Home Blog Page 990

Goddoonka labada Aqal ee BFS oo kulan la qaatay guddiga Dib u eegista Dastuurka

Arbaco 23, April 2025 {HMC} Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeennada labaad ee Golayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Guddiga Lasocodka iyo Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa Aqal.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddiga Madaxabanaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, iyaga oo halkaas looga dhageystay warbixin ku saabsan marxaladaha ay marayaan howlaha la xiriira dib u eegista dastuurka iyo qorshayaasha uga degsan xiliga ay Baarlamaanka horgeeynayaan cutubyada harsan.

Sidoo kale, Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddiga Lasocodka, dib u eegista Dastuurka ee BFS iyo guddiga Madaxabanaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa isku raacay dardargelinta howlaha la xiriira dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka.

Horay labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyeen 4ta cutub ee ugu horraysa Dastuurka Kumeeel gaarka ah.

{DAAWO MUQAALKA} Roobab khasaaro Nafeed Geystay oo ka da’ay wadanka kenya.

0

Arbaco 23, April  2025 {HMC} Roobab khasaaro Nafeed Geystay oo ka da’ay wadanka kenya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Booliska Australia oo faah faahin ka bixiyay dil ay u geysteen wiil soomaali ah

Arbaco 23, April 2025 {HMC} Booliska dalka Australia ayaa faah faahin ka bixiyay sababihii ka dambeeyay inay toogtaan wiil Soomaali ah waxaana ay sheegeen ay toogasho ku dileen nin ka mid ah Soomaalida ku nool magaalda Melbourne oo ay sheegeen in uu middi ku hubaysnaa, Arrintaan oo ay aad uga caroodeen Soomaali iyo Afrikaan kale oo ka banaanbaxay dilkaas.

Ninka Soomaaliga ah ee ay booliska toogteen ayaa waxaa lagu magacaabayay Cabdifataax Axmed, waxaana la sheegay inuu la tacaalayay xanuunka dhanka maskasxda ah, waxaana dilka muwaadinkaan ay dhalisay in Muwaadiniin kasoo jeeda wadamada Africa ay ka banaan baxaan.

Dadka bannaanbaxa dhigayay waxaa ka mid ah Fartuun Axmed oo ku sugan magaalada Melbourne ka tirsan ururrada Jaaliyadda ee ka dhisan dalkaas, Waxay BBC-da u sheegtay in sababta ay u bannaanbaxeen ay tahay inay ka dhiidhiyaan dhibaatadii iyo dilkii loo geystay Cabdifataax.

“Waxaan halkaan isugu soo baxnay anagoo ah Jaaliyadaha Soomaalida ee Victoria iyo kuwa Afrikaanka ahba inaan ka hadalno oo aan ka mudaaharaadno dhibaatadii iyo dilkii foosha xumaa ee loo geystay walaalkeen Cabdifataax Axmed taas oo dhammaanteen argagax iyo shoog nagu riday” ayay tiri Fartuun Axmed.

Soomaalida dalkaasi ku nool ayaa shaaca ka qaaday inay farriin dheer u dirayaan dowladda Australia iyo gaar ahaan dowladda Victoria inay arrintaas tallaabo ka qaadaan oo ay arrintaas sida ay ku dhacday oo cadeynteeda leh lala wadaago jaaliyadaha ka dhisan Victoria.

Booliska Victoria ayaa weli wada baaritaanno la xiriira dilka toogashada ay u geysteen ninkan Soomaaliga ah ee 35 jirka ah oo ay sheegeen inuu ku hubeysnaa torreey, Cabdifataax ayaa waxaa la dilay habeenimadii Khamiistii la soo dhaafay.

Sarkaal u hadlay booliska ayaa sheegay in la soo wacay oo markii ay goobta soo gaareenna ay arkeen ninkan oo toorrey ku hubeysan kuna amreen inuu dhigo toorreyda, Sarkaalka booliska ayaa sheegay in labada askari ay rasaasta wada fureen maadaama sida la sheegay aysan wadan aaladaha kale sida sunta ka ilmeysiisa iyo korontada qofka gariirisa.

Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo Doortay Gudoomiye Cusub

Arbaco 23, April 2025 {HMC} Kulan ay maanta iskugu yimaadeen Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku doorteen Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka BFS.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska guddiga ee xarunta guddoonka iyo guddiyada Villa Hargeysa, waxa ay xubnaha guddiga ku doorteen Guddoomiyaha cusub ee guddiga oo ay u doorteen Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame kuna magac dheer ah Xildhibaan Qawdhan.

Xildhibaan Qawdhan ayaa badeli doona guddoomiyihii hore ee guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux oo dhowaan loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Doorashada kadib Xildhibaan Qawdhan ayaa ka mahadceliyay inay mudanayaashaan u doortaan Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda waxaana eebe uu ka rajeeyay in shaqadaan u fududeeyo.

Ugu dambeeyntii, Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Guddoomiyaha cusub ee guddiga maaliyadda kula dardaarmay inuu dardargeliyo shaqada guddiga, isaga oo xubnaha kale guddiga ku booriyay in ay guddoomiyaha cusub la shaqeeyaan.

Turkiga oo qaadanayo 90% shidaalka iyo Gaaska uu kasoo saaro Soomaaliya

Arbaco 23, April 2025 {HMC} Turkiga ayaa yeelan doona ilaa 90 boqolkiiba dakhliga kasoo baxa saliidda iyo gaaska laga soo saaro Soomaaliya, sida uu muujinayo heshiiska labada dal oo markii ugu horraysay nuqulkisa si rasmi ah loo helay.

Sida ay qortay Nordic Monitor, Heshiiska ayaa u ogolaanaya shirkad Turkiga laga leeyahay inay sahamin iyo soo saarid ka fuliso xeebaha Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay heli doonto kaliya saami dhan 5% boqolkiiba dakhliga guud ee kasoo baxa kheyraadkaasi.

Sida laga arkayo dukumintiga, Turkiga ayaa ballan qaaday inuu bixiyo kharashyada sahminta iyo

qalabeynta, halka Soomaaliya ay noqon doonto la-hawlgalaha rasmiga ah.

“Sida ku cad Qodobka 4.7, Turkigu wuxuu xaq u leeyahay ilaa 90% batroolka ama gaaska uu sannad walba soo saaro iyadoo loo marayo nidaamka “cost petroleum,” taasoo u oggolaanaysa inuu daboolo kharashaadka sahminta iyo soo saarista kahor inta aan la qaybsan faa’iidada,” ayaa lagu yiri heshiiska.”

Si kastaba ha ahaatee, saamiga dakhliga ayaa dhaliyay dood weyn oo ku saabsan caddaaladda heshiiskan. Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya ayaan wali si rasmi ah uga hadlin faahfaahinta heshiiska.

Diblomaasiyiin iyo falanqeeyayaal dhaqaalaha ah ayaa sheegay in heshiiska noocan oo kale ah uu noqon karo mid lagu lumin karo mustaqbalka dhaqaalaha dalka haddii aan dib-u-eegis lagu sameynin.

Baarlamanka Soomaaliya oo horey u meel mariyay heshiiskaan ayaan arkin nuqulka rasmiga ah ee heshiiska, sida ay sheegeen xildhibaano dhaliilsanaa heshiiskan.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {23-04-2025}

Arbaco 23, April-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Cabdiqani cosoble & Shukri Baryare

Farsamadii ::Mohamed Hassan Owsei

Hoggaamiye firdhiye “Deegaanno dadkayagu deggenaayeen ayaa laga soo barakiciyay dadkayagii”

Arbaco 23, April 2025 {HMC} Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa sheegay inuu doonayo in dadka reer Sanaag ay la dhistaan maamulkiisa, si hal maamul ay u wada yeeshaan.

Wuxuu sheegay inay wadaan qorshe ay ku wiiqayaan Somaliland, isla markaana lagaga hortagayo gooni-isu-taaga Somaliland, taasoo ah in gobollada Sool iyo Sanaag gabi ahaanba laga jaro Somaliland.

“Waxa noo qorshaysan in dadka gobollada Sool iyo Sanaag la isu keeno, la mideeyo, maamul ay u dhan yihiin oo ay ku midaysan yihiin ay wada dhistaan,” ayuu yidhi Firdhiye.

Firdhiye ayaa Somaliland ku eedeeyay inay dhibaato u gaysatay qaybo kamid ah dadka reer Ceerigaabo, oo magaalada ka qaxay kaddib cabsi ka dhalatay xaalado amni darro oo ay magaaladu wajahday, isaga oo sheegay inay magaalada la wareegi doonaan.

“Deegaanno dadkayagu deggenaayeen ayaa laga soo barakiciyay dadkayagii. Waxaan filayaa in Soomaaliya iyo caalamkuba ay daawadeen barakicintii, boobkii iyo dhibaatadii dadka loo geystay. Weli guryahoodii waa laga haystaa, way ku noqonayaan, waxa ku celinaya waa maamulkooda,” ayuu yidhi Firdhiye.

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku taamaya inuu Somaliland kala wareego gobollada Sanaag iyo Sool qaybaha ay gacanta ku hayso, iyadoo dhowr jeer uu hoggaamiye Firdhiye ku baaqay in loo diyaar garoobo arrintaas.

Somaliland ayaa sheegtay inay difaacayso gobolladan, iyadoo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, uu sheegay in Somaliland aysan ka tanaasuli doonin wax ka mid ah xuduudihii ay ka dhaxashay Ingiriiska.

Xaaladda deegaanadan weli ma saldhigin, inkastoo ay Somaliland sheegtay inay dhigayso gogol nabadeed, isla markaana ay qarameysay ciidamadii beelaha ee dhankeeda ka socday, haddana muranka dhuleed ee labada dhinac wali wuu taagan yahay, waxaana jiray isku dhacyo ciidan oo khasaare sababay maalmihii lasoo dhaafay.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 23/04/2025

0

Arbaco 23, April  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

Sacuudiga oo digniin u dirtay dadka doonaya inay sanadkan xajka gutaan.

0

Arbaco 23, April 2025 {HMC}  Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa ku adkeysay cid walba oo dooneysa inay sanadkan (1446 AH) waajibaadka Xajka soo gudato ay qasab ku tahay inay heystaan fiisaha oo ay ka dalbadeen barta Nusuk, si loogu hoggaansamo hannaanka mideysan ee casriga ah ee loogu talo-galay bixinta fiisaha Xajka kaasoo lagu magacaabo Tasriix.

Wasaaraddu waxay ku nuuxnuuxsatay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo nidaamka iyo awaamiirta si loo sugo ammaanka Martida Allaah iyo in si fudud oo deggan loo guto Xajka.

Wasaaraddu waxay caddeysay inaysan jirin dal-ku-gal ah qofka u oggolaanaya in uu xajka soo guto marka laga reebo fiisaha rasmiga ah ee Xajka, isla markaana haddii la isku dayo in uu sharci la’aan soo guto ay xad-gudub ku tahay shuruucda iyo xeerarka xajka.

Waxaa jira dadka qaar oo heysta fiisaha caadiga ah ee Sacuudiga, kuwaas oo u heysta inay sidoo kale Xajka kusoo gudan karaan, arrintaas ayay wasaaraddu sheegtay inay ka hortagayaan.

Waxay sidoo kale ka digtay khiyaanada iyo been abuurka ku lugta leh barnaamijyada xajka ee been abuurka ah, kuwaas oo lagu xayeysiiyo xayaysiisyada marin habaabinta ah ee baraha bulshada ee bixiya hoyga iyo gaadiidka gudaha goobaha barakeysan.

Wasaaraddu waxay ku boorrisay dadweynaha inay soo sheegaan xadgudubyadan oo kale iyagoo wacaya 911 ee gobollada Makka, Riyaad, iyo Gobolka Bari, ama 999 ee meelaha kale ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Warbixinnada xayaysiisyada shakiga leh waxaa sidoo kale loo gudbin karaa maamullada waddan kasta.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay xustay in maalinta ugu dambaysa ee dadka haysta fiisaha Cumrada ay ka dhoofayaan Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay tahay Talaadada oo ay taariikhdu tahay 1-da Dul-Qi’dah 1446 Hijriyada (April 29, 2025), iyadoo loo diyaar garoobayo gudashada waajibaadka Xajka.

Nusuk Xaj waa goobta hal meel looga wada-heli karo adeegyada Xajka oo ay maamusho Wasaaradda Xajka iyo Cumrada, waxaana xujeyda ka imaanaya dalalka loo adeegayo ay u soo bandhigaan xirmooyin kala duwan oo xajka ah.

Xajka sanadkan

Sanadkan, Xajka ayaa la gudan doonaa inta u dhaxeysa 4-ta ilaa 9-ka bisha June. Fiisaha Xajka ayaa keliya loogu talo-galay inta lagu gudajiro gudashada Xajka, iyadoo marka ay soo dhammaato xujeyda dhan laga doonayo inay dalka isaga tagaan.

Dadka deggan gudaha Sacuudiga ayaa xitaa laga doonayaa inay heystaan waraaqaha rasmiga ah ee xajka lagu gudanayo, iyadoo haddii aysan heysan aan loo oggolaan doonin.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga ayaa dhowaan 1-da Dul Qacda, oo ku beegan April 29, u asteysay maalinta ugu dambeysa ee cid walba oo ajaanib ah oo dalkaasi cumro u tagtay ay uga baxdo.

Wasaaradda ayaa sheegtay in tallaabadan ay qaadday si loo bilaabo isu diyaarinta Xajka.

War ay soo saartay, ayay wasaaraddu ku sheegtay in 15ka Shawaal, oo ku beeganeyd April 13, ay tahay maalinta ugu dambeysa ee aan loo oggolaan doonin dadka inay dalkaas u tagaan cumro.

Wasaaradda ayaa sheegtay in cid walboo lagu helo inay dalka sii joogto muddada kama dambeysta ah ay meel uga dhacayso shuruucda ayna ciqaab mudan doonto.

Waxay ugu baaqday dadka iyo shirkadaha cumrada inay u hoggaansamaan amarrada.

Ciddii u hoggaansami weysa amarkan ayaa wajihi doonta ganaax dhan 100,000 oo riyaal.

{DAAWO MUQAALKA} Maxuu yahay deegaanka ay isku haystaan Somaliland iyo Itoobiya oo Dakada Laga dhisayo.?

0

Arbaco 23, April  2025 {HMC} Maxuu yahay deegaanka ay isku haystaan Somaliland iyo Itoobiya oo Dakada Laga dhisayo.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA