Hoggaamiyaha Kumeel-Gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Baydhabo kula kulmay wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo u kuurgalaya xaaladaha bani aadamnimo ee deegaannada maamulkaas.
Wafdigaan waxaa hoggaaminaya ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Isku-duwaha Gargaarka Degdegga ah, Tom Fletcher si Warbixinta uu helo uu dib ugu celiyo madaxda ka sarraysa.
Tom ayaa sheegay in safarkooda uu daaran yahay sidii ay uga jawaabi lahaayeen Xaaladaha bani aadamnimo ee Deegaannada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed kaddib marka ay uruuriyaan xogta ay ka doonayaan Madaxda sida kumeel-gaarka ah u shaqaynaysa.
Hoggaamiye Jibriil ayaa dhankiisa u mahadceliyay wafdiga ka socda Qaramada Midoobay ee Maanta tagay Magaalada Baydhabo, waxa uu ka rajeeyay in si degdeg ah looga falceliyay abaaraha iyo musiibooyinka kale ee dabiiciga ah.



