Jimco 17 april 2026 {HMC} Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya iyo Midowga Afrika, Cabdullaahi Warfaa, ayaa ka digay faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo madaxbannaanida dalka ay keeni karto cawaaqib, oo ay ka mid tahay in la xaddido isticmaalka marinka Bab-el-Mandeb.
Safiirka ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in cid kasta oo isku dayda in ay farageliso arrimaha Soomaaliya ay la kulmi doonto jawaab adag. Hadalkan ayuu si gaar ah ugu beegsaday tallaabada ay Israa’iil ku magacawday safiir ay u soo dirayso Somaliland, taas oo Dowlada Soomaaliya ay ku tilmaantay mid si toos ah u dhaawacaysa madaxbannaanideeda.
“Dal kasta oo faragelin ku sameeya arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isla markaana wax u dhimaya midnimadeeda dhuleed iyo madaxbannaanideeda, waxa uu la kulmi doonaa cawaaqib ay ka mid noqon karto xaddidaad lagu soo rogo isticmaalka marinka Bab-el-Mandeb” ayuu yidhi Danjire Warfaa.
Waxyaabaha u sahli kara Soomaaliya in ay qaaddo tallaabooyin noocaas ah waxaa ka mid noqon kara xoojinta cadaadiska diblomaasiyadeed, dhisidda iskaashi dhow oo ay la yeelato dalalka gobolka, iyo ka shaqaynta go’aanno ka soo baxa hay’adaha caalamiga ah si loo kordhiyo kormeerka ama loo saameeyo dhaqdhaqaaqa maraakiibta.
Si kastaba ha ahaatee, ma fududa in Soomaaliya si toos ah u xaddido ama u cunaqabateyso marinka Bab-el-Mandeb, maadaama ay jiraan caqabado la xidhiidha awoodda iyo saamaynta ay ku leedahay goobtaas. Hirgelinta tallaabooyin noocaas ah waxay inta badan ku xidhnaan doontaa awood ciidan, heshiisyo caalami ah, iyo heerka iskaashi ee ay la leedahay dalalka gobolka iyo kuwa kale ee daneeya amniga marinka.
Marinka Bab-el-Mandeb laftiisa wuxuu ku yaallaa inta u dhaxaysa xeebaha Jabuuti iyo Yemen, waana marin istaraatiiji ah oo isku xidha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Inkastoo Soomaaliya ay leedahay xeeb dheer oo ku fidsan Gacanka Cadmeed, marinkaasi si toos ah uguma yaallo dhulkeeda, sidoo kale Somaliland oo sheegtay in ay Soomaaliya ka go’aday ayaa Gacanta ku haysa in badan xeebaha Gacanka Cadmeed oo ka sokeeya marinka.
Ugu dambayn, dowladda Soomaaliya ayaa si guud u cambaaraysay tallaabada Israa’iil ee magacaabista safiirka, iyada oo ku tilmaantay faragelin cad. Dhanka kale, Somaliland ayaa si diirran u soo dhawaysay magacaabistaasi, iyada oo u aragta tallaabo diblomaasiyadeed oo muhiim u ah xidhiidhka caalamiga ah iyo raadinta aqoonsi rasmi ah.



