spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Saraakiisha Booliska Muqdisho oo kulan Ka yeeshay Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay ee Caasimadda...

Saraakiisha Booliska Muqdisho oo kulan Ka yeeshay Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay ee Caasimadda ka dhacay.

0
42

Arbaco 1 Oct , 2025 {HMC}  Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee saraakiisha Booliska Caasimadda.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlgaladii toddobaadkii la soo dhaafay, iyadoo sidoo kale lagu gorfeeyay sidii loo xoojin lahaa amniga caasimadda loona dar-dargelin lahaa howlaha looga hortagayo khataraha amniga iyo la dagaallanka burcadda.

Taliyaha ayaa saraakiisha ku adkeeyay inay sii laba-jibbaaraan dadaalladooda, si loo xaqiijiyo amniga shacabka loona xoojiyo wada shaqaynta guud ee Hay’addaha Amniga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here