Soomaaliya oo Kenya kala hadashay amniga xuduuda labada dal, gaar ahaan dagaalka AS

0
4

a’iisul Wasaare Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo kulan gaar ah la yeeshay Danjiraha Dowladda Kenya u qaabilsan Soomaaliya, Cyprian Kubai Iringo ayaa tilmaamay in labada dal.

Kulanka ayaa si gaar ahaan looga hadlay dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa danjiraha la wadaagay horumarka laga sameeyay sugidda amniga guud ee dalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhow ee Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan amniga xuduudaha iyo ilaalinta danaha ay wadaagaan labada dal.

Danjire Cyprian Kubai Iringo ayaa sheegay in Kenya xoojinta wada-shaqeynta labada dal, si loo sugo amniga loogana hortago khataraha AS iyo Daacish.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Safiir Ku-xigeenka Kenya Mudane Ilyaas Barre Shiil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here