Talaado Nov 18, 2025 {HMC} Ururka Xamaas ayaa ka soo horjeestay qaraarka ay ansixiyeen golaha ammaanka Qaramada Midoobay ee qorshaha nabadda Trump iyo in ciidamo caalami ah loo diro Qasa, iyadoo si cad ay Xamaas u sheegeen inaysan aqbali doonin iskuday kasta oo lagu doonayo in hubka looga dhigo kooxaha iska caabinta Qasa, waxayna ku sheegeen hubka iska caabinta xaquuq ay leeyihiin Falastiiniyiinta.
Warsaxaafadeed rasmi ah oo ururka ka soo baxay ayaa lagu sheegay in qorshaha la ansixiyay uu yahay mid lagu taageerrayo Israa’iil, taa beddelkeedana uu caddaaladda ka fogyahay.



