Saturday, May 11, 2024
spot_imgspot_img

Ninka ay sirdoonka Israel ugu doonista badan yihiin oo ka soo muuqday tacsida qoys Soomaali ah

Isniin jan-15 2024-{HMC}  Xaafada Masayla oo ka tirsan magaalada Doxa ee dalka Qadar – halka ay ka mudan tahay teendhada tacsida alaha u naxariistee Cabdixamiid Sheekh Cabdirishiid Cali Suufi, ayaa waxaa tagaya dad maqaam ku dhex leh bulshada oo u badan culimo.

Balse dadkii soo muqday goobta tacsida ayaa waxaa kamid ah nin ay aad u doondoonayaan sirdoonka waddanka Israa’iil – Ismaaciil haniyaha oo ah madaxa garabka siyaasadda ee Ururka Xamaas, sida uu BBC u xaqiijiyay Cabdixakiin Sheekh Cali Suufi oo ku sugnaa goobta.

“Wuu noo yimid goobta loo fadhido tacsida, wuu noo tacsiyeyey gaar ahaan Sheekh Cabdirishiid iyo qoyska oo dhan iyo aniga wuxuu nala joogay saacad ku dhawaad,maqribkii ayuu nala tukaday waaana noo duceeyey” ayuu yiri Cabdixakiin.

Waxaa booqashada gogosha tacsida ku wehliyay Ismaaciil Haniya, Khaalid Mashcal oo ahaa madaxii hore ee garabka siyaasadda Xamaas hadana qayb ka ah madaxda uruka.

“Wax weyn ayey noo ahayd qoys ahaan in iyaga oo xaalad adag ka socoto Qasa in Madaxdoodii tacsi noogu yimaadee wayba na ilowsaysiisay wixii nagu dhacay waana wax weyn” ayuu intaas ku daray Cabdixakiin Sheekh Cali Suufi.

Muuqaal ku baahay baraha bulshada ayaa muujinaya Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi oo qaabilaya Ismaaciil iyo ragii kale ee la socday. Muuqaalkaas ayaa waxaa duubay nin dhallinyaro ah oo kamid ah dadka agdhaw Sheekh Suufi oo lagu magacaabo Xasan Cabdalla Sanka.

Sanka wuxuu sheegay in markii ay soo galeen goobta Ismaaciil iyo Khalid in hal mar la wada kacay markii ay soo galeen goobta si garaa ay dadku ugu farxeen goobta joogay.

Hugaamiyaasha sar-sare ee Xamaas ayaa degan dalka Qadar, iyaga oo nabadgalyo shaqsiyadeed joogista dalka yar ee Qadar.

Dhanka kale dalka Qadar waxaa ku nool qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed sida Sheekh Cabdirashiid oo ah qaari aad loo jecel yahay codka uu quraanka ku aqriyo, isaga oo imaam ka noqda inta badan masaajidda.

Gudashada waajibaadka diiniga ah, gaar ahaan salaadda ayaa noqtay sabab ay kulansiisay culimada iyo hugaamiyaasha Xamaas sida uu noo sheegay Cabdixakiin.

“Ismaaciil Haniyah iyo Khalid Mashcal labadu Sheekha Cabdirishadiid ayey la tukadaan bisha Ramadan taraawiixda iyo tahajudka waana is naqaanay mar hore,” ayuu BBC da u sheegay Cabdixakiin Sheekh Cali Suufi.

Dhanka kale Sheekh Xasan Waajidi oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ee ku sugan Qadar ayaa qudhiisa sheegay in xiliyo badan uu kula tukaday Masjidka uu iimaanka ka yahay Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi ninka madaxda ka ah ururka Xamaas Ismaaciil Haniyah.

Isha: BBC

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {11-05-2024}

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahman...

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Dowlada oo Gacanta ku dhigay Sargaal AS Ah.

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Ciidamada Dowlada oo Gacanta ku dhigay Sargaal AS Ah. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/H5tgLDcWIjU

WARARKA