Wasiirkii hore ee maaliyadda Eritrea oo ku dhex geeriyooday Xabsi uu Ku Xirnaa

0
134

Jimco 23 Agoosto 2024 {HMC} Wasiirkii hore ee maaliyadda Eritrea, si weynna u dhaleeceeyay madaxweynaha dalkaas – ayaa ku dhintay xabsiga, sida ay sheegeen qoyskiisa.

79-jirkan ayaa ahaa wasiirkii maaliyadda ee ugu waqtiga dheeraa Eritrea, balse waxaa xilka laga qaaday sannadkii 2012-kii kaddib markii ay isku dhaceen madaxweyne Isaias Afwerki.

Lix sano ka dib ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu soo saaray buug uu ku sheegay in madaxweynaha uu yahay keligii taliye u baahan in uu is casilo.

Qoyskiisa ayaa BBC-da u sheegay in maamulka oo si naadir ah u xaqiijiya dhimashada saraakiisha sarsare ee xabsiga lagu hayo ay ogeysiiyeen geerida Mr Berhane.

Dowladda ayaa sidoo kale naadir ah in ay la wadaagto halka meydadka lagu aasay balse qoyska Mr Berhane ayaa maqlay in uu jiro qorshe lagu aasayo qabuuraha Patriots ee Asmara.

Halgamaagii ka soo qayb qaatay dagaalkii xornimada Ereteriya, sida Mr. Berhane, ama xubnaha shaqada qaranka ayuun baa halkaas lagu aasi karaa.

Meydkiisa weli lama soo bandhigin, qoyskiisu waxay sheegeen, mana cadda goorta iyo sida saxda ah ee uu u dhintay Mr Berhane.

Mr Berhane Waligiis lama horkeenin maxkamad sharci ah tan iyo markii lagu xiray Xabsi aan la aqoon halka uu ku yaalo.

Madaxweyne Isaias ayaa xukumay dalka ku yaalla Bariga Afrika, iyadoo aan la qaban doorashooyin heer qaran ah, tan iyo markii uu ku guuleystay dagaalkii xornimada ee ka dhanka ahaa Itoobiya 1991-kii.

Axsaabta siyaasadda, ururrada madaniga ah iyo warbaahinta madaxa bannaan dhammaantood waa la mamnuucay.

Qaramada Midoobay iyo kooxaha xuquuqul insaanka ayaa in muddo ahba xukuumadda Eritrea ku eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka oo ay ka mid yihiin jirdil, qasab lagu waayay iyo xabsiyada tobanaan kun oo qof oo ay ku jiraan xaalado bini’aadantinimo.

Khilaafka Mr Berhane iyo Madaxweyne Isaias ayaa soo billowday 12-kii sano ee uu ugu horeysan Xilka wasiirka maaliyadda, taasoo uu ku booriyay Mr Isaias hufnaanta miisaaniyadda dalka, xiligaas oo aysan jirin in shacabka ay Ogaadaan miisaaniyada Dalka ama aysan heli karin wax aqbaar ah oo la xiriiro.

 

Sannadkii 2012-kii, Mr.Berhane Saddex sano ka dib waxa uu si qarsoodi ah u qoray buug ka kooban laba qaybood oo la magac baxay dalkaygii, waxaana u u diray Dalka dibaddiisa si loo soo saaro ama loo daabaco.

 

Marka laga soo tago in uu madaxweynihiisii hore ku tilmaamay kaligii taliye iyo in uu iscasilo, Mr Berhane waxa uu buuga u adeegsaday in uu Mr Isaias kula tartamo dood ka dhacday telefishinka qaranka.

 

Waxa kale oo uu ku baaqay in dib loo soo celiyo golihii qaranka – baarlamaanka Ereteriya – oo uu madaxweynuhu kala diray sannadkii 2002-dii, ilaa maantana ma jiro hay’ad sharci-dejineed oo la xisaabtanta xukuumadda.

 

Sannadkii 2018-kii, ka dib markii Mr Berhane uu daabacay dalkayga, waa la xiray oo waxa lagu xiray meel aan la garanayn.

 

Waqtigan laxiraayay waxaa horay xabsiga ugu siijirtay xaaskiisa, inkastoo aan la sheegin sababta loo xiray xaaskiisa. balse Waxaa xabsiga laga  sii daayay sanadkii 2019.

 

Mid ka mid ah wiilasha uu dhalay Mr. Berhane, oo isna la xiray muddada ay hooyadii ku jirtay,  ayaa la hadlay  BBC-da asigoo uga waramay  dhibaatada haysato qoyskiisa.

 

“Waxaan la noolahay rajo yar oo ah in aabahay oo qaba arrimo caafimaad uu xabsiga ka bixi doono maalin ,” ayuu yiri Efrem Berhane sanadkii  2020.

 

31-jirkan oo ku nool Dalka Maraykanka ka dib markii uu ka soo qaxay Wadankiisa Ereteriya, ayaa weydiiyey Madaxda Dalkaas su aalahan.

“Sidee dad u afduuban karaan dawlad oo ay sannado badan ugu xiran yihiin iyagoo maxaabiis ah oo an wax danbi ah galin?

Waa maxay sababta ay dadku u tusayaan naxariis daradan oo kale?

 

Bishii Sebtembar 2001, 11 wasiirro sare iyo jeneraalo ah oo ka mid ahaa koox loo yaqaan “G-15” ayaa la xiray ka dib markii ay dhaleeceeyeen madaxweynaha. Isku-dhafkan – oo ay ku jiraan saddex wasiir oo hore oo arrimaha dibadda ah, wasiirkii waxbarashada iyo taliyihii hore ee ciidamada qalabka sida – lama arag tan iyo markaas.

Dalka Ereteriya, maxaabiista siyaasadeed ayaa inta badan ka mamnuuc ah inay la xiriiraan  caalamka ama Wadanka dibaddiisa.

Bishii Febraayo, Ilze Brands-Kehris, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay “in la xisaabtan la’aantu ay sii socoto” xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee Dalka Eritrea.

“Xafiiskayagu wuxuu sii wadaa inuu helo warbixino lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan jirdilka, xarig aan sabab lahayn, xaaladaha bini’aadantinimada ka baxsan ee dadka lagu hayo, la waayitaanka qasabka ah, xaddidaadda xuquuqda xorriyatul-qawlka, ururrada, iyo isu imaatinka nabdoon,” ayay tiri.

Mr Berhane waxa uu ku dhashay dalka Eritereeya horaanta sanadkii 1945-kii, waxa uu shahaadada Master of Arts-ka cilmiga dhaqaalaha ka qaatay jaamacada Maraykanka ka hor inta aanu ku biirin halgankii xurnimo doonka ahaa ee Itoobiya.

Waana aabbe dhalay afar carruur ah Mr Berhane Wasiirkii hore ee Maaliyada Dalka Eritrea.

XIGASHO BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here