Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Ra’isul Wasaare Xamse oo laga qaaday sawir hadal hayn badan dhaliyay ma siyaasada ayaa badashay?

Arbaco, 8, May, 2024 {HMC} Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada si weyn loogu hadal hayay sawir magaalada Nairobi looga qaaday, Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo safar shaqo u jooga dalka Kenya.

Sawirkan ayaa la qaaday xilli Ra’isul Wasaare Xamse Barre lagu soo dhaweenayay magaalada Nairobi , waxa uuna salaamay uu gacanta galiyay haweeney katirsan dowladda Kenya, taas oo dad badan aad ula yaabeen ayna abuurtay hadal heyn.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa horey loogu yaqaanay in uu ka gaabsado in haweenka gacanta galiyo, waxaana horey u baahay sawirro laga qaaday isaga oo diidaya in uu gacanta galiyo haweeney ajnabi ah xilli ay gacanta usoo taagtay.

Dad badan oo ka falceliyay sawirkan cusub ee laga soo qaaday Ra’isul Wasaare Xamse Barre lana dhinac dhigay sawir hore ayaa sheegay in uu isbadal ku yimid hab-dhaqanka Ra’isul Wasaaraha , uuna hadda bilaabay in haweenka gacanta galiyo.

Qaar kamid ah dadka sawirkan ka falceliyay ayaa sheegay in markii hore uu Xamse diidayay in haweenka salaamo uu ku cusbaa siyaasadda, balse hadda markii uu muddo ku jiray uu isbadalay uuna is fur furay.

Madaxda Soomaalida ayaa inta badan looga bartay in ay gacanta iyo laabta galiyaan dadka ay la kulmayaan ama soo dhaweenayaan ayna ku jiraan haweenka, waxaana madax horey culumo u aheyd marar badan la arkay iyaga oo gacanta galinaya haween ajnabi ka ah.

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Soomaaliya oo Xabsiga dhigay Dhalinyaro Caan ka ah Baraha Bulshada.

Axad 19 May 2024 {HMC} Howgal qaatay muddo 24 saac ah ayeey Ciidanka Boliiska Qeybta Guud kusoo qaqabteen dhalinyaro tiradoodu gaareyso 21 ruux kuwaas...

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

WARARKA