Sunday, May 12, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRA} Wasiirka Maaliyada oo Ka Qeyb Galaya shirka Horumarinta Bangiga Adduunka

Axad-28-April-2024 {HMC} Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay shirka 21-aad ee Hay’adda Horumarinta Bangiga Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo 𝐈𝐃𝐀, shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Wasiirada Maaliyadda dalalka Qaaradda Afrika.

Shirka maanta oo ah heer Wasiir Maaliyadeed ayaa looga dooday qodobada muhiim ka u ah wadamada Afrika si uu Bangiga Adduunka u maalgaliyo, qodobada ay soo saaraan Wasiirada maaliyadda ayaa waxaa la hor dhigi doonaa kulanka kiisa xiga oo ah heer Madaxweyne, kaas oo qab soomi doona 29-ka April 2024-ka.

Shirkaan waxa uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Dowladda Soomaaliya oo dhawaan ka gudubtay heerka deyn cafinta, doonaysana in ay hesho maalgalin caalami ah si oo sare loogu qaadayo wax soo saarka gudaha, dib-u-habeynta maaliyadda taas oo qeyb ka qaadan karta kordhinta dhaqaalaha Soomaaliya.

{DAAWO MUUQAALKA} Dhaq dhaqaaq Xoogan oo ka socdo Suuqa Xoolaha Magaalada Jowhar

Axad,12 May, 2024 {HMC} Dhaq dhaqaaq Xoogan oo ka socdo Suuqa Xoolaha Magaalada Jowhar HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/k7kU_MoUGlA

{DAAWO MUUQAALKA} Cabdirisaaq Cumar Maxamed “Waxaan boogaadin u dirayaa Ganacsatada dhisay haama keydka gaaska”.

Axad,12 May, 2024 {HMC} Cabdirisaaq Cumar Maxamed "Waxaan boogaadin u dirayaa Ganacsatada dhisay haama keydka gaaska". HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/9I4qOwzk49A

WARARKA