Soomaaliyaayaa si rasmi ah u ansixisay heshiis caalami ah oo la xiriira isticmaalka nabadeed ee tamarta niyuukleerka.

0
10

Jimco 6 March 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixisay heshiis caalami ah oo la xiriira isticmaalka nabadeed ee tamarta niyuukleerka, kaas oo lala galay International Atomic Energy Agency.

Heshiiskan ayaa la sheegay inuu diiradda saarayo xoojinta badbaadada iyo kormeerka isticmaalka tiknoolajiyadda niyuukleerka, iyadoo loo adeegsanayo ujeeddooyin nabadeed sida horumarinta caafimaadka, beeraha iyo ilaalinta deegaanka.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2024 xubin ka noqotay hay’addan, balse hadda ayay si rasmi ah u ansixisay heshiiska muhiimka ah ee la xiriira ka-hortagga faafitaanka hubka niyuukleerka iyo hubinta in teknoolojiyaddan loo isticmaalo si mas’uuliyad leh.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in tallaabadan ay muhiim u tahay mustaqbalka dalka, isla markaana ay ka tarjumeyso dadaalka dowladda ee ku aaddan iskaashi caalami ah iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Xukuumadda ayaa sidoo kale sheegtay in heshiiskan uu Soomaaliya u sahli doono inay ka faa’iideysato tababarro iyo taageero farsamo oo ay bixiyaan khubaro caalami ah, taas oo gacan ka geysan karta horumarinta adeegyada caafimaadka, kor u qaadista wax soo saarka beeraha iyo maaraynta kheyraadka dabiiciga ah.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa xusay in heshiiskan uu sidoo kale Soomaaliya siinayo fursad ay kula shaqeyso dalal kale oo caalamka ah si loo helo tiknoolajiyad casri ah oo si nabad ah loogu adeegsan karo horumarinta dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here