Saturday 25 april 2026 {HMC} Safiirkii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiyay dalka Koonfur Afrika, Maxamed Sheekh Isxaaq Ibraahim, ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay muddo-xileedkiisii diblomaasiyadeed, isagoo xilka safaaradda ku wareejiyay sii-hayaha cusub ee xilkaas, Ismaaciil Cabdalla Soomane.
Tallaabadan ayaa astaan u ah isbeddel hoggaamineed oo ku yimid hawlgalka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Pretoria.
Munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacday dhismaha safaaradda, ayna goobjoog ka ahaayeen diblomaasiyiin iyo hawlwadeenada xafiiska, ayaa Danjire Maxamed Sheekh waxa uu mahadcelin ballaaran u jeediyay shaqaalaha safaaradda.
Wuxuu ku ammaanay wada-shaqayntii hufnayd iyo wadajirkii ay muujiyeen muddadii uu xafiiska joogay.
Dhankiisa, sii-hayaha cusub ee safaaradda, Ismaaciil Cabdalla Soomane, ayaa qiray waxqabadka muuqda ee safiirka xilka wareejiyay, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay dadaalladiisii ku aaddanaa horumarinta safaaradda iyo dardargelinta adeegyada aasaasiga ah ee loo fidinayo jaaliyadda weyn ee Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas.
Dhanka kale, maamuus ka baxsan xarunta safaaradda oo lagu muujinayo miisaanka diblomaasiyadeed ee safiirka, ayaa Xafiiska Jaamacadda Carabta ee magaalada Pretoria waxa uu Danjire Maxamed Sheekh u sameeyay munaasabad sagootin ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay.
Munaasabaddan ayaa ujeeddadeedu ahayd in lagu maamuuso doorkiisii firfircoonaa ee uu ku dhex lahaa fagaarayaasha diblomaasiyadda caalamiga ah muddadii uu dalkaas ka hawlgalayay.
Xanaan Jarrar, oo ku hadlaysay magaca Ku-xigeenka Hormuudka Safiirrada Carabta ee Koonfur Afrika, oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedisay madasha, ayaa si weyn u bogaadisay doorka muhiimka ah ee uu danjiraha baxaya ka qaatay xoojinta iskaashiga iyo wadajirka u dhexeeya dalalka Carabta iyo kuwa Afrika.
Jarrar ayaa u rajaysay safiirka mustaqbal wanaagsan, iyadoo dhanka kalena xaqiijisay in ay si buuxda u taageeri doonaan safiirka cusub ee Soomaaliya, waxayna adkaysay in wada-shaqaynta joogtada ah ee ergada diblomaasiyadeed ay laf-dhabar u tahay xaqiijinta yoolalka wadajirka ah ee heer qaran, heer gobol, iyo heer caalami.



