Saturday, May 11, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamo careysan oo qabsaday kontaroolka waqooyi ee Magalada Gaalkacyo

Isniin jan-14 2024-{HMC}  Wararka naaga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa Puntland ay la wareegeen bar-kontarool oo ku taalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka gadoodsan yihiin mushaar la’aan, taasi oo keentay inay xirtaan kontaroolka Gaalkacyo oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gawaarida xamuulka.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa gebi ahaanba diiday inay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ay ka gudbaan halkaasi.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in bar-kontaroolkaas ay ku xaniban yihiin gaadiidka kala duwan ee xamuulka, waxaana durtaba bilaabatay waan-waan la xiriirta arrintaan.

Ciidankan gadoodsan iyo saraakiisha horkacaysa ayaa waxaa hadda lagu qancinayaan in ay jidka furaan, islamarkaana fasaxaan gaadiidka ku xanniban halkaasi.

Hase yeeshe, saraakiisha ciidanka hogaamineysa ayaa dhankooda sheegay in muddo dhowr bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah, kuna adkeystay inaysan furi doonin wadada illaa ay ka helayaan xuquuqdooda kaga maqan maamulka Puntland, sida ay sheegeen.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana durba saameynta dhaq-dhaqaaqa ciidamadaas laga dareemay waqooyiga magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug.

Gadoodka ciidamadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Puntland ay wajaheyso kacdoon ciidan, waxaana Garoowe ka taagan xiisad kale oo u dhexeyso ciidamada Danab ee maamulkaas iyo madaxtooyada, kuwaas oo ka horyimid dib u doorashada Saciid Deni.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {11-05-2024}

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahman...

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Dowlada oo Gacanta ku dhigay Sargaal AS Ah.

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Ciidamada Dowlada oo Gacanta ku dhigay Sargaal AS Ah. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/H5tgLDcWIjU

WARARKA