Monday, May 20, 2024
spot_imgspot_img

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Sharaxaad Ka Bixiyay Kororka Dakhliga Dowlada Afartii bilood ee ugu dambeysay

Arbaco-08-may -2024 {HMC} – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in afartii bil ee u dambaysay uu kordhay dakhliga Dowladda kaddib markii howlaha muhiim ah oo laga qabtay isla xisaabtanka Dadweynaha ee dhinaca Canshuurta & la dagaalanka Musuqa.

Biixi ayaa sheegay in shaqo weliba oo Dowladda ay qabanayso uu u baahan yahay dhaqaale si aanay caqabad u imaan Dowladdu diiradda ay saartay in la dhaqaajiyo dhammaad waxyaabaha lagu gaarayo helista lacagaha la uruurinayo.

“Sanadkii 2022-ka bishii January ilaa bishii Abril 2022 dakhliga Dowladda u soo xarooday wuxuu ahaa $73 Milyan oo doollar. 2023 kii bishii January ilaa Abril 2023 dakhliga Dowladda u soo xarooday waxa uu ahaa $89 Milyan oo doollar. Sidoo kale sanadkaan aan hadda ku jirno ee 2024 ka ah affartaas bilood dakhliga Dowladda u soo xarooday waa 116 Milyan oo Dollar. labadaas sanno u dambeeyay haddii aan is barbardhigno korar ah 27 Milyan oo Dolllar ayuu sameeyay dakhliga gudaha”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Bixii Imaan Cige.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay sare u qaadista hannaanka dhaqaale ee Dalka waxaana ay dhinac wadaa la dagaalanka Musuqa si aanay lacagta Dowladdu loogu adeegsado si baxsan habka loogu talagalay.

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Soomaaliya oo Xabsiga dhigay Dhalinyaro Caan ka ah Baraha Bulshada.

Axad 19 May 2024 {HMC} Howgal qaatay muddo 24 saac ah ayeey Ciidanka Boliiska Qeybta Guud kusoo qaqabteen dhalinyaro tiradoodu gaareyso 21 ruux kuwaas...

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

WARARKA