Monday, May 13, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne BIIXI oo amar culus dul dhigay Maayar MOOGE

Axad-28-April-2024 {HMC} Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ka dhan maayarka magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, wuxuuna amray inuu joojiyo dhismo uu ka waday magaaladaas.

Biixi ayaa hakiyay dhismaha ay dowladda hoose u qorsheysneyso in ay ka dhisto suuqa Xisbiga, kaas oo uu ka dhashay muran xoogan.

Dhismaha ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa in halkaas oo ay hadda dagan yihiin dad shacab ah laga dhiso xarunta degmada 26 June.

Arrintan ayaa dhalisay xiisad xoogan, waxaana khilaaf uu soo kala dhex-galay Maayar Mooge iyo xildhibaano uu kamid yahay Barkhad Baatuun oo ka horimid dhismahaaasi iyo in la barakiciyo dad danyar ah oo haatan ku ganacsada suuqa laga rabo in la dhiso.

Muuse Biixi ayaa u muuqda in uu la saftay garabka xildhibaanada diidan in halkaasi laga dhiso xarunta degmada 26 June, isaga oo amar madaxweyne ku hakiyay qorshaha dowladda Hoose.

Go’aanka madaxweynaha ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Axmed Mooge uu ka maqan yahay caasimada Somaliland, lamana oga tallaabada xigta ee uu qaadi doono.

Dhulka lagu murunsan yahay ayaa hadda ah suuq ay ku ganacsadan dadkii uu ka gubtay suuqa Waaheen, ee weli dhismihiisu qabyada yahay, wuxuuna maamulka dowladda Hoose ee Hargeysa u asteeyay in laga dhiso xarun degmo.

Maayirka Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo tan iyo markii uu ku guuleystay xilkaan horumar muuqda ka sameeyay caasimadda Hargeysa, ayaa haddana waxaa dul hoganaya eedeymo dhowr ah, oo ay qeyb ka tahay middaan.

{DAAWO MUUQAALKA} Ciyaar dhaqameedyo Cajiib ah oo lagu so dhaweynaayo Duubka Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan

Axad,12 May, 2024 {HMC} Ciyaar dhaqameedyo Cajiib ah oo lagu so dhaweynaayo Duubka Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/25d9a5pp2oo

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {12-05-2024}

Axad,12 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble Farsamadii ::Mohamed...

WARARKA