spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo Hakisay Qeyb ka Mid ah Shaqooyinkii ay...

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo Hakisay Qeyb ka Mid ah Shaqooyinkii ay qaban jirtay.

0
27

Arbaco 1 Oct 2025 {HMC} Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday hakinta qayb ka mid ah howlgalkeeda caadiga ah, kadib markii dowladda Mareykanka ay gashay xaalad xirnaan dowladeed (government shutdown) oo saameynaysa adeegyada dowladda dhexe.

Bayaan ay safaaraddu ku daabacday barta X ee horey loogu yaqaanay Twitter ayaa lagu sheegay “Sababo la xiriira joojinta miisaaniyadeed, akoonkan X lama cusbooneysiin doono si joogto ah ilaa howlgalada buuxa ay dib u bilaabmaan, marka laga reebo macluumaadka degdegga ah ee la xiriira amniga iyo badbaadada.”

Tani waxay la micno tahay in safaaraddu aysan bixin doonin adeegyo badan oo ay caadiyan siiso muwaadiniinta iyo xiriirka diblomaasiyadeed, marka laga reebo arrimaha muhiimka ah sida amniga muwaadiniinta Mareykanka.

Xaaladdan ayaa sidoo kale saameysay safaarado kale oo Mareykan ah oo ku yaalla gobolka, sida kuwa ku yaalla Itoobiya iyo Jabuuti, kuwaas oo iyaguna hakiyay qaar ka mid ah adeegyadoodii sababo la xiriira isla arrintan.

Xirnaanshaha dowladda Mareykanka ayaa ah mid dhacda marar badan marka ay Kongareeska iyo Aqalka Cad ku guuldareystaan in ay ku heshiiyaan miisaaniyadda dowladda, Saameynta arrintan waxay gaaraysaa shaqaalaha dowladda, safaaradaha, adeegyada bulshada, iyo guud ahaan xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanku la leeyahay caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here