Puntland oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah kalluumaysiga sharci-darrada ah ee xeebaheeda

0
7

Arbaco 22 april 2026 {HMC} Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Puntland ayaa shaaca ka qaadday in ay qaadi doonto tallaabooyin adag oo ka dhan ah Soomaalida iyo ajaaniibta ku lugta leh kalluumaysiga sharci-darrada ah ee ka socda xeebaha Puntland.

War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in la xoojinayo howlaha kormeerka iyo ilaalinta badda, si looga hortago falalka kalluumaysiga sharci-darrada ah (IUU), kuwaas oo si weyn u saameeyay khayraadka dabiiciga ah iyo nolosha bulshada ku tiirsan kalluumaysiga.

Wasaaraddu waxay caddeysay in cid kasta oo lagu helo falal noocaas ah lala tiigsan doono tallaabooyin sharci ah, iyadoo sidoo kale sheegtay in la adkeynayo nidaamka bixinta ruqsadaha kalluumaysiga si loo hubiyo in howlaha badda ay u dhacaan si waafaqsan sharciga.

Dhanka kale, Puntland ayaa ugu baaqday ganacsatada iyo maalgashadayaasha inay si sharci ah uga faa’iideystaan fursadaha kalluumaysiga, iyadoo la dhiirrigelinayo horumarinta qaybo ay ka mid yihiin kalluun-beerista, kaydinta qabow (cold chain), iyo suuq-geynta.

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay kuwo lagu ilaalinayo khayraadka badda, laguna xaqiijinayo koboc dhaqaale iyo sugnaanta cuntada ee gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here