Sunday, May 12, 2024
spot_imgspot_img

Biden oo lagu eedeeyay “inkirida” saxafiyiinta lagu dilay Gaza

Axad-28-April-2024 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka oo Aqalka Cad ku martigeliyay munaasabad sanadle ah ku aaddan “xornimada saxaafadda iyo dimuqraadiyadda” ayaan soo hadal-qaadin dagaalka Israa’iil ee Gaza oo ay ku dhinteen ugu yaraan 97
wariye.

Tani ayaa waxay imaanaysaa iyadda oo bannaanbaxyo ay ka qeybgalayaan boqolaal dadwayne ah ay ka socdeen bannaanka hoteelka ay ka dhacdey casho-sharafta lagu qabanayo.

Isu-soo-baxan ayaa waxaa si xooggan lagu cambaareeyay maamulka Jeo Biden sidda uu u wajahayo dagaalka iyo ku boorinta martida inay qaadacaan munaasabadda.

Biden waxa uu khudbadiisa intiisa badan ku majaajilooday madaxweynihii isaga ka horreeyay iyo ninka ay xafiiltamaan ee Donald Trump, laakiin waxa uu sidoo kale ammaanay saxafiyiinta “kuwaas oo dhab ahaantii naftooda halis u geliyey” hawlahooda

“Qaar badan ayaa soo gaaray dhaawacyo halis ah, qaar kalena waxay waayeen xorriyaddooda. Suxufigu waxa cad in aanu dambi ahayn. Ma aha halkan, ma jiro, meel kasta oo adduunka ka mid ah, “ayuu yiri, isaga oo aan sheegin meesha “halkaas” laga
tixraacayo.

{DAAWO MUUQAALKA} Sayid Cali ” Aniga Xaaskeeyka Dunida ayaan ugu jeclaa Mana Dilin, Cadaalad ayaa Rabaa”’

Axad,12 May, 2024 {HMC} Sayid Cali '' Aniga Xaaskeeyka Dunida ayaan ugu jeclaa Mana Dilin, Cadaalad ayaa Rabaa''' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/0YDUHMajfOA

{DAAWO MUUQAALKA} Taratan kubbadda cagta ah oo loo qabtay Ardayda iskuulka Hiiran interegeted oo la soo gaba gabeyey

Axad,12 May, 2024 {HMC} Taratan kubbadda cagta ah oo loo qabtay Ardayda iskuulka Hiiran interegeted oo la soo gaba gabeyey HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/FY-w6JDG0ic

WARARKA