Monday, May 13, 2024
spot_imgspot_img

Maxaa Ka Jiro In Mar Kalo gudaha dalka Sweden lagu Gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka?

Axad-28-April-2024 {HMC}  Telefishinka Turkish-ka ee A Haber Channel ayaa soo tebiyey in Ficil kale oo lagu gubay Nuqulka Kitaabka Qur’aanka Kariimka laga abaabulay gudaha dalka Sweden.

Haweeney ayaa la sheegay inay meel Fagaare ah ku gubtay Nuqulka Kitaabka Qur’aanka Kariimka, iyadoo ay Boliska Swedish ilaalo iyo Badbaadin Khaas ah siiyeen Haweeneydaasi.

Dhanka kale Telefishinka Swedish ee STV ayaa soo weriyey inay Boliska dalkaasi heleen Codsi kale oo lagu dalbaday Fal lagu gubayo Nuqulka Kitaabka Qur’aanka Kariimka bisha soo socota ee May 3-da.

Falalka Xadgudubka ee lagu gubayo Nuqulka Kitaabka Qur’aanka Kariimka ma aha mid ku cusub dalka Sweden, iyadoo ay horey Falkaasi u geysteen Siyaasiga Xag-jirka ee Rasmus Paludan ee haysta Dhalashada Swedish iyo Danish iyo Salwan Momika oo ah Qaxooti Iraqi.

Dowladda Sweden waxaa Falalka xadgudubka ee lagu gubay Nuqulo Kitaabka Qur’aanka kaga baxay Ku-dhawaad 200,000 oo Dollar, sida laga soo xigtay Warbaahinta Maxaliga ee dalkaasi.

Si kastaba, Dunida Muslimka waxay dhigeen Dibadbaxyo lagu cambaaraynayo Oggolaanshaha Dowladda Sweden ee falalka xadgudubka ku ah Diinta Islaamka iyo Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka SCC Khaatumo ayaa isku shaandheyn ku Sameeyey Qaar kamid ah Golaha wasiirada.

Isniin-13-May-2024 {HMC} Hogaanka SCC Khaatumo ayaa isku shaandheyn ku Sameeyey Qaar kamid ah Golaha wasiirada. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/LnM4FoBQgh4  

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye Madaale” Ganacsatada iyo Culumada waa in ay Caawiyaan dadka Danta yar.”

Isniin-13-May-2024 {HMC} Gudoomiye Madaale" Ganacsatada iyo Culumada waa in ay Caawiyaan dadka Danta yar." HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/aJ6JnZrLV1s

WARARKA