Sabti 24, Jan 2026 {HMC} Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ugu hanjabay Canada , haddii ay heshiis ganacsi la galaan Shiinaha inuu saarayo canshuur 100% ah , dhammaan badeecooyinka ay Canada keento Mareykanka.
waxaa kaloo uu ka digay iskuday kasta oo Canada ay ku noqon karto goob uu Shiinaha badeecooyinkiisa ka soo dejiyo , si Mareykanka loo galiyo, wuxuu intaa ku daray;
“Shiinaha wuxuu si buuxda u dhaawaci karaa Canada , isagoo burburin kara ganacsigeeda, isku-xirka bulshadeeda, iyo qaab-nololeedkeeda guud.”







