Jimco 23 Agoosto 2024 {HMC} Ciidanka Puntland ayaa toddobaadyadii u dambeeyay howlgallo ka wada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, si loo xaqiijiyo amaanka dadka iyo Deegaanka.
Howlgaladaan ayaa looga jawaabayaa cabashada dadweynaha gobolka ee la gudbiyay inta uu Gaalkacyo ku sugnaa Madaxweynaha Puntland saciid Cabdullahi Dani sida ay Warbaahinta u sheegeen saraakiisha Magaalada Gaalkacyo.
Howlgalka ciidanka amniga ayaa soo dhaweyn ka helay bulshada Gaalkacyo, sababo la xiriira hab-dhaqanka iyo wada-shaqeynta wanaagsan ee ay bulshada la leeyihiin ciidanka ka qeybqaadanaya howlgalka xasillinta amniga magaalada Gaalkacyo.
Inta uu howlgalka socdo ciidanka ayaa lagu arkaya waddooyinka iyo xaafadaha, kuwaaso baaraya gaadiidka iyo dadweynaha, waxaa mar horaba lagu sheegay howlgalkan inay hoos u dhaceen falalkii amniga lidiga ku ahaa, hubkii magaalada lala dhex mari jiray, xabbadihii iska dhici jiray iyo dhaca tuugada.
Bulshada gaalkacyo ayaa rajeyneeyso inuu sii socdo oo aan lagu ekeyn inta uu qoyan-yahay raadkii booqashadii Madaxweynaha madaama Amniga wanaagsan uu muhiim u yahay Bulshada Magaalada .
Saraakiisha Amaanka Gobolka Mudug ayaa shacabka Gaalkacyo ka dalbaday in ay si dhaw ula shaqeeyaan si loo helo isku xirnaan u dhaxeeyso Bulshada Iyo Shacabka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.



