Jimco 6 March 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Caruusha ee xarunta Dalka Tanzania halkaas oo berri ka dhacayo Shir madaxeedka 25aad ee Dalladda Bulshada Afrika ee EAC.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan Caruusha waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonnaa Madaxda Dalladda Bulshada Bariga Afrika ku jira si ay uga wadahadlaan xaaladda Soomaaliya iyo Dalalkooda, kordhinta xiriirka ka dhaxeeya & Arrimo kale.
Shirka waxa uu ka jeedin doonnaa khudbad uu uga hadlayo qodobada miiska saaran sida kobaca dhaqaalaha, yaraynta caqabadaha Ganacsiga, hoos u dhigista Khashaadka Gaadiidka & dardargelinta Badeecadaha dalalka xubnaha ka ah Dalladda Bulshada Bariga Afrika.



