Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Dowlada Dalka Masar oo Digniin Ka Soosaartay weerarda Ciidamada Israel ku galeen Rafah

Arbaco-08-may -2024 {HMC} – Masar ayaa dhaleeceysay howgalka Israel ee Rafax, waxayna uga digtay in la wareegistooda goobta laga galo Rafax ay khatar ku tahay nolosha in ka badan hal milyan oo reer Falatiin ah kuwaas oo ku tiirsan gargaarka.

 

Masar ayaa si weyn uga walaacsan waxa ka socda Gaza. Waxay wadaagaan xaduud iyadoo qeyb ka mid ah Rafax ay ku taal Masar, waxayna maamulaan halka laga soo galo qeybtaas.

Sidoo kale waxay uga digtay Israel in aysan sameyn wax khatar ku ah “Dadaalka lagu doonayo in lagu gaaro xabad joojin waarta”.

 

Masar aad ayey arintan u daneyneysaa maadama ay dhexdhexaadineyso in Xamas iyo Israel ku heshiiyaan xabad joojin. Hadalka Masar waa mid mug weyn leh, waana dalka ugu muhiimsan carabta ee Israel la galay heshiis nabadeed.

 

Masar ayaa si weyn uga walaacsan waxa ka socda Gaza. Waxay wadaagaan xaduud iyadoo qeyb ka mid ah Rafax ay ku taal Masar, waxayna maamulaan halka laga soo galo qeybtaas.

 

Ciidanka Israa’iil waxa ay hadda gacanta ku hayaan dhammaan isgoysyada Filadelphi ee ku teedsan xudduudda Masar ee Qasa, waa halkii ay sheegtay Masar haddii ay qabsadaan ciidanka Israa’iil inay u aqoonsanayaan ku dhawaaqis dagaal iyo khad cas, sidoo kale tani waa jebinta heshiiskii nabadda ee Masar iyo Israa’iil ee 1979, oo loo yaqaan heshiiskii ‘Camp David’.

 

Sida heshiisku dhigayo, Israa’iil ayaan loo ogoleyn in ay saldhig ciidan ka dhigato ‘Zone D’ oo ka kooban dhul ciriiri ah oo ku teedsan xuduudka Masar oo dhan.

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Soomaaliya oo Xabsiga dhigay Dhalinyaro Caan ka ah Baraha Bulshada.

Axad 19 May 2024 {HMC} Howgal qaatay muddo 24 saac ah ayeey Ciidanka Boliiska Qeybta Guud kusoo qaqabteen dhalinyaro tiradoodu gaareyso 21 ruux kuwaas...

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

WARARKA