Arbaco 1 Oct 2025 {HMC} Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/le dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa maanta gaaray deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Safarka Taliyaha ee deegaanka Janaale ayaa salka ku haya dardar-gelinta howlaha Guutada ee Aagga Magaalada Marka iyo howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ee muddoyinkan si dardar leh uga socday Tuulooyinka howdka ah ee dhaca Janaale.
G/le dhexe Cabdiraxiin Munye, Taliyaha Guutada 14-ka October waxaa deegaanka Janaale ku soo dhaweeyay Saraakiisha Guutada ee deegaanka oo uu hoggaaminayay Kaaliyaha Guutada 14-ka October G/le Mustaf Cumar Caalin “Eji-cadde” Saaxiibada AUSSOM fadhigooda deegaankaas iyo Gudoomiyaha deegaanka Janaale Cabdiraxmaan Al-caddaala.






