haddii cunaqabateynta la qaado, balse aysan ka hadli doonin barnaamijkeeda gantaalaha ballistic-ga – dalab kale oo muhiim ah oo Israa’iil ay waddo.

Netanyahu waxa uu sheegay in uu ka walwalsan yahay heshiiska Mareykanka iyo Iraan ee hubka nukliyeerka, laakiin waa in uu ku jiraa in laga saaro uranium-ka la kobciyay ee Iiraan ayuu yiri.

Mareykanka oo markab kale gacanta ku dhigay.

0

isniin 16 Feb 2026 {HMC} Ciidamada Mareykanka ayaa qabtay markab shidaal oo la yiraahdo Veronica III, kaas oo ku safrayay calanka Panama oo xili uu marayay Badweynta Hindiya.

Ciidamadan ayaa ku daba jiray markabka marayay Badda Caribbean-ka.

Mareykanka ayaa ku eedeeyay markabka inuu jebiyay cunaqabataynta saaran shixnadaha saliidda ee ka imanaya Venezuela.

Kani wuxuu ahaa faragelintii labaad ee Mareykanku ku sameeyo Badweynta Hindiya usbuucii la soo dhaafay.

Mareykanka ayaa dhawaan kordhiyay cadaadiska saaran Venezuela ee ku aaddan cunaqabataynta saaran dhoofinta shidaalka.

“Masaafada kuma ilaalinayso,” ayuu Pentagon-ka Mareykan ku yiri bayaan uu soo saaray, iyagoo dhanka kalena soo dhigay muuqaal iyo sawirro la rumaysan yahay inay muujinayaan xilligii la qabtay markabka.

Mareykanka ayaa tan iyo sannadkii hore qabtay ugu yaraan toddobo markab oo shidaal qaada, taasoo qayb ka ah dadaalladiisa lagu xakameynayo sahayda saliidda ee Venezuela.

{DAAWO MUUQAALKA} Turkiga oo iskaashi la sameeynayo Dal kale si loo qodo shidaalka Soomaaliya

0

Isniin 16 Feb 2026 {HMC} Turkiga oo iskaashi la sameeynayo Dal kale si loo qodo shidaalka Soomaaliya

{DAAWO MUUQAALKA} Rag weeraro iyo Qaraxyo horay ugu Geeystay Muqdisho oo la tooktay.

0

Isniin 16 Feb 2026 {HMC} Rag weeraro iyo Qaraxyo horay ugu Geeystay Muqdisho oo la tooktay.

Shiinaha oo Dowladda Iiraan ku wareejiyay raadaarka Casri ah.

0

Axad 15 Feb 2026 {HMC} Warbaahinta Shiinaha ee Chinaplus, ayaa maanta ku warrantay inuu Shiinaha ku wareejiyay Iiraan , raadaarka nooca YLC-8B, oo lagu naynaaso ugaarsadaha diyaaradaha is qariya .

Raadaarkan waxaa soo saarta shirkadda Shiinaha ee CETC, waxaana loogu talagalay inuu ka hortago diyaaradaha dagaalka ee is qariya sida F-35 iyo F-22.

Warbixintu waxay sheegtay in YLC-8B uu awood u leeyahay inuu ogaado diyaaradaha noocaas ah masaafo gaareysa ilaa 350 kiiloomitir, taasoo ka dhigaysa inay Iiraan heshay awood sare oo ay kula socon karto diyaaradaha casriga ah ee soo galaya hawadeeda, xilli ay jirto xiisad sare martay oo u dhexaysa Iiraan iyo Mareykanka.

Madaxweyne Erdoğan oo shaaciyey inuu dib u dhigay booqashadii uu ku tegi lahaa Imaaraadka Carabta.

0

Axad 15 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed bin Zayayid Al Nahyan, si uu xog-wareysi uga yeesho xaaladdiisa caafimaad.

Madaxweyne Erdoğan ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay xanuunka soo wajahay Madaxweyne Al Nahyan, isagoo u rajeeyey caafimaad degdeg ah iyo soo kabasho taam ah.

Sidoo kale, Madaxweyne Erdoğan ayaa shaaciyey inuu dib u dhigay booqashadii uu ku tegi lahaa dalka Imaaraadka Carabta, sabab la xiriirta xaaladda caafimaad ee MBZ, isagoo xaqiijiyey inuu booqashadaas ku tegi doono waqti kale oo ku habboon oo dib laga soo muddeyn doono.

{DAAWO MUUQAALKA} FALANQEYN:- Kulamo gaar gaar ah oo ka socda Muqdisho.

0

Axad  14 Feb 2026 {HMC} FALANQEYN:- Kulamo gaar gaar ah oo ka socda Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

{DAAWO MUUQAALKA} Egypt Air oo Bilaawday Duulimaad Too s ah Magaalooyinka Muqdisho iyo Madiina.

0

Axad  14 Feb 2026 {HMC} Egypt Air oo Bilaawday Duulimaad Too s ah Magaalooyinka Muqdisho iyo Madiina.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka 15-02-2026.

0

Axad  14 Feb 2026 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka Ee Warbaahinta HMC Soomali Tv.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.