Sunday, May 12, 2024
spot_imgspot_img

Mareykanka oo qaaday tallaabo ka careysiisay Dowlada Shiinaha

Isniin jan-14 2024-{HMC}  Shiinaha ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu u diray “fariin aad u qaldan” kuwa dalbanaya madax bannaanida Taiwan, kadib natiijada doorashadii madaxtinimo ee dhacday Sabtidii.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Anthony Blinken ayaa dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynaha la doortay ee Taiwan William Lai kadib markii uu ku guuleystay doorashada, waxaana Beijing ay ku tilmaantay fariintaasi mid xadgudub ku ah Washington iyada oo khalad ku tilmaantay in uu xiriir aan toos ahayn la yeesho Taiwan.

Lai oo ah hoggaamiyaha cusub ee la doortay ayaa waxa uu ballan qaaday in uu Taiwan ka ilaalinayo waxa uu ku tilmaamay gardarrada sii kordhaysa ee Shiinaha, halka Beijing ay u aragto Taiwan in ay tahay qayb ka mid ah dhulkeeda, si adagna ay ula dagaalanto dowlad kasta oo si kale tilmaan uga bixisa ama u muujisa in ay tahay dal gooni ah.

Dhambaal hambalyo ah oo loo diray hoggaamiyaha cusub ee Taiwan ayaa doorashada kadib ka soo wada baxay caalamka oo dhan, waxaana ka mid ahaa dadkii dhambaalka diray Blinken, kaas oo ku nuuxnuuxsaday iskaashiga u dhexeeya Taipei iyo Washington, isaga oo uu sheegay in uu salka ku hayo qiyamka dimuqraadiga ah.

“Waxaan rajeyneynaa inaan la shaqeyno Lai iyo hoggaamiyeyaasha dhammaan dhinacyada Taiwan si aan u horumarino danaha iyo qiyamka aan wadaagno,” Blinken ayaa ku yiri hadal uu soo saaray, isagoo ku muujiyay in Mareykanka, oo ka mid ah xulafada ugu weyn Taiwan, ay “ka go’an tahay inuu ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida guud ahaaneed.”

Hadalka Blinken ayaa dhaleeceyn ba’an ka dhaliyay Beijing, taasoo u aragta hadal kasta oo lagu taageerayo Taiwan inuu la mid yahay sharciyeynta musharax iyo xisbi siyaasadeed oo Beijing ay u aragto koox gooni u goosad ah oo rajeynaysa inay Taiwan u beddesho dal madax bannaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in hambalyada Blinken ay jabisay ballan qaadkii Mareykanka ee ahaa in “xiriir dhaqanka, ganacsiga iyo kuwa kale ee aan rasmiga ahayn” uu la yeelanayo oo kaliya Taiwan.

Waxyaabaha Mareykanku uu ka daneynayo Taiwan

Waxaa jira sababo siyaasadeed, oo uu Mareykanku ku daneynayo xiriirkiisa Taiwan, waxaana kamid ah, dhaqaalaha iyo dhaqanka, sida ay khubarradu sheegayaan.

“Siyaasad ahaan, waxay gacan ka geysaneysaa ilaalinta nabadda iyo xasilloonida adduunka iyo in Taiwan ay sii ahaato dimoqraadiyad xor ah oo caddaalad ah sida ay hadda tahay,” ayuu yiri Lev Nachman, oo ah saynisyahan siyaasadeed iyo kaaliye borofeysar oo ka tirsan Jaamacadda National Chengchi ee Taipei.

“Dhaqaale ahaan, Taiwan waa mid ka mid ah la hawlgalayaasha ganacsiga ugu muhiimsan ee Maraykanka, iyo mid ka mid ah qaybaha dhaqaalaha ugu muhiimsan ee midka caalamiga ah.”

Dhaqan ahaan, Nachman wuxuu yiri, “waxa uu maalin walba shaqsiga Maraykanka ah doonayo wuxuu la mid yahay waxa qofka Taiwanese-ka ah uu doonayo, kaas oo ah inay awood u yeeshaan in ay ka dhabeeyaan riyo kasta oo ay leeyihiin oo ku saleysan hab nololeedkooda”.

Waa maxay asal ahaan khilaafka ka dhashay arrinta Taiwan

Arrintu waxay dib ugu noqonaysaa ku dhawaad 75 sano, waa ilaa 1949-kii, markii Xisbiga talada haya ee Nationalist Party ee uu hoggaaminayay Gen Chiang Kai-shek uu ka adkaaday Xisbiga Shuuciga ee Mao Zedong ee Dagaalkii Sokeeye ee Shiinaha.

Dowladdii laga adkaaday ee loo yaqaan Jamhuuriyadda Shiinaha, waxay u bexeen Taiwan, oo ah jasiirad 100 mayl u jirta koonfur bari ee xeebta Shiinaha. Magaalada Beijing, Mao ayaa isna waxa uu aasaasay dowlad u gaar ah, taas oo ilaa maanta loo yaqaan Jamhuuriyadda Shiinaha. Labaduba waxay ku dhawaaqeen inay yihiin dowladda kaliya ee sharciga ah ee Shiinaha.

Awoodda millitari ee Shiinaha ayaa si weyn kor ugu kacday tobannaankii sano ee la soo dhaafay, waxayna cadaadis ku tahay Taiwan.

Dhanka Beijing marka loo eego, dimoqraadiyadda Taiwan ma aha mid dumineysa madax bannaanida Shiinaha.

Hase yeeshee, Shiinuhu waxa uu u arkaa hadal kasta oo lagu taageerayo Xisbiga Dimuqraadiga in uu yahay mid sharciyad siinaya siyaasiyiinta, kuwaas oo Beijing ay u aragto koox gooni u goosad ah oo rajeynaya in ay Taiwan u rogaan dal madaxbannaan.

Isha: BBC SOMALI

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {12.05.2024}

Axad,12 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow Farsamadii...

{DAAWO MUUQAALKA} Ku dhawaad 150 qof oo ku dhintay daadadka ku dhuftay Dalka Brazil.

Axad,12 May, 2024 {HMC} Ku dhawaad 150 qof oo ku dhintay daadadka ku dhuftay Dalka Brazil. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/I2T5xSc0qNg

WARARKA